Home » Articles, Goljano Latest Articles, goljano Latest News » Madaxweyne Shariif iyo taageradiisa Somaliland

Madaxweyne Shariif iyo taageradiisa Somaliland

sheekh_shariifMadaxweynaha dawladda taagta daran Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa ammaanay xasilloonida iyo deganaanshaha ka jiray Somaliland, taasoo uu tilmaamay inay tahay mid uu qalbiga aad uga taageero.

Shariif Sheekh Axmed oo waraysi uu shalay siiyey AlAAN TV oo xaruntiisu magaalada Dubia ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in deganaanshaha nabadeed ee Somaliland samaysatay yahay mid mudan in lagu ammaano, dadaalka ay ku keeneen dartii.

Sheekh Shariif oo weriyihii waraysanayey waydiiyey su’aal ahayd ‘ma aqoonsan tahay qaranimada Somaliland? Waxa uu ku jawaabay, “Waxaan ka taageeraa qalbiga xasiloonida weyn ee Somaliland, run ahaantiina waa mid u qalanta in lagu ammaano dadaalka ay sameeyeen.”

Haseyeeshee, Sheekh Shariif waxa uu sheegay in cabashooyinka shacabka reer Somaliland ka sheegtaan keligii-taliyihii Siyaad Barre dhammaadeen.

“Dadka Somaliland waxay ka cabanayaan wixii uu ku sameeyey rajiimkii keligii-taliska aha ee Siyaad Barre, laakiin tani [dawladdiisa] way ka duwan tahay,” ayuu yidhi Sheekh Shariif Axmed.

Sheekh Shariif waraysigaa lala yeeshay waxa kale oo wax lagaga weydiiyey wadahadalada la sheegayo in lagu dhexdhexaadinayo isaga iyo hoggaamiyaha ururka Xisbul-islaam Xasan Daahir Aweys, waxaannu sheegay in arrintaasi tahay tallaabo muhiim ah oo hore loo qaaday, isagoo xusay inuu Xasan Daahir Aweys muddo badan la soo shaqeeyey, iminkana diyaar u yahay inuu waqti kale oo dheer la shaqeeyo, si dib loogu soo celiyo nabad iyo kala dambayn dalka Soomaaliya ka dhalata oo keenta in la helo dawlad awood badan.

About This Post
Posted by Jamaal on Sep 4th, 2009 and filed under Articles, Goljano Latest Articles, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply