Home » Articles, Featured, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Madaxweyne Rayaale Oo Qasriga Madaxtooyada Saxaafada Ugaga Waramay Wixii Shalay Dhacay

Madaxweyne Rayaale Oo Qasriga Madaxtooyada Saxaafada Ugaga Waramay Wixii Shalay Dhacay

d

Hargeysa (Goljano) Madaxweyne Rayaale waxa uu ugu horeyn u qadaimay shacbiga Tacsi uu u diray shacbiga Somaliland isagoo ka Tacsiyadeeyay dhibaatadii shalay dhacday magaaladda hargeysa,waxaanu ugu baaqay inaan mar danbe waxaan qaranimada ahayn dhiig loo daadin

 

Madaxweyne rayaale waxa uu mar kale u soo jeediyay axsaabta iyo shirguddoonada labada goleba wax wadahadal ku dhamaan kara inaan dagaal la gaadhsiin,waxaanu mar kale ku baaqay wada hadal bilaa shuruud ah inuu diyaar u yahay

 

Madaxweyne rayaale waxa uu si adag uga digay inaan shacbiga Somaliland mar danbe hagar daamo loo geysan isla markaana aan lagu ridin tafaraaruq danbe oo kii lixdankii oo kale ah,waxaanu sheegay mar danbe haddii lakala diro inaan fursad loo heli doonin in la isku soo celiyo

 

“Cadaw badan baan leenahay,dad badanbaa inaga faa’iidaysan doona,nabadan maanta aynu hayno wada dheer baa loo soo maray dhibaatooyin badana waa loo soo maraya. Haddii maanta ay inaga wiiqanto oo ay inaga furanto sida looga soo kabtaa aad bay u adkaanaysaa qiimo aan ku badalan karnaana ma jiro.

 

Waa la isku qaban karaa siyaasadda iyo hadalka laakiin inaan wadahadalo wixii aan hadal ku dhamayn karno,inaan cunfi u adeegsano oo carruurteena lagu lu gooyo taa anigu waan ka talinayaa. Shacbiweynahana waxaan leeyahay xisbi kasta oo naga mid ah codbay idinku leeyihiin dhiigiina inaad daadisaan

maaha,shacbiweynaha waxaan leeyahay nina dhiigiina ha u daadinina,difaaca qaranimadeena uun baan dhiig u daadin karnaa, xantaxantaysiga xisbiyada ninkastiba ololihiisa siduu u sheegayo”

 

“ninka masuula ah ee ku taliya nabadgelyo daro hala sameeyo oo kursibaan rabaa maslaxad uma hayo,ummada waxaanu leenahay inaanu u tartano warqad codka inay ku ridaan,waxaa laga hadlaa had iyo jeer madaxweynahaan doorasho doonayn,horta doorasho anigaa bilaabay waxaan idhi Somaliland doorashay ku iibsamaysaa, dibu dhaca doorashooyinka duruufaa keenay waxa la igu calaamadiyaa anigoo kaliya muran iyo khilaafyo badanbaa keenay. Anigu maalintii dhawayd waanigii idhi aynu toos u galo xisbiyadaa diiday”

About This Post
Posted by Abdisalam on Sep 13th, 2009 and filed under Articles, Featured, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

1 Response for “Madaxweyne Rayaale Oo Qasriga Madaxtooyada Saxaafada Ugaga Waramay Wixii Shalay Dhacay”

  1. qoslaaye says:

    beenaale aan beenaale ka weyni jirin baad tahay riyaaloow.
    Markaad leedahay anaa bilaabay doorasho maxaad uga jeedaa?. Umadani waxa kaliya ay ka dagaalameen wakhtigii SNM ayay ayaa ahayd in nin kalitaliye ahi aanu umada iskaga habsan, halka aad adiga iyo saaxiibadaa aad adeegayaal u ahaydeen wixii ay iska rideen, hadana waxay mar labaad diyaar u yihiin inay iska tuuraan nin kasta oo mooda xukunku inuu yahay wax ku kooban qof qudha.

Leave a Reply