Muqdisho: AMISOM Oo Saska Ay Ka Qaadeen Al-Shabaab Ku Xasuuqay 12 Neef Oo Geel ah. (Daawo)
Muqdisho (Goljano) Shalay Aroornimadii ayaa lagu arkay Irridda Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aaden-Cadde 12 Neef oo Geel ah oo ay Toogteen Ciidamada AMISOM, iyo qaar kaloo dhaawaca.
Xoolahan oo Baayac-Mushtari ahaa una sii jeeday Kawaanka Xoolaha lagu qalo ee Suuqa Beerta Afisyooni oo ku yaala Degmada Waabari. Ayaa waxay sheegeen Ganacsatadii Lahayd in aanay Garanayn Sababta Xoolahooda loo xasuuqay.
Waraka qaar ayaa sheegaya in Baqdin badan oo soo foodsaartay Ciidamada AMISOM, ay sababtay Dhimashada Xoolahan, iyagoo Sanqadhii Geella markay Maqleen mooday Xoogagga Al-Shabaab oo Soo gaadaya, kaddibna ay ku fureen Rasaas. Inkastoo ay gadaal ka ogaadeen in Geellii Meesh mari jiray uu yahay.
Dhacdadan Markii shalay ay soo baxday ayaa wax laga waydiiyey Taliska sare ee Ciidamada AMISOM, Waxaanu qiray Xasuuqaa Geella loo gaystay ee Dhimashada iyo Dhaawacaba lihi inay jirto.
Afhayeenka AMISOM Maj. Behuko oo ka hadlaaya Amuurtan ayaa waxa uu yidhi ” Ciidamadeennu xalay Waxay laayeen Geel badan , weli raqda Geella waxay tallaa albaabka hore ee Garoonka, waxaa sidoo kale jira geel aan dhiman balse ay rasaastu waxyeello xooggan u geysatay”
Afhayeenka oo Caddeeyey Saska Ciidamadiisu qaadeen Qiilna u samaynaya ayaa waxa uu yidhi “Ma aha Ciidankani kuwo horay dalka u joogi jiray waa kuwo cusub, waxayna inoo sheegeen inay ka shakiyeen dhaqdhaqaaqa Geella taasna ay keentay inay toogtaan”
Ugu dambayntii Afhayeenku Maj. Behuko wuxuu sheegay in Midowga Afrika ay diyaar u tahay inay bixiso lacagta Geellu uu ku joogo, Waxaanu sheegay inuu jiro, ayna socdaan wadahadallo ay ku doonayaan inay la yeeshaan dadkii Geelaas lahaa.
Daawo Geellan Ay Laayeen Gacmaha Fulaydu:
Hargeysa Office
Goljano





