Home » Articles, General, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Muhaajiriin Soomaali ah oo Ciidamada Badda ee Malta ay Gurmad u fidiyeen.

Muhaajiriin Soomaali ah oo Ciidamada Badda ee Malta ay Gurmad u fidiyeen.

tahriib

 

 

 

 

Hargaysa (Goljano) 84 Muhaajiriin Soomaali ah oo si sharci daro ah ku socdaalayay isla markaana saarnaa doonyar oo macmal ah ayaa waxaa gurmad u fidiyay isla markaana soo badbaadiyay ciidamada badda ee Malta.

Dadkan muhaajiriinta ah oo iskugu jira 53- rag ah iyo 29-haween ah oo ay afar ka mid ah ay xaamilo yihiin  ayaa waxa kale oo ka mid ah laba caruur ah.

Sida ay shaacisay website-ka laga leeyahay Malta ee The Malta Independent Online ayaa sheegtay in dadkan muhaajiriinta ah markiiba loo gudbiyay xero qaxoontiga lgu ururiyo oo ku taala Malta.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay Ciidamada Badda Talyaaniga ay gacanta ku dhigeen Tahriibayaal Soomaali u badan, kuwaasi oo doonayay in ay dalka Talyaaniga si sharci darro ah ku galaan, waxaana dadkaasi dib loogu soo celiyay Dalka Liibiya oo ay markii hore ka baxeen.

Dawladaha Talyaaniga iyo Liibiya ayaa ku heshiiyay inay joojiyaan dadka sida sharci darada ah uga soo tahriibaya Afrika ee marinka ka dhigtay badda Liibiya.

Dadka soomaalida ah ee ku sii qulqulaya dalka talyaaniga ayaa kala kulma dhibaatooyin fara badan Badda marka ay u tahriibayaan DALKA Talyaaniga iyago sii dhaafaya una sii socda Yurub iyo meelo kale.

About This Post
Posted by Mustafe on Sep 4th, 2009 and filed under Articles, General, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply