Naftaada u faaidee si berri lagaaga Faaidaysto (Barnaamjikii Su’aalaha iyo jawabaha aha ee Bisha Ramadaan)

Barnaamijkeenii taxana ahaa ee Bisha Ramadaan aan ugu talo galnay musliminta Gaar ahaan akhristayaasha webkan, Barnaamijkan oo ah su’aalo iyo jawaabo aqoon Guud ah isla markaasna ay ku jiraan su’aalo Badan oo diini ah.
1-Su’aal, Sheeg naagtii ey ku soo degtay suuradda qad samicallaah (mujaadalah)
1-Jawab, Waxay ku soo degtay Khuweylad Bintu Taclaba.
2-Su’aal, Sheeg bilaha xurmada leh (Ash harul xurum)
2-Jawab, Bilaha xurmada leh waa 4, Waxayna kala yihiin 1=Rajab. 2= Dul Qacda. 3= Dul Xaj. 4= Muxaram.
3-Su’aal, Sheeg imisa ciidood ayuu ISLAAMKU lee yahay?
3-Jawab, ISLAAM-KA wuxu lee yahay 3 ciidood, 1-ciida carafa (Al adxa) 2- ciida soonka (fidriga) 3- ciida maalinta jimcaha.
4-Su’aal, Sheeg afarta nebi ee isdhashay?
4-Jawab, Afarta nebi ee isdhashay waxay kala yihiin 1-Nebi Ibraahim cs. 2- Nebi Isxaaq cs. 3- Nebi yacquub cs. Nebi yuusuf cs.
5-Su’aal, Sheeg salaadda aan rakuuca iyo sujuuda aan laheyn?
5-Jawab, Salaadda aan rakuuca iyo sujuuda aan laheyn waa Salaadda Janaasada.
6-Su’aal, Sheeg muxuu sameynayaa qofkii doono inuu soo islaamo?
6-Jawab, Marka hore wuu towxiidsanayaa. Marka xigana dharka ayuu daahir-sanaayaa, Marka xigana laba rakacadood ayuu tukanaayaa.
7-Su’aal, Sheeg imisa ayey ahaayeen tirida ciidamadda Muslimiinta dagaalkii Beder?
7-Jawab, Tirada Muslimiinta dagaalkii Beder waxay ahaayeen 313 nin, 70 rati (GEEL) iyo laba Faras.
8-Su’aal, Sheeg tirada ciidamadii gaalada ee dagaalkii Beder ?
8-Jawab, Tirada ciidamada gaalada ee dagaalkii Beder waxay ahaayeen 950 nin, 110 Faras, iyo 700 oo rati ah (Geel).
9-Su’aal, Sheeg goormuu dhacay dagaalkii UXUD?
9-Jawab, Dagaalkii UXUD wuxu dhacay sanadkii 3-aad ee Hijriyadda.
10-Su’aal, Sheeg dagaalkii Khandaq magaca kale ee loo-yaqaano?
10-Jawab, Dagaalka Khandaq magaca kale ee loo-yaqaano waa Axzaab.
11-Su’aal, sheeg gobolada soomaliya gobolka ugu Yar.
11-Jawab, Gobolka soomaaliya ugu yar waa Gobalka Banaadir waana isla Gobolka ugu degamada badan. Gobalka ugu weyn-na waa gobolka Bari.
12-Su’aal, Sheeg magaalada Boosaaso magacii hore ee loo-aqoon jiray?
12-Jawab, Magaalada Boosaaso waxaa loo-aqoon jiray Bandar Qaasim.
13-Su’aal, Sheeg Xeebta jamhuuriyada soomaaliya dhererkeeda waa imisa?
13-Jawab, Xeebta jamhuuriyada soomaaliya dhererkeedu waa 3333 km,
14-Su’aal, Sheeg Ururuka midowga Africa goorma ayaa la’aas aasay?
14-Jawab. Ururka midowga Afrika waxaa la-aas aasay sanadkii 1963-dii.
15-Su’aal, Sheeg Ururka midowka Afrika magaaladii lagu soo dhisay?
15-Jawab, Ururka midowga Afrika waxa lagu soo dhisay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya (Ethiopia)
16-Su’aal, Sheeg laba madaxweyne oo soomaali ah kuna dhasheen Degmada Xarar Dheere ee gobolka Mudug?
16-Jawab, Waxay kala yihiin Cabdi Qaasim Salaad Xasan iyo Cabdi Rashiid Cali Sharmarke oo la dilay, Alla yaa raxma aamiin aamiin aamiin.
17-Su’aal, Sheeg Cabdi Rashiid Cali sharmarke Sanadkii uu dhashay?
17-Jawab, Cabdi Rashiid Cali sharmarke wuxu dhashay sanadkii 1919, isla sanadkaan waxa dhashay Maxamed Siyaad Barre Alla yaa raxma labadaba aamiin.
18-Su’aal, Sheeg magaalada uu ku dhashay Maxamed Siyaad Barre?
18-Jawab, Maxamed Siyaad Barre wuxu ku dhashay magaalada Garbaharey ee Gobolka Gedo.
19-Su’aal, Sheeg sanadkii uu dhashay General Maxamed Faarax Ceydiid?
19-Jawab, General Maxamed Faarax Ceydiid wuxu dhashay sanadkii 1934-tii, Isla sanadkaan waxaa dhashay Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
20-Su’aal, Sheeg sanadkii uu dhashay Cabdi Qaasim Salaad Xasan?
20-Jawab, Cabdi Qaasim Salaad Xasan wuxu dhashay sanadkii 1941-dii
La soco Q7aad iyo Berri Insha alla
Bahda Barnaamijka Kororso Aqoontaada
Email: adde053@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia….

