Muqdisho: Dagaal Culus oo Laysu Adeegsanayo Hoobiyeyaal iyo Madaafiic oo Galabta Ka bilawday Degmada Kaaraan ee G/Banaadir. (Daawo Sawiradan)

Dagaalyanada Al-Shabaab
Muqdisho (Goljano) Dagaal Culus oo saf ballaadhana ayaa Galabta ka bilawday Isgoyska Sanca ee Degmada Kaaraan. Dagaalkan oo laysu adeegsanayo Hubka Noocyadiisa kala duwan sida Hoobiyeyaal iyo Madaafiicba ayaa waxa uu u dhaxeeyaa Kooxaha Muqaawamada iyo Dawladda KMG ah.
Madaafiicdan oo dhawaqooda oo kale aan horey loo maqal ayaa waxay Cuskanayaan Xaafadihii ay degenaayeen Dadka Rayidka ah ee Degmada Kaaraan. Inkastoo Dadkii degenaa Degmadaasi ay Horey uga qaxeen oo aanay dad badanba imika ku noolayn.
Khasaaraha ka dhashay Dagaaladan Galabta qarxay oo ilaa haddana socda ayaan si rasmiya ilaa hadda loo xaqiijin. Inkasoo Goobjoogayaal halkaasi ku sugani ay sheegeen in uga yaraan 5 Dhimasha ah iyo 20 Dhaawac ahi jiraan.
Dagaalkan oo gaadhsiisan Ilaa Degmada Yaaqshid, ayaa sida lasoo xaqiijiyey ay Hoobiyeyaal ku dhaceen Saldhigga Yaaqshid, Inkastoo Khasaarihii halkaasi ka dhashayna aan lasoo sheegin ilaa hadda. Sidoo kale waxa uu Dagaalku ku fiday ilaa Xarunta saldhiga degmada Kaaraan iyo xaafadaha ku dhow dhow, lamana oga Khasaaraha halkaasi isna ka dhashay.
Haddaba Dagaaladdan Galabta qarxay, ayaa sida la sheegayo ay yimaadeen kadib Markii Dagaalyahanada Xoogagga Al-Shabaab iyo Xizbul Islaam ay isa soo dhoobeen Isgoyska Sanca, iyagoo wata Gawaadhida dagaalka ee Tiknida loo yaqaan. Waxaan ilaa hadda lasoo sheegayaa in Dagaalka oo sii labo laxaaday uu ka socdo Degmooyinkii uu ka bilaabmay iyo Waliba Degmooyin kale oo uu ku fiday.
Waxii Warar ah ee kasoo kordha Gadaal ayaan idiinka soo gudbin doonaa Insha Allah.
Intaa Ka Horreysa nala sii daawo Sawiradan oo ah Dagaalyahanada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
C/salaam Cusmaan Cumar-jeex
Xafiiska Wararka Ee Goljano
Hargeysa, Somaliland.








