Madaxweyne ku xigenka Somaliland oo dhagax dhigay Dabaq Cusub oo ay leedahay Wsarada Qorshaynta.

Hargaysa -(Goljano)- Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo dabaq ah oo ay Wasaarada qorshaynta Somaliland dhisanayso kaasi oo ay maalgeliyeen Haayadaha qaramada midoobay.
Xafladaasi waxa kale oo goob joog ka ahaa Isku duwaha deeqaha bini’aadminimo ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia Mark Bowden, Wasiirada Arrimaha Gudaha, Macdanta, Cadaalada, Ciyaaraha Guddoomiyaha Haayada Shaqaalaha, Guddoomiyaha Haayada Shaqaalaha iyo saraakiil ka socotay haayadaha qaramada midoobay.
Wasiirka Qorshaynta Somaliland Md. Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare) oo xafladaasi ka hadlay waxaanu yidhi “Marka u horreysa waxaan jecelahay inaan soo dhaweeyo una mahad naqo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, Wasiirada kale ee halkan jooga iyo Mark Bowden oo ah madaxda UNDP iyo xidhiidhiyaha hawlaha gargaarka ee qaramada midoobay. Waxaan halkan iskugu nimid dhagax dhigii Guri cusub oo xafiisyo ah oo Wasaarada Qorshaynta qaranka loo sameynayo, kaasi oo beryahanba dedaalkiisii lagu gudo-jiray oo nasiib wanaagna imika soo dhamaystirmay wixii dhaqaale ahaa ee loo ururinayay.”
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Wasaaradu waxay imika ku kala jirtay afar aqal oo kala fog fog, markay meel iskugu yimaadaan tayadii shaqadu waxaanu rajaynaynaa inay fiicnaato oo aadna la isku ogaado shaqaalihii meesha ka shaqaynayay. Waxaanan rajaynayaa inay hawshii wasaaradu qaranka u haysayna ay aad u sii fiicnaato.”
Md. Cali Sanayare wuxuu u mahad celiyay haayadihii ka qeyb qaatay dhaqaalaha lagu dhisayo Gurigan, oo kala ah UNDP, UNFPA iyo UNICEF.
Madaxda UNDP iyo xidhiidhiyaha hawlaha gargaarka ee qaramada midoobay Somaliland/Somalia Mark Bowden, oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu rajaynayo in dhismahani wax weyn ka bedalo shaqadii wasaarada qorshaynta qaranka, waxaanu tilmaamay in haayadaha qaramada midoobay ay Somaliland kala shaqaynayaan horumarinta gaar ahaan dhinacyada adeegyada bulshada.
Mark Bowden wuxuu ammaanay Wasiirka Wasaarada Qorshaynta qaranka oo uu sheegay inuu iskaashi wanaagsani ka dhaxeeyo xukuumada iyo Qaramada midoobay.
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo ka hadlayay muhiimada uu dhismahani u leeyahay qaranka wuxuu yidhi “Waan salaamayaa dadka Somaliland iyo muslimiinta kale ee ku nool adduunka. Marka labaad dhismahan la sameynayaa waa kii Wasaarada Qorshaynta dabcan Wasaarada qorshayntu waa ta isku xidha Haayadaha dawlada oo dhan ee qorshaha u dejisa iyo xataa NGO-yada Gudaha waxay inoogu fadhidaa qiime weyn meeshii shaqada isku xidhaysay dawlada in maanta loo dhiso meel ay isku yimaadaan maadaama oo ay ku kala jireen dhawr meelood. Si ay shaqadu u hufnaato mustaqbalkana ay noqoto meel Somaliland u jihaysa horumar.”
Ramaasnews

