Home » News, goljano Latest News » MUNAASABADA 1DA LUULYO OO XALAY LAGU XUSEY MAGAALADA STOCKHOLM EE DALKA SWEDAN

MUNAASABADA 1DA LUULYO OO XALAY LAGU XUSEY MAGAALADA STOCKHOLM EE DALKA SWEDAN

Calanka Somalia

Calanka Somalia

Munaasabadan ka soo wareegtay 49_guuradii markii gobolada Koonfureed Xornimada ka qaateen gumeystihii talyaaniga iyo israacii goboladda koonfureed iyo kuwa waqooyi ayaa xalay si heersare ah loogu xusey magaalada Stockhlom ee dalka Swedan.
Xafladan oo lagu qabtey hoolka weyn ee xaafada rinkeby  ayaa waxaa soo qaban qaabiyey dhalinyaro Soomaaliyeed una badnaa gabdho da,doodu aad u yaryareeyd kuwaasoo ka yaabiyey dhamaan dadweynihii isugu yimid  sida weyn oo  ay isugu soo duba rideen munaasabadaan qiimaha weyn dhalinyaradaan  ayaa ahaa kuwo iskood isku soo xilqaamey isla markaana xasuustey qiimaha ay maalintaan u leedahay umada soomaaliyeed.
Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qeyb galey fanaaniin Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen fanaanka weyn ee Xasan Aadan Samatar iyo fanaan Jacfar iyagoo halkaa ku soo bandhigey heeso wadaniya oo ka turjumayey qiimaha Xoriyadu leedahay iyo sharafta Calankeena xafladan oo socotey sidoo kale waxaa isaguna heeso aad u macaan soona jiitey dhamaan ka soo qeybgalayaashii goobta ka qaadey fanaan C\laahi Iimaan ahna weriye u jooga Stockhlom tvga universal.  
Waxaa xusid mudan dhalinyaradii yaryraa soona qabanqaabisey xafladaas kuna labisnaa Calanka Soomaaliyeed hadii aan magacyadooda qaar ka xuso waxaa ka mid ahaa Seynab Ibrahin,Salma Xusen, Dheha Axmed,Siraad Ibrahin,Osman Mohamed,Max,ed Jamac,Aamina,  oo iyagana  halkaas ku soo bandhigeen heeso ciyaaraha hidaha iyo dhaqankeena ee dhaantada loo yaqaan waxayna si weyn u farxad geliyeen dhamaanba ka soo qeybgalayaashii munaasabada oo aan dareemin waqtiga. 
Dhanka kale dhamaan dadkii ka soo qeyb galey munaasaba ayaa wxeey wax lala yaabo ku tilmaameen magaladan Stockhlom ee dalkan Swedan oo ay ka dhisan yihiin Ururo Soomaaliyeed aadna u  tiro badan sababta ay u xusi waayeen maalintaan qiimaha badan maadaama ayagu magacii umada Soomaaliyeed metalayaan oo dowlada Swedana ay uga diiwaan gashan yihiin  waxaana guud ahaanba hoosta laga xariiqey in wixii sanadkaan ka dambeeya lagu taageero munaasabadaha qiimaha leh  dhalinyaradaan yaryar ee aan wax Urur ah ka socon markii ay waayeen wax u istaagana gartey iskuna xilqaamey  dabaaldegaan.
 
Xafladan oo socotey  6:00 maqribnimo ilaa 12:00 saq dhexe ayaa wexeey ku soo gabagbowdey guud ahaanba  sidii loogu talo galey.

 
 
By: Mustafe Osman A/rahman\
About This Post
Posted by Abdisalam on Jul 2nd, 2009 and filed under News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply