Home » Articles, Fanka & Suugaanta, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Maanso Cusub Oo Ku Saabsan Xaaladahan Ugu Dambeeyey Sida Bastooladii Barlamaanka Loola Soo Baxay.

Maanso Cusub Oo Ku Saabsan Xaaladahan Ugu Dambeeyey Sida Bastooladii Barlamaanka Loola Soo Baxay.

DD

Waxaan dhamaan idinku salaamya salaanta muslinka meel aad joogtaanba ,
waxaanan idin leeyahay ramadaan kariim.jiftadani waxay soo baxday 9,9,09
waxayna ka dhalatay su,aal lay waydiiyay miyaanay dadka ama madaxda reer soomaliland
ahayn kuwa ku dayasho mudan iyo sabtee ninkii barlamanka ku jiray ula soo galay baaskolada
muxuuse doonaya ,waxaan marka jeclaystay inaan u shego dadku unuu badanyahay qolofta sarena layskagwada egyahay markay noqoto midabka laakiin aan cidi ogayn ilaahay mooyee qalbiga ruux kasta ,,maanso hore ayaan  waxaan ku idhi [qoloftu waa sideena,qalbigu waa sidooda.

waxay ku bilaabmanaysa

 

 

By: Abwaan Mawliid Aadem Qolqol

 

London, Uk

waa quruun dhaniyo
kumaan qofoo
kala qaybsanoo
qaarba noocyihiin

waa quruun dhanoo
qoobadaa ilaah
qaadir siiyay iyo
qaybtay dagaan
qalibigaba ku hayn

waa quruun dhanoo
wadda qoodh ahoo
qaalimada didshoo
qalaacadda ku dila..........................qalaaco xaga awrtuun ka daya hadaad igu dhaantaan

waa qoon dhanoo
qalladkii horiyo
qadafkay galeen
qalbigaba ku hayn

waa qoon dhanoo
waxay quudayaan
intay qaadhsadeen
qolqol-lada ku xidha

waa qoon dhanoo
is qaniinsanoo
qool iyo mareeg
isu dhiga qodxa

waa qoon dhanoo
qaran doonayoo
qabiil iyoo xunkii
qalbiyada ku sida

waa qoon dhanoo
qushi wada ahoo
xilka qabashadii
nina qira ku hayn

waa qoon dhanoo
qarax miino iyo
jalaafaa qubkood
isku wada qiroo
qarqarsiya ninkood

waa qoon dhanoo
qalqalooca iyo
laaluush qariban
qandiyada ku sida

waa qoon dhanoo
il qarsoonidiyo
xanta wada qastoo
qosolkana ku dara

waa qoon dhanoo
ballo qaadatoo
quudkii jinkiyo
qaadkiyo barjaha
qarash galiya oo
qasnadaa camiran
qollo kale u rara

aan kuu kale qoree
kuman kuman u qabo

kuman qaawanoon
 qaydsare lahayn

kuman qaxoo
qaaradaa aduun
dawarsiga ku quban

kuman qolof dhacoo
diftu qalatyoo
ishu qabanahayn

iyo kuman qaracan
qalqaloocsamoo
qawlkiiba xidhay

kuman wali qalayl
qorigii sitoo
qayrkood higsada

iyo kuman qusuur
ku qaxweeya oo
quraac subag leh iyo
qaddo wacan ku cuna

kuman qarafsadoo
daasad qaata oo
qaybtiyo xaqood
lagu qowlaloo
quful lagu jabsaday

iyo kuman qunbaha
qadaar buuxsadoo...............qadaar waad garanaysaan baan filaya]
haamaha qotama
qasanadaha gashaday

kuman qurus aduun
qaadir  siiyayo
qaybtiyo filkood
ogoon quudiyo
ceebi qabanhay

kuman quudhsigiyo
qarqarsiga abiid
ka qatoobinoo
qaysaraanta jecel

kuman wali qamuun
qoortuun luloo
quduradiyo la yaab
qaadan waayay oo
ka qashdhaca hankood

qardajeexa kuman
qoor kale maroo
tallo qabanqabkeed
ku qabowdayoo
teenaba qawada

kumanaan qas  iyo
qandaraas  sitoo
qoon kale warkood
qiilkow horkaca

iyo kuman qarwoo
dhufaysyada qotoo
qarni hore halkii
qamadidda xasuus
qalax joga wali

iyo kuman qaldhaba
iyo kuman qarsadda
iyo kuman qaldama
iyo kuman qudhoo
amar qaata oo
qalaaddaa sidii…………………….qalaad orgiga qayladiisa
qayladuun wadoo
qabqabtay yaqaan

kuman quustayoo
qalwaduun gallo
qiiq foox shitoo
quraan kuun akhriya

kumanaam qofoo
kala qaabadoo
qumanuhu dhamaan
qoortowgu jiro

kuu qeexayoo
kuu kal qalee
 aan soo qobtolo

ido qaawan baa
riyo qoonsadoo
ka qashaafayee
qudh u fiirso taa

qallad kuma hadline
markay qawlayaan
waa qoonka kali
is qaadqaade ee

quruumaha dhamaan
inay qurux sidaan
 qubanaha ka dara

isu qabe qof ihi
uma qabe hor joog

qaadirkeena wayn
kibir kaadan waa

noloshaan  qiyaas
qorshe lagu salayn
habna loo qormayn
qabyo weeye abid

joogto qabatinkeed
qabri baa ka dhaw

qoraxdii dhacdana
qoonyahow annuu
qoomamaan ahoo
qiiraan mutaa

waxaan quudayaa
inaad qaran jiriyo
………………………………..inta ogaan baan u baneeyay inaan ku xidho inta baarlamanka la furayo mahadsanid…………….

About This Post
Posted by Abdisalam on Sep 10th, 2009 and filed under Articles, Fanka & Suugaanta, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

1 Response for “Maanso Cusub Oo Ku Saabsan Xaaladahan Ugu Dambeeyey Sida Bastooladii Barlamaanka Loola Soo Baxay.”

  1. Salaama alaykum. walal waxaan kuu sheegayaa in aan aad uga helay murtida aad noo soo gudbisey qar kalena waan kaa sugeynaaa. waanad mahadsantahey..

    Ibrahim Deria.
    London.Uk.

Leave a Reply