Mudaaharaadyo looga soo horjeedo Obama oo ka dhacay Mareykanka
Mudaaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeedo qorshaha cusub ee caafimaad ee xukuumadda madaxweyne Obama ayaa waxa ey ka dheceen caasimadda dalkaasi ee Washington, waxaana dadkii mudaaharaadayay lagu qiyaasay tiradooda in ka badan 30-kun oo ruux.
Dadkan oo sitay boorar waaweyn oo lagusoo xardhay qoraalo iyo masawirada m/weyne Obama oo loo ekeysiiyay Hitler iyo dad-cun ayaa waxa ey la lugeynayeen Pennsylvania Avenue iyagoona kusii jeeday Capitol Hill.
Dadkan oo ka careysay siyaasada cusub ee dhinaca caafimaadka ee uu lasoo baxay Obama ayaa waxaa ey sidoo kale ku dhawaaqayeen erayo iyo halku-dhigyo lidi ku ah m/weyne Obama.
Ururka konservative-ka ee loo yaqaan Tea Party Patriots ayaa la sheegay in ey ka dambeeyaan mudaaharaadyadan looga soo horjeedo qorshaha caafimaad ee m/weyne Barack Obama.
Xukuumada m/weyne Obama ayaa qorsheyneysa in ey isbedel guud ku sameyso hab u socodka maanta ee caafimaad ee dalka Mareykanka.
Scandinavia office
GoljanoMagazine

