Home » Featured, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Madaxweynaha Libiya Oo Sameeyey Gaadhi La Moodo Sayruukh, kuna tilmaamey Kii Dunida Ugu Amaanka Badnaa.

Madaxweynaha Libiya Oo Sameeyey Gaadhi La Moodo Sayruukh, kuna tilmaamey Kii Dunida Ugu Amaanka Badnaa.

qadafiMadaxweynaha Libiya, Muammar Gadaffi, wuxuu Sameeyey gaadhiga dunida ugu halista yar ama ugu amniga badan, waliba  madaxweynuhu wuxuu u egeysiiyey gaadhigan sayruukh, waxaana loogu magacdarey. Saroukh el-Jamahiriya

rocket101

Gaadhigan  loogu magacdarey ”Sayruukha Libiya” wuxuu qadaya 5ruux ,matoorkisuna waa V6 ,230 -hp. Asaaska gaadhiga oo  lagu soo abuurey  Tesco Ts oo Talyani ah, wuxuu ku kacey qiimo dhan 200,000$.

rocket_lead

Madaxweyne Qadafi ayaa gaadhigan nashqadiisa ku dajiyey gacantiisa, kuna fara yareystey oo waqti badan galiyey, kadib markuu dareemey sida howsha yar ee ay dadku ugu qudhbaxaan  shilka baabuurta ee wadanka Libiya, gaadhigan ayaa madaxweynuhu ugu tala galey inuu nafo badan oo naafobi lahaa ku badbaadiyo walibana wuxuu ka dhigey ka dunida u amniga wacan siduu ugu fiirsanaayey uu ugu fara yareysanayey.

rocket30

Gaadhigan oo afka iyo gadaal ka shabaha Sayruukh, ayaa laga soo dhaweeyey caalamka daafihiisa, waxaana si aada looga sugayaa suuqyada lagu kala iibsado baabuurta,Libiya ayaa iyana markey soo bandhigtey baabuurka waxey dareemeen sida uu u soo jiitey khubaradii goobjooga aheyd, Qadafi ayaa kadib amar ku bixiyey in bisha danbe la bilaabo sameynta baaburkan oo laga soo saaridoono magaalada Tripoli.Sidaa waxaa qortey outoblog.com oo ku xeel dheer arrimaha gaadiidka.

rocket21

Qadafi oo Libiya ka talinaayey ilaa 1969, maaha tani arintii ugu horeysey ee indhaha caalamka soo jiidata ee uu soo bandhigo,inkastoo dadka qaar ka cowdaan hadana waa madaxweyne fikiro yaable oo horumar horseeda soo bandhiga inta badan.

Dhacdooyinka caalamka,GoljanoMedia

Jamaal Halkaraan

Halkaraan@hotmail.com

Scandinavia Sweden

About This Post
Posted by Jamaal on Sep 5th, 2009 and filed under Featured, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply