Naftaada U faaidee si Berri Lagaaga Faaidaysto,(Barnaamij Su’aalo iyo jawaabo ah) Q:8-9aad

waa Barnaamkii Suaalaha iyo jawaabaha Diinga ahaa waxaan inoo soo diyaariya Bahda Barnaamijka Kororso Aqoontaada, Hadab ka faaidaysi wanaagsan.
Q:8aad
1-Su’aal Sheeg Asxaabigii Baryadiisa Alle aqbali jiray?
1-Jawab: Wuxu ahaa Sacad Bin Abii Waqaas Rc.
2Su’aal Sheeg kumuu ahaa sir hayihii (Xog-hayii) Nebiga (NNKH)?
2-Jawab: Wuxu ahaa Xudeyfa Binu-Yabaan Rc.
3-Su’aal Sheeg Asxaabigii Nebiga (NNKH) uu u sheegay inuu Alle Jecel-yahay?
3-Jawab: Wuxu ahaa Miqdaad Bin Camar Rc.
4-Su’aal Sheeg goorma ayaa la-furtay Masar (Egypt)?
4-Jawab: Waxa la-furtay 18 hijriyadda.
5-Su’aal Sheeg yaa-furtay Masar ?
5-Jawab: Waxa furtay Cumar Bin Caas Rc.
6-Su’aal Sheeg goorma ayaa la-furtay Faaris?
6-Jawab: Waxa la-furtay 19 Hijriyadda.
7-Su’aal Sheeg meesha uu ku aasan yahay Nebi Ibraahim Cs?
7-Jawab: Wuxu ku aasan yahay Qaliil waxayna ku taalaa dalka Falastiin.
8-Su’aal Sheeg goorma ayuu Ibnu batuuta Soomaaliya yimid?
8-Jawab: Wuxu yimid Qarnigigii 14-aad.
9-Su’aal Sheeg imisa magaalooyin ayuu soomaaliya ka booqday Ibnu Batuuta?
9-Jawab: Wuxu booqday Magaalooyinka kala ah 1-Moqdisho, 2-Saylac, 3-Berbera.
10-Su’aal Sheeg Booqashii Ibnu Batuuta ee Magaallada moqdisho Muxu ka qoray?
10-Jawab: Wuxu ka qoray in dadka deggan Moqdisho ay ahaayeen dad ilbax ah oo soo dhaweyn Wanaagsan, Kana ganacsan jiray Maqaarka xoolaha iyo dharka.
11-Su’aal Sheeg maxay aheyd faa’iidada ay u lahaayeen saddexda marin biyood
Gumeystayaasha reer Yurub?
11-Jawab: Maxa yelay waxay isku xiraan Qaaraddaha Asia, Africa iyo Yurub.
12-Su’aal Sheeg maxay aheyd sababtii ugu weyneyd ee uu gumeystaha ingiriisku u qabsaday
Goboladda waqooyi ee dalka Soomaaliya?
12-Jawab: Maxa wuxu doonaayey in uu ka ilaaliyo saldhig ciidan oo uu ku lahaa cadan ee Dalka Yemen.
13-Su’aal Sheeg Magaca Abaan-duulaha Cali Bin Abii Daalib Rc?
13-Jawab: Waxaa la-yiraahdaa Malik Ashtar Rc.
14-Su’aal Sheeg Kumuu ahaa Macalinkii ugu horeeyey ee reer Madiina Qur’aanka Baray?
14-Jawab: Waa Muscab Bin Cumeyr Rc.
15-Su’aal Sheeg Magaca Nebi Luud Aabihii ?
15Jawab: Waxa weeye Haaraan, Wuxuuna ladhashay Nebi Ibraahim Cs.
16-Su’aal Sheeg Magaca Magaaladda uu ku dhashay Abuu-bakar ?
16-Jawab: Wuxu ku dhashay Magaaladda Maka (Makkah).
17-Su’aal Sheeg Magaca Magaaladda uu ku dhashay Abuu Xaniifa Rc?
17-Jawab: Wuxu ku dhashay Magaaladda Kuufa ee dalka Ciraaq.
18-Su’aal Sheeg Sanadkii uu dhashay Abii Xaniifa ?
18-Jawab: Wuxu dhashay 80-kii Hijriyadda.
19-Su’aal Sheeg Magaca Magaaladda uu ku aasan yahay Abuu Xaniifa?
19-Jawab: Wuxu ku aasan yahay Magaaladda Baqdaad ee dalka Ciraaq.
20-Su’aal Sheeg Sanadkii uu dhintay Abuu Xaniifa ?
20-Jawab: Wuxu dhintay Sanadkii 150 Hijriyadda, da’diisuna waxay aheyd 70 Sano.
Q:9aad
1-Su’aal Sheeg Nebi Khadar Cs Magaciisa saxda ah?
1-Jawab: Waxaa weeye Balyaa Ibnu Malkaan.
2-Su’aal Sheeg sababtii Cusmaan Bin Cafaan loogu bixiyey laba nuur-le (Dii Nuureyn)?
2-Jawab: Maxa yelay wuxu qabay Laba Gabdhood oo uu dhalay Nebi Muxammed (NNKH).
3-Su’aal Sheeg labadii Gabdhood ee uu dhalay Rasuulka (NNKH) ee uu qabay
Cusmaan Rc?
3-Jawab: Waxay kala yihiin 1-Rukhiya Bintu Muxammed Rc, 2- Ummu Kaltuun Bin Muxammed Rc.
4-Su’aal Sheeg Magaca Malaga Buurta Afuufa?
4-Jawab: Waa Israafiil Cs.
5-Su’aal Sheeg Magaca Geedka ka baxaya Jahanama bartankeeda?
5-Jawab: Waxaa weeye Saquum.
6-Su’aal Sheeg Magaca Asxaabigii la-oran jiray Saciid Al-khudriyi?
6-Jawab: Waxa la-oran jiray Sacad Binu Maalik Binu Sinan Rc.
7-Su’aal Sheeg Asxaabigii Nebiga (NNKH) yiri waxaa dileysa Koox Xad-gudubtay?
7-Jawab: Waxa weeye Camaar Binu Yassir Rc.
8-Su’aal Sheeg Sanadkii uu dhashay Sheekh Xasan Barsane?
8-Jawab: Wuxu dhashay sanadkii 1853-dii.
9-Su’aal Sheeg Sheekh Xasan Barsane magaciisa oo seddexan?
9-Jawab: Waa Sheekh Xasan Nuur Sheekh Axmed.
10-Su’aal Sheeg Sheekh Xasan Barsane Imisa sano ayu la-dagalamaayey Gumeystihii Talyaniga?
10-Jawab: Wuxu la-dagaalamaayey Mudo 30 sano ah.
11-Su’aal Sheeg xagee buu ku geeriyooday Sheekh Xasan Barsane?
11-Jawab: Wuxu ku geeriyooday Xabsiga Dhexe ee Magallaadda Muqdisho.
12-Su’aal Sheeg Sheekh Xasan Barsane Sanadkii uu geeriyooday?
12-Jawab: Wuxu geeriyooday Sanadkii 1926-dii.
13-S u’aal Sheeg Meesha uu ku dhashay Sheekh Xasan Barsane?
13-Jawab: Wuxu ku dhashay Tuuladda Barsane oo ka tirsan Gobolka SHabellada Dhexe.
14-Su’aal Sheeg oraah-dii Xikamadda laheyd ee uu yiri General Maxamed Siyaad Barre Markii
laga saaray Magaalladda Muqdisho?
14-Jawab: Wuxu yiri Dal waan ka tagay Balse dad kama aanan tagin.
La-soco Beri iyo Qaybta 10-aad
Bahda Barnaamijka Kororso Aqoontaada
Email: kedis114@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia

