Home » Articles, Featured, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Madaxweynaha Oo Ku Eedeeyey Rabshadihii Maanta Shirguddoonka Wakiilada & Xisbiga Kulmiye

Madaxweynaha Oo Ku Eedeeyey Rabshadihii Maanta Shirguddoonka Wakiilada & Xisbiga Kulmiye

d

Hargeysa (Goljano)  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Markii ugu horreysay Ka hadlay Rabshadaha Hargeysa ka  bilaabmay, Waxaanu Madaxweynuhu uu dusha uga tuuray  Shirguddoonka Wakiilada iyo Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye.

Mar uu Madaxweynahu Maanta uu Waraysi Siiyey Idaacadda BBCda, Laanteeda Afsomliga ayaa waxa ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi  “ Run ahaantii Waxa arrimahan ka dambeeya, Shir-guddonka Golaha Wakiilada, oo Golahoodii maamuli kari waayey, Xisbiga KULMIYE ayaa si toosa uga dambeeya..”

Madaxweynahu waxa uu sheegay in aanay jirin Wax Nabadgalyadu ku xumaan karto oo meesha yaalay, arrintaa issagoo sababaynayana  waxa uu yidhi “ Maalintii dhawayd Markii Golahu uu xidhmay ee ay isku buuqeen, Furihii la hayey xalaybaa lagu wareejay, Saaka si nabada inay ku yimaadaanbay ahayd, Shirguddoonkiibaana horkacaayey Rabashkan saaka dhacay”

 

“ Nabadda aan llaashanno Cadawbadan ayaan leenahay,Xabbadi haday bilaabanto, Boqolaal hurda oo mashaakil la raba Somalialand baa ka hoos kici doona, Waxaan dadweynaha ugu baaqayaa inay is dejiyaan, joojiyaan, Ninkastoo ka hadlaaya Siyaasadna Madaxweyne ahaan anaa udiyaara inaan wada hadalno, ..” Sidaasi ayuu yidhi Madaxweynuhu issagoo Dadweynaha u baaqaya.

 

Waxa kale oo Baaqiisa ka mid ahaa isagoo la hadlaaya Shicibka iyo gaar ahaan Dhalinyarada “ Arrin Wada hadal u baahan Rabash in laga sameeyo oo la idinku kiciyo oo nabadiina la idinkaga cayaaro maahin, Waxgarad, Aqoonyahan iyo Dadweynahana waxaan leeyahay Dadka Rabashkaa Wada waan garanaynaaye waa inay la hadlaan, Nabadoodana kaga Ciyaarin, iyaguna inay ka feejignaadaan, Dhalinyaradaa la qaldayna waxaan leeyahay, Rabashka joojiya”

About This Post
Posted by Abdisalam on Sep 12th, 2009 and filed under Articles, Featured, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

1 Response for “Madaxweynaha Oo Ku Eedeeyey Rabshadihii Maanta Shirguddoonka Wakiilada & Xisbiga Kulmiye”

  1. Kahin says:

    Hashii Maandeeq ee ay Halyeyadu u dhinteen soo dhacsigeeda Candho iyo Kud baa ku dhacay.
    Jahawareer Siyaasadeed iyo mid Dhaqameed.

    Suldaankayga Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Hadalkiisu aad buu iiga naxiyey , waayo wuxuu BBC da u sheegay in inta nool la doonayo in la badbaadiyo.

    Waa arin aad u Qadhaadh

    Lama doonayo in la wada hadlo

    Waxaa soo socdaa ee la doonayaa waa in Baasuuke iyo Qunbulado la soo qaato oo laysla dhaco.
    Nabadii iyo Dhaqankii Peacefulka ahaa halkaasuu ku dhamaaday waa ninkii reenow reerka u hadh.
    ilaahay ha sahlo

Leave a Reply