Home » Articles, Featured, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Madaxweynaha Oo Magacaabay Xubin Sharafeed Ka Mid Noqon Doona Golaha Guurtida JSL.

Madaxweynaha Oo Magacaabay Xubin Sharafeed Ka Mid Noqon Doona Golaha Guurtida JSL.

dd

Xubin Sharaf Cusub ayuu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin u Magacaabay Golaha Guurtida, Waxaana Sidaasi lagu sheegay Waraxaafadeed Maanta kaso baxay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland kuna saxiixanyahay Afhayeenka Madaxweynaha Saciid Cadaani Mooge oo uu Nuqul kamid ahi nasoo gaadhay, kaasi oo u qornaa sidan: 

 

Warsaxaafadeed

 

 

 

 

Madax-weynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta magacaabay xubin sharaf cusub oo ka mid noqon doona golaha Guurida Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu  markuu arkay qodobka 60 aad farqadiisa labaad ee Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana isagoo tixgalinaaya kaalinta wax ku oolka ah ee uu  qaranimada Somaliland ugu jiro golaha guurtidu waxa uu u magacaabay Sheekh Daahir Xaaji Xasan Cabdile inuu ahaado xubin sharaf ka tirsan golaha Guurtida isaga oo sida la ogyahay kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay guud ahaan dhismaha iyo horumarinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Allaa Mahad Leh

 

 

Siciid Cadaani Mooge

Af-hayeenka Madaxtooyadda JSL

 

About This Post
Posted by Abdisalam on Sep 9th, 2009 and filed under Articles, Featured, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply