Home » Articles, Fanka & Suugaanta, Featured, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Nagula Nasta 3 MAANSO Oo Ay Kala Tiriyeem Saddexda Guddoomiye Ee UCID UDUB & KULMIYE. Q: 1aad Jiiftada Rayale

Nagula Nasta 3 MAANSO Oo Ay Kala Tiriyeem Saddexda Guddoomiye Ee UCID UDUB & KULMIYE. Q: 1aad Jiiftada Rayale

dd

Ramadaan Kariim Dhammaan

Akhristayaashada Qiimaha Badan, Waxaan Ilaahay ka Rajaynaynaa Inuu Khayrka Bishan Ramadaan inna Waafajiyo.

Marka Xigta, Waxaan jeclaysanay in aan idiin soo gudbino Saddex Maanso oo ay tiriyeen Saddexda Hoggaamiye ee Saddexda Xisbi Qaran ee S/land, Waa Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) & Eng Faysal Cali Waraabe.  

Hadaba Saddexdan Maanso uu Curiyey Abwaan Mawliid Aadem Qol-qol, Waxa uu Ku kala Matalayaa Saddexdaasi Guddoomiye, Issagoo Abwaanku Si qiimo badan ugu soo bandhigay Maansooyinkan Metelaadda ah, Waxaanu sidoo kale uu ka ilaaliyay Waxkastoo Naxliya, Cuqdada ama Cay u muuqan kara.

Dhanka kale, Saddexdan Maanso Waa Kaftan bilaa turxaana, waxaanay ka reeban yihiin Amaan ama Cay. Hadaba Waxba yaanan ka hor dhicine Bal aynu toos u gudo galno oo aynu ku horeyno Maansada ugu horreysa ee uu tiriyey Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Waxaanu ku bilaabay isagoo la hadlaya Rag bari dhawayd Gabayo Deelay ah iswaydaarsaday, iskana dhigaya inuu maqlay sidan:

 

 Sheekaba duxdeediyo
Dariiqay ku socotiyo
Dawgeeda weeyaan
In laga dabqaatoo
Darandoori jaanqaad
Loo digtooni yeeshaa
 
Anna doorkan Maansada
Darmaantadydi fuulloo
Dirirtaan u taag nahay
Inaan weerar daran iyo
Daafaco kalsoonida
Deelayna waxan idhi

 

Rabbi daayin weeyee
Darjiyo xilkaan sido
Isagaygu deeqee
Kama helin daleedaha

Sawtaan dumaalee
Duco laygu raacshee
Dadku wada ogsoona

Shalaytana cod daniniyo
Ubax laygu daadshee
Ii durbaan garaacdeen

Baritana dareenkay
Kama dayrinaayoo
Dihin weeye kaasuna
Ina deexataanoo
Ogow ii ilduuftaan
Duun kaan ku haysta

Maqlay doodihiinii
Deelaydii halabsaday
Diiwan gasho qoray
Durjigaanay ii taal

Nin idiidanaw maqal
Tan anaa ka diigoo
Gabigeed danbaabee
Dawo kale ma haysaa

Marhadan nin door xidhay
Daalalay sameeyiyo
Gaariyana isdaba dhigay
Sheekhiina dooh idhi
Tolow yaa danbeeyoo
Baritana la soo diri

Duqaydii dhulkeeniyo

Golayaashu duug male
Docdayday ka buuxaan
Doolarkiyo xisaabtiyo
Doonbarada qaataan  
[doonbaradu waa nooc qaadka ka mid ah laakiin jaban]

Maydinkaa wax didin kara
Dadkan seexday kicin kara
Danahooda fulin kara
[Jaacac Max’ed Qaalib ]
Daadays ka tuura
Dunta shaala lay sudhay

Digo rays ha moodina
Xunbo daad ha moodina
Duur geed ha moodina
Dacar cudur ha moodina
Dadqal ruux ha moodina

Dal shisheeye joogow
Ka daahan waayuhu
Qabiil baanu dooxna
Dadka kala shidhayna
Dabar baanu saara
Dibso baanu leenahay
Daad israacin mooye
Damac kale ha soo gudho

Saw kuwan dayoobee
Sicir bararku daashaday
Duunyaday dhaqdeeniyo
Xoolahay dareershan
Anagaa dilaaloo
U dhaxayna dunidee
Miyaad diidantahay taa

Maalintaan durduriyee
Jaamac dayr u dhigayee   

Halba iga dardaarana
Kuwa dibada joogow
Doonbir baa la qodaya
Dalag baa la sugaya
Waxii doog ka soo baxa
Iyagaanu deeqsiin
Inta kale dantaydiyo
Daba dhilfka weeyan
Inay dufanka leefaan

Xisbiyadu docdoodana
Haku daalinaan idhi
Hada asal madoorshuhu
Daantan waa yimaada
Taana waa u doola
Hadba tii u dihinbuu
Doodiisa  siiya
Midna waa ka daranyahay
Duuga waa markaygii
Iiga durug ma dhaafsan
Dadka waxaa uu sheega
Kayga durduro badan
Udub baa dadaal badan

Hadal waan ku daalee
Duco aan kusoo xidho
Food loo dareeriyo
Ummadiyo dalkow nabad
Mardanbaynu leenahay
Duugaynu eegnaa.

Dhammaad.

Akhriste Waxaan Filayaa Sida Fiican ee Kaftanku u dhacay inaad nala Fahantay, Kollay Sidaan hordhaca idiinku sheegayba Waxa Maansadan Dahir Rayale innoogu xigaa Waa Labdii Jiifto ee ay tiriyeen Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, Waxaanan idiin soo gudbin doonaa Insha Allah Berri Ama Sahadambe Jiiftadii uu tiriyey Axmed-siilaanyo ee ha u daymo la’aan. Waxaan idinka rajaynaynaa bal iyadana inaad nala dhuuxdaan micnaha murtida iyo ujeedadeeda biyo kama dhibcaanka ah.

FG: Haddii aad wax saluug ah ku aragtaan, ama aad u baahataan ibo bixin dheeraad ah, Fadlan  waxaad lasoo xidhiidhi kartaa Abwaan Qol-qol.

 

Waa Eraydii Abwaan Mawliid Aadem Qol-qol

E-mail: Qolqol3@hotmail.co.uk

London, UK.
 
                                           &

Diyaarintii C/salaam Cusmaan Cumar-jeex (Abu Hurayra)

E-mail: Salaanmuctasim@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland

 

About This Post
Posted by Abdisalam on Aug 22nd, 2009 and filed under Articles, Fanka & Suugaanta, Featured, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply