Muqdisho: Duqayntii Maanta oo uu Warbixin dheeraada Innooga soo diray Wariyaheena Yaxye Shariif Oo Ku sugan halkaasi.
Waxaa Maanta Markale Dib Uga Bilowday Magaalada Muqdisho Dagaal Aad U Xoog Badan Kaoso Dhaxeyey Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Mucaaradka Ee Ka Soo Horjeeda, Dagaaani Wuxu Qasaare Ba’an Dadka Rayidka Ah, Dhimasho Dhaawac Iyo Burbur Hadtiyeed, Dagalkani Dhacay Wuxuu Si Aad Ah U Sii Xoogeystay Duhurkii, Waxaana La Isku Adeegsaday Madaafiica Aan Kala Go’ Alaheyn
Iyadoo Dagaalka Maanta Dhacay Uu Geystay Qasaare Culus Oo Soo Gaartay Dadka Rayidka Ah Ee Ku Haray Xaafaddaha Lagu Dagaalamay, Waxa Inta La Og Yahay Dagaaladii Dhacay Maanta Ku Geeriyooday Ilaa 7 Ruux Iyadoo Dhaawucuna Uu Intaa Ka Badan Yahay, Kasoo Gaaraya 30 Ruux. Dadka Ku Dhaawacmay 17-Ka Mid Ah Waxaa Qaaday Dhaawacooda Gadiidka Gurmadka Deg Dega Halka 13 Ka Mid Ah Ay Qaadeen Gawaaridda Dadka Rayidka Ah Ay Isticmaalan Sida Sia Uu Sheegay Mid Ka Mid Ah Darawalada Gadiidka Gurmadka Ah
Cali Muuse Oo Ka Mid Ah Saraakiisha Gadiidka Gurmadka Deg Dega Aya Sheegay In Ilaa Saakay Ay Qaadeen Dhaawac Gaaraya 17 Qofood, Kuwaasi Oo Aha Dadkii Ku Dhaawacmay Dagaalada Iyo Madaafiicda, Tasoo Ay Gaarsiiyeen Goobaha Caafimaadka Ee Magalada Muqdisho, Wuxuna Intaa Ku Dara In Ilaa Iyo Hada Ay Socoto Howsha Gurmad U Fidinta Dadka Dhaawaca Ah, Iyadoo Wargelinta Dadka Ku Dhaawaca Ahn Ay Aad U Badan Tahay,
Wuxuu Intaa Ku Daray In Ay Jiraan 13 Qofood Oo Kale, Oo Ku Dhawacmay Xaafadda Arjentiin Uu Gaari Caasi Ah Qaaday Geeyeyna Isbitaal Keydsaney, Hadaba Sarkaaskasi Oo Sheegay In Dhimashadu Ay Badnaan Karto Balse Wixii Soo Kordho Xiliga Ugu Dambeyo Ee Gurmadku Dhamaado Ayuu Sheegay Iney Soo Gudbin Doonaan
Hadaba Sarkaalkasi Su’al La Weydiyey Oo Aheyd, In Ay Jirto Wax Dhimash Ah Oo Uu Arkay? Ayaa Sheegey In Uu Xaafadda Argentin Uu Ku Arkay Meydka 3 qofood laakiin dhimashada Ay intaasi ka badan karto
Marka laga reebo dagaalada culus ee ka socda xaafado ka tirsan degmadda kaaraan ayaa waxaa bar bar socday duqeyn culus oo loo geysanayo xaafaddaha ay dadka rayidka ah degan yihin iyadoo uu jiro gubasho xoog leh, oo soo gaartay Kaalin Shidaal uu Ku keydsanaa oo ka tirsan degmada kaaran ee gobolkan banaadir waxana jira walaac xoog leh oo xiligan ay muujinayaan dadkii ku haray xaafado ka tirsan degmadda kaaraan oo dad fara ku tiris ah kuwaa oo manta la’ meel ay jaan iy cirib dhigaan.
-
Wariye: Yahya Sharif Abdinur
-
E-mail: Warside@hotmail.com
-
Muqdisho, Somaliya.

