Mid ka mid ah Gabdhaha Wariyayaasha ah ee ugu caansan Dalka Jarmalka oo Diinta Islaamka qaadatay. ( Qiso Xiiso Badan)
Gabadh lagu magacaabo Christiana Baker oo kamid aheyd Wariyayaasha ugu Caansan Dalka Jarmalka kana shaqeyneysay Telefishinka “MTV” ee Heesaha Faafiya, Magaceedana aad looga yaqiinnay Qaarada Europe ayaa qaadatay Diinta Islaamka oo soo Muslimtay Arrintaas oo Nolosheeda Bog Cusub u Furtay Sida ay qirtay Christiana Baker.“Waxaan Bilaabay inaan Baadi Goobo Jaceelka, laakin Markii aan Islaamka soogalay waxaan ogaaday inuu iga maqnaa Jaceylka ugu Wanaagsan waana Jaceylka Allaah, kadib Markii aan Helay Jeceylkaasna waxaan Qaatay Diinta Islaamka waxaanan noqday Mid gudata Waajibaadkeeda Diineed anigoo ah Gabar Muslimad ah oo European ah” Ayey tiri Christiana Baker.
Baker waxaa Khasab ku noqotay inay wajahdo Iclaamka German-ka ee ka horyimid kadib Islaamitaankeedii, waxay sidoo kale Muwaajaho iyo colaadin kala kulantay Saaxiibadeed iyo Qoyskii ay ka dhalatay laakin Waxaaa si dhaqsa ah u Aqbalay Qaadashadeeda Islaamka Labada Waalid ee Dhalay.
“Reerkeygu Maanta aad bey u Faraxsanyihiin kadib Markii aan ka Qeyb Galay Doodo Badan oo ku aadan Qaadashadeydii Diinta Islaamka hadana waxay ku Qanacsan yihiin in Islaamnimadu iga dhigtay Gabadh aad ugu Xidhan Daacada Alle, Qoyskeygu Wey ka faa’ideen Islaamitaankeyga hadana waa kaalinta koowaad ee Nolosheyda” Ayey tidhi Mar kale Christiana Baker.
Buug cusub oo ay soo saartay Baker oo ay kaga hadleyso Isbadalka weyn ee ku yimid Nolosheeda oo ah inay horey u aheyd Gabadh ku Caan baxday Mahrajaanada Heesaha iyo Xafladaha haddana noqotay Muslimad European ah ayey ugu magac dartay From MTV to Maka Hadafka buuguna waa inay kula hadasho Aqristaha European-ka ah si ay ugu Caddeyso Waxyaabo badan oo Islaamka kamid ah oo ay Jaahil ka yihiin Reer Galbeedku.
Christiana Baker waxay kamid tahay Haween Badan oo European ah oo Sanadihii Dambe uu soo jiitay Islaamku isla markaana jecleystay Diinta islaamka Dabadeedna Iyagoo ku Qanacsan Qaatay, hadana waxay Xubin Firfircoon ka tahay Dadka ku howlan sixitaanka Figradaha Khaldan ee Reer Galbeedku ka Qabaan Islaamka iyo Muslimiinta Iyadoo ku howlan Faafinta Buugag cusub oo ay Islaamka iyo Nolsheeda ka qortay.



Gabadhu hambalyo ayay mudan tahay, dhacdadana waxa aan ku mithaali lahaa inay tahay mid ka mid ah mucjisaadka waawayn Shahr ul-Siyaam, Shahr ul-Tawbah, Shahr ul-Cibaada, Shahr ul-Iimaan, Ilaahii soo hadeeyay iyadoo isruxda oo cawro qaawan ayaa mahaddaasoo dhan iska leh, mucjisyoon kale oo bisha Ramadan ah ah Eebbow na maqashii.