Home » Articles, General, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Maxaad ka taqaanaa wadanka Malaysia war-bixin kooban oo laga diyaariyey (Daawo Sawirada).‏

Maxaad ka taqaanaa wadanka Malaysia war-bixin kooban oo laga diyaariyey (Daawo Sawirada).‏

mlysa

Malaysia waa wadan dhaca koonfur bari Asia waana wadan ka mid ah wadamada muslimka ah ee kuyaal dunidaan aan ku nool nahay waxaana la dhihi karaa diinta Islaamka waxa ay soo gaartay dhulkaan loo yaqaan Malaya horaaantii sandkii 100aad ee Hijriyada waxaana soo gaarsiiyay muslimiin faafiya diinta Islaaamka sidoo kalana ahaa ganacsato kuwaa oo ka kala yimid bariga dhexe iyo koonfur India.

Dadkii ugu horeeyay ee diinta islaamka qaatay ayaa ahaa dadka dagan xeebaha si nabadeed oo aan Jihaad aheyn ayeey ku qaateen diinta islaamka.

Qarniyadii 18aad iyo 19aad ayaa wadanka waxaa qabsaday gumeysitiihi Ingiriiska inkastto sanadihii 1942kii ilaa 1945kii ayaa lawareegay wadanka Japan xiligaa uu socday dagaalkii labaad ee aduunka.

 Malaysia waxa ay xuduud la leedahay Brunei 381 km, Indonesia 1,782 km, Thailand 506 km iyo Singapore.

Badka ay ku fadhiso isku geeyntoodu waa 329,750 sq km (Dhul: 328,550 sq km + Bad1,200 sq km).

Dadka ku nool wadankan ayaa waxaa lagu sheegaa 26,953,136 warbixintii ka soo baxday Qaramada midoobe sanakii (July 2005).

Isku celceliska dadka wadankan ku nool ayaa waxa eey da’dooda u dhaxeysaa sidan: 0-14sano: 33% (lab 4,067,006/dhadig 3,837,758)
15-64 sano: 62.4% (lab 7,488,367/dhadig 7,447,047)
65 sano iyo kaweyn 4.6% (lab 490,334/dhadig 622,624).

 Wadanka waxa ku nool qowmiyado kala duwan oo kala ah Malay 61.4%, Chinese 23.7%, Indian (Tamil) 7.1%, others 7.8%.

Diinta ugu weyn ee wadanka kajirta waa diinta Islaamka inkastoo eey jiraan dad heysta diimaha Buddhist, Daoist, Hindu, Christian.

Dadka wadanka ku nool inkastoo ay yihiin Malaysian hadana waxaa loo kala saaraa Bumiputra iyo non Bumiputra oo macnaheedu yahay udhashay iyo uma dhalan.Macnaha Bumiputra ayaa ah “son of earth” wiilkii dhulka.Caasimada wadanka waa Kuala lumpur inkastoo Putrajaya tahay xarunta laga maamulo dalka. Wadanka waa fedaraal oo waxa uu ka kooban yahay 14 gobol oo kala Johor, Kedah, Kelantan, Melaka, Negeri Sembilan, Pahang, Perak, Perlis, Pulau Pinang, Sabah, Sarawak, Selangor Terengganu; iyo (wilayah persekutuan) taa oo ukala baxda Kuala Lumpur, Labuan, iyo Putrajaya.

Wadanka waxa uu xurnamidisa qaatay sanadkii 31 August 1957kii

Wuxuuna ka qaatay gumeystihii Ingiriiska.

Malaysia waxa ay ku jirtaa wadamada dhaqaalahooda dhax dhaxaadka yahay oo isku filnaanshaha ka gaaray xaga tiknooloojiyada.

Wax soo saarka wadanka ayaa ah mid aad u wanagsan haba ugu badnaadee xaga Palm oil ama saliida cuntada oo aduunka dhan laga wada isticmaalo sidoo kale wadanka ayaa soo saara isla markaana dhoofiya rubber, electronics.

Lacagta wadanka la isticmaalo waa Ringgit waxaana loo soo gaabiyaa (MYR). Halkii US dollar waxa uu u dhiganmaa RM3.5. Wadanka waxaa ka jira xisbiyo siyaasadeed oo kala duwan kuwa ugu muhimsana waa:

United Malays National Organization ama UMNO waana xisbiga tala dalka haayo waxana madax ka ah (Mohamed Najib Tun Abdirazak), Gerakan Rakyat Malaysia ama PGRM (LIM Keng Yaik), Malaysian Chinese Association ama MCA (ONG Ka Ting), Malaysian Indian Congres ama  MIC (S. Samy VELLU), Islamic Party of Malaysia ama PAS (Abdul HADI Awang), People’s Justice Party (Parti Keadilan Rakyat) ama PKR ( Anwar Ibrahim).

 

Malaysia waxa eey xubin katahay qaramada midoobe sidoo kalana waxa eey xubin katahay ururadan: (ABEDA, APEC, APT, ARF, AsDB, ASEAN, BIS, C, CP, FAO, G-15, G-77, IAEA, IBRD, ICAO, ICC, ICFTU, ICRM, IDA, IDB, IFAD, IFC, IFRCS, IHO, ILO, IMF, IMO, Interpol, IOC, ISO, ITU, MIGA, MINURSO, MONUC, NAM, OIC, ONUB, OPCW, PCA, UN, UNAMSIL, UNCTAD, UNESCO, UNIDO, UNMEE, UNMIK, UNMIL, UNMISET, UPU, WCL, WCO, WFTU, WHO, WIPO, WMO, WToO, WTO).

Malaysia iyo Soomaalida kunool………………..

Malaysia waxaa ku nool Soomaali u badan arday kuwaa oo wax ka barta jaamacadaha wadanka magaca ku leh iyo mac-hadyada.sidoo klae  qooysas badan oo ka soo guuray dalalka reer galbeedka si’ay ubadkooda  ugu baraan diinta Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee Islaamiga ah,waxana la dhihi karaa waa wadamada fara kutiriska ah ee u ogolaaday shacabka Soomaaliyeed in ay wadankooda ku soo galaan dal kugal la’aan(Free Visa).

4

7

21

6

1

malysia

Wixii fikirkaaga ah inoogu soo dir

Email: wardhigley55@hotmail.com

Soosaaraha barnaamijka        

Caaqil Anwar Dini

Isku dubaridaha     

Wariye  Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)

Email: kedis114@hotmail.com

Kuala Lumpur Malaysia….

About This Post
Posted by Mustafe on Sep 3rd, 2009 and filed under Articles, General, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply