Home » Articles, Featured, General, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Markab Siday Shixnad Aad U Faro Badan Oo Ku Shuf Beelay Marsada Berbera, Walina..

Markab Siday Shixnad Aad U Faro Badan Oo Ku Shuf Beelay Marsada Berbera, Walina..

23ign10

 

 

 

 

 

Berbera (Goljano) Markab weyn oo lagu magacaabo MARYAN STAR  ayaa xalay dab ka kacay khanka ugu hooseeya ee markabka. markabkan oo ka koobnaa afar khan ayaa taagnaa marsada ay ku soo xidhaan maraakiibtu meel u dhaw isaga oo ku jiray kuyuuga lagaga rogayo shixnadaha uu siday , markabkan ayaa sida alaab kala gadisan oo ay ka mid yihiin  gaadiid, raashin, dhar,Bagaash iyo alaabo kala gadisan oo loo istimaaclo qalabka Electroniga.

masuuliyiinta  Dekada Berbera mid ka mid ah  ayaa sheegay in markabkan  4 tii sac oo wax dhiman uu dabku ka kacay afar khan oo buuxa ka ugu hooseeya taas oo uu sheegay in ay yar yihiin qalabka dab damisyada ee yaala hadana aan waxba loola hadhin ee sidii lagu bakhtiin lahaa falawgeed lagu jiro taas oo uu sheegay in wax alla wixi maraakiib ahaa inta laga fogeeyey ay gurmad u galeen wax alla wixii gaadiid yar yar ahaa taas oo loo tafa xaytay sidii markabkaasi loogu dhaadhici lahaa khanankiisa hoose si dabkaasi loo bakhtiiyo,

sidoo kale waxa uu sheegay in khananka ka sareeya kan gubnaya ay wada buuxaan oo walibana dushana ay alaabooyin kale kaga sii raran yihiin .

Wakiilka markabkana Mr. Yusuf Cali Nuur oo goor dhawayd aan khadka telefonka kula xidhiidhnay ayaa sheegay in ay iminka uun gaadheen khankii ugu hooseeyey ee gubanaayey  heleena meel ay kaga shubi karaan biyo taas oo uu ka muujiyey wakiilkaasi in ay khatar badani ka iman karto hadii uu dabkaasi dami waayo .
Sidoo kale qaar ka mid ah ganacsatada uu u rarnaa markabkani ayaa sheegay hadii uu dabkani dami waayo in ay kala kulmi doonaan khasaare baaxad weyn maadama ay u saaran tahay agab lacagta ku jirtaa ay tiro badan tahay taas oo uu markabku sido alaabooyinkii Ramadaanta iyo alaabtii ciida.

 sidoo kale waxaa la sheegayaa in markabku uu sidi karo wax qarxa madaama laga fogeeyey marakiibtii kale oo dhan taasna ay xanibtay ka qayb galkii maraakiibtasi ay u bakhtiiyaan.

Ugu dambayntii markabkan oo wali gubanaaya taas oo gurmad aad u culusina lagu wado walaw waxa loogu gurmaday aanay ahayn qalab casi ah ayaa hadana wal wal wayn ka mujiyeen madaxdii dekada iyo waliba dadkii uu u rarnaa .

Markabkan ayaa weli ku gubanaya Furdada Berbera iyadoo illaa iyo iminka laga joogaa Quus in la bakhtiiyo lana badbaadiyo Alaabtii saarnayd.
Saaka abbaaro Shantii subaxnimo  ee aroortii hore ayaa laga furay dekada oo xalay lagu soo xidhay sidi alaabta saaran wuxuun looga gadhi lahaa taas oo lagu guuleystay in dusha sare oo ay saarnaayeen baabuur  iyo alaabo kale laga soo rogo dhowr iyo lixdan Baabuur  iyo ilaalabadakale  oo boqol  Tan oo bagaasha intaasna laga soo badbaadiyey Guud ahaanba dabkii,

Markii intaas laga dejiyey ayaa dabkii iyo qiiqii ba ay dib u soo bateen una soo gudbeen khanankii kale kadib markii dabayl xoogani soo dhacday, iyadoo soo laba kaclaynta dabkaasina ay  keentay in marsada laga furo markabka loona jiido xaga badweynta si aanu ugu degin dekada waxyeelo kalena gaadhsiin Guuad ahaanba dekedda iyo maraakiibta kale ee dekedda ku xidhan.

Ganacsatadii uu urarnaa markbakani ayaa iyagu intooda badani ku sugan magaalada Berbera waxayna quus ka joogaan in ay badabaado hantidoodu ,
Hantida Markabkan saaran ayaaGanacsatadu sheegeen in ay tahay  Malaayin Dollar isago mid kasta oo ganacsato ah oo aad waydiiso wixii u saarnaba uu kuu sheegayo inay ahaayeen  Alaabooyinkii Bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo Ciida  loogu talagalay .
 

 

Mustafe Osman A/rahman

Xafiiska wararka Goljano Media

Burco / Somaliland

Mustafe_480@hotmail.com

About This Post
Posted by Mustafe on Sep 1st, 2009 and filed under Articles, Featured, General, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply