Home » Articles, Featured, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » NOLOSHA SAXAABADA: DUFAYL BINU CAMRIN AL-DOWSI (Casharkii 7aad)

NOLOSHA SAXAABADA: DUFAYL BINU CAMRIN AL-DOWSI (Casharkii 7aad)

dd

Dufayl wuxuu kaaba qabiil u ahaa qabiilka uu ka dhashay ee Daws, wuxuuna ahaa nin carabta dhexdeeda ku leh sharaf iyo qaddarin. Dhufayl wuxuu ahaa deeqsi oo wuxuu maal iyo lacag hayo wuxuu ku quudin jiray masaakiinta aan wax haysan, sidoo kale wuxuu magangelin jiray dadka cidii weydiista magangelyo.
 
Dufayl wuxuu ahaa gabayaa dareen sare leh, isla markaasna aad u yaqaana Suugaanta iyo Maansada Carabiga. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Dufayl wuxuu ka carraabay magaaladii ay deganaayeen tolkiis ee Tihaama, isagoo u sii jeeda magaalada Makka, markaas iyada ahna waxaa magaallada Makka  ka socday loolan dagaal oo dhexmarayay Nebiga (scw) iyo gaalladii Qureysh.
 
Qureysh waxay isku deyday sidii ay ku kasban lahayd Dufayl. Bal aan Dufayl u deyno sheekada si uu noogu sii wado sheekada, si aan u ogaanno wixii uu kala kulmay Madaxdii Qureysh, Dhufayl wuxuu yidhi “Waxaan soo galay magaallada Makka, wax yar kaddib mabaan joogin ilaa ay ii yimaadeen madaxdii Qureysh iyagoo doonaya in ay ila kulmaan, si aad u wanaagsan ayay ii soo dhoweeyeen, iyagoo i dejiyay guriga guryaha ugu qiimaha badan. Intaa kaddib waxay igu yidhaahdeen Dhufayloow waxaad timid magaaladayadii, waxaa jira nin sheeganaya inuu yahay Nebi, ninkaasi wuxuu fasahaadiyay ama kharribay umuurtayadii, wuxuu kala daadshay midnimadayadii, wuxuu burburiyay midowgayagii, sidaa darteed waxaan ka cabsanaynaa in ay kugu dhacdo adiga iyo tolkaaga aad madaxda u tahay, Musiibada nagu dhacday annaga, sidaa darteed waxaan kugula talin lahayn in aanad ruuxaas(Nabiga (scw)) la hadlin oo aanad waxba ka dhageysanin, waayo ninkaasi waxa uu akhriyayaa hadal sixir oo kale ah”.
 
Dufayl waxa uu yidhi “Wallaahi baan ku dhaartaye odayadaasi igamay tagin ilaa ay iiga sheekeeyaan Nebiga (scw) wararkiisa kuwa ugu yaabka badan iyagoo igu beeraya cabsi aad u daran, sidaa darteed waxaan go’aansaday in aanan u dhowaan oo aanan agtiisa marin meeluu joogo Nebigu(SCW), in aanan la hadlin ama aanan waxba ka dhageysan. Maalintii kale markii la gaadhay ayaa waxaan tagey Kacbada si aan u soo dawaafo, isla markaasna aan u barakeysto asanaamta halkaas taaley anigoo labadeyda dhagood soo gashaday suuf si aanan u maqlin hadalka Nebi Muxammad (scw)”.
Hase ahaatee  markaan soo galay kacbada waxaan kula kulmay Nebi Muxammad (scw) oo tukanaya, Salaad ka duwan salaadihii aan tukan jirnay, aad ayay ii farax gelisay muuqaalka saladu, waxaana i gilgishay qaabkii uu u cibaadeysanayay, waxaan is arkay naftaydii oo u sii dhowaaneysa xagga Nebiga (scw) ilaa aan noqdo ruux aad ugu dhow, Ilaahna wuxuu ii sahlay inaan maqlo wax ka mid ah wixii uu akhrinayay, wuxuuna ahaa hadal wanaagsan, ileen waa qur’aanka’e.
Wax yar ka dib waxaan is idhi waxaad tahay gebyaa caqli badan, waad kala garanaysaa hadalka kiisa wanaagsan iyo kiisa xun, maxaa kuu diidaya inaad maqasho waxa uu akhrinayo Nebi Muxammad (scw), haddii uu wanaagsan yahay waxa uu akhrinayo waad qaadan, hadduu xun yahayna waad ka tagiye. Dhufayl wuxuu yidhi “waan iska joogay ilaa uu Nebiga (scw) iska baxay, anna waan ka daba tegay anigoo kula kulmay gurigiisa. Waxaan u sheegay in la ii sheeko xumeeyay oo la igu  yidhi sidaa iyo sidaa ilaa aan go’aan ku gaadhay inaan labadeyda dhegood suuf ka soo buuxiyo si aanan u maqlin hadalkaaga, balse Alle ayaa taa diiday ilaa uu dhagahayga uu soo gaadhsiiyo hadaladaada waaney wanaagsanaayeen”.
 
Dufeyl  wuxuu Nabiga(SCW) ka codsanayaa inuu soo bandhigto sharaxaad ku saabsan Diinta Islaamka. Markaasu Nebigu(scw) wuxuu u sharxay diinta Islaamka, isagoo u akhriyay Suuradda Al-ikhlaas iyo suuradda Al-falaq, Wallaahi ma maqlin hadal ka wanaagsan hadalkaas, mana aanan arkin caddaalad ka fiican tan uu Islaamka dadka ugu yeedhayo ayuu yidhi Dufeyl, intaa ka dibna waxuu Nebiga (scw) u fidiyay gacantiisa, isagoo qiray shahaadad sidaa ayaanu ku Islaamay.
ka dib Dufayl wuxuu negaa oo uu joogay Magaalada Makka, halkaasoo uu ku baranayay Diinta Islaamka, kuna xifdinayay qaar ka mid ah Suuradaha qur’aanka. Markii uu Dhufayl go’aansaday inuu u laabto magaaladii ay deganaayeen tolkiis ayaa waxa uu u yimid Rasuulka (scw), isagoo ku yidhi ” Rasuulkii Ilaahayow waxaan ahay nin ay tolkiis maqlaan, sidaa darteed waxaan jeclahay inaan iyaga u laabto si aan ugu yeedho Diinta Islaamka, waxaad Ilaah iiga baridaa inuu ii yeelo calaamad iigu kaalmeysa Dacwada Islaamka. Rasuulka (scw) wuu ka aqbalay dalabkiisii, wuuna u duceeyay. Dhufayl wuxuu u safray magaalladii ay tolkii deganaayeen, markuu marayo meel sare oo buur ah oo u dhow magaalladii ay deganaayeen tolkii, ayaa waxaa labadiisa indhood dhexdooda fuulay Iftiin aad mooddo faynuus.
 
Dufayl wuxuu Ilaah ka baryay inuu iftiinkan ka yeello meel aan ahayn wejiga, waayo wuxuu ka cabsaday in ay u maleeyaan tolkii ciqaab lagu ciqaabayo ka dib markii uu ka tagay Diintii uu haystay markii hore. Iftiinkii wuxuu u wareegay karbaash (jeedal) uu watay xagiisa sare. Dhufayl markii uu yimid magaalladii, ruuxii ugu horeeyay ee uu la kulmay wuxuu ahaa aabihii, wuxuuna ahaa odey waayeel ah. Dhufayl wuxuu ku yidhi aabihii “Isma sheeganno, waayoo waxaan ahay Muslim”. Markaa aabihii ayaa ku yidhi wiilkiisa Dhufayl “Wiilkaygow anniga iyo adigu isku diin baynu nahay, halkaasi ayuu aabihiina ku soo Islaamay”. Dhufayl haddana wuxuu dacwada u bandhigay xaaskiisa iyo qabiilkii uu ka dhashay ee reer Daws. Xaaskiisu iyadoo aan hakad gelin ayey qaadatay Islaamka, inkastoo reerkiisu ay ku madax adeygeen marka laga reebo Abuu Hureyra (rc) oo isagu qaatay islaamka. Dhufayl wax yar kaddib, wuxuu ku soo laabtay Rasuulka (scw), isagoo sharaxaad iyo warbixinno uga bixiyay wixii uu kula kulmay tolkii. Dhufayl wuxuu yidhi “Waxaan imi magaallada Makka isagoo uu ila socdo Abuu-Hureyra (rc).
 
Rasuulku (scw) ayaa wuxuu i weydiiyay wixii aan kala kulmay tolkayga, waxaan ugu jawaabay ” Quluub ad-adag iyo gaalnimo daran, waayo reer Daws waxaa ka xoog batay faasiqinimo iyo Alle ku caasin”. Intaa ka dib Rasuulku (scw) wuu is taagay isagoo weysastay haddana wuu tukaday, dabadeedna wuxuu kor u taagay labadiisa gacmood isagoo Ilaah baryaya. Dufayl wuxuu yidhi markaan arkay, siduu uu Rasuulku (scw) yeeley ayaa waxaan u qaatay inuu Rasuulku (scw) habaari doono tolkay oo markaas la halaagayo. Hase yeeshee Rasuulku (scw) wuxuu guda galay inuu u duceeyo reer Daws oo uu lahaa “Ilaahoow hanuuni reer Daws”, saddex jeer ayuu ku celceliyay. Intaa kadib Rasuulku (scw) wuxuu deymooday Dufayl, wuxuuna ku yidhi “Waxaad u laabataa tolkaa, una dhimri oo si fudud ugu sheeg diinta Islaamka”.
Wixii intaa ka danbeeyay Dufayl wuxuu joogay dhulkii Daws, halkaa oo uu ka gudanayay Dacwadii Islaamka ilaa laga soo gaadhey wakhtigii uu Rasuulku (scw) u hijrooday Maddiina, oo ay dhaceen dagaladii waaweynaa ee Badar, Uxud, Khandaq. Waxaanu u soo galay Rasuulka (scw), waxaana la socotay siddeetan qoys oo reer Daws oo islaamay, weliba islaamkooduna wanaagsanaaday. Rasuulku (scw) aad ayuu ugu farxay arrinkaas.
 
Markii uu Nebiga (scw) geeriyooday ka dib ee khaliifnimadii loo doortay Abuubakar As-sadiiq wuxuu  noqday Dufeyl mid adeeca oo naftiisa iyo seeftiisa u dhiibay Abuubakar As-sadiiq, ka dibna waxaa dhacay dagaalkii riddooyinka (dadkii diinta ka noqday), waxa uu ahaa dadkii ugu horeeyay ee la dagaalama Museylamatul-kadaab, balse marka uu marayo meel u dhow meesha lagu magacaabo Yamaama, ayaa waxa uu arkay riyo, dabadeedna wuxuu asxaabtii uu la socday ku yiri: “waan riyooday, waxaana doonayaa inaad ii fasirtaan riyadaas?!”. Waxay ku yidhaahdeen maxaad aragtay?. Dufayl, ayaa wuxuu yidhi: “waa tan koowaade waxaan ku riyooday annigoo madaxa la iga xiiray. Tan labaadna waxaa afkayga ka soo baxay shimbir, tan saddexaadna waxaan arkay haweeneey caloosheeda i gashatay! Ugu danbeyntiinna waxaan arkay wiilkayga Camar oo doonaya inuu igu soo ordo oo uu ii yimaado, hase ahaatee ay dad na kala dhex galeen”. Dadkii waxay yidhaahdeen oo keliya: “waa kheyr”. Hase ahaatee, Dufayl ayaa isku dayey inuu fasiro riyadii. “Wuxuu yiri, horta madaxa la iga xiiri doono waa iyadoo madaxa la ii dheereyn doono oo la iga jarayo (dagaalka ku shahiidayo), shimbirka ka soo baxay afkaygana waa annigoo shahiidi doona, haweentii caloosha i gashatayna waa dhulka la igu aasi doonno, SIDAA DARTEED WAXAAN RAJEYNAYAA IN AAN DAGAALKA KU SHAHIIDO, wiilkayga Camar ee xaggeyga soo aadeyna waa isagoo doonaya SHAHAADO (inuu dagaalka ku dhinto), taasoo aan annigu u nasiib yeelan doono marka hore haddii Alle idmo, laakiin Camar isagu gadaal danbe ayuu shahaadada ka haleeli doonaa”.
Haddaba, markay dhacday dirirtii Yamaama, wuxuu Dufeyl goobtii dagaalka ku soo bandhigay wacdarro lagu dayan karo, jeer uu ILAAH ka waafajiyo wixii uu doonayay oo ahayd inuu jidka Alle ku dhinto. Hase yeeshee wiilkiisa Camar, isaga kama noogin kii sii wada dagaalka, ilaa uu ka dhaawacmo, gacantiisa midigna ka go’do. Intaa ka dib, Camar wuxuu ku soo laabtay magaaladii Madiina, halka uu aabihiis Dufeyl ku dhintay (shahiiday) dagaalkaas.
 
Xilligii khilaafada Cumar Binu Khadaab (rc) ayaa waxaa maalin Cumar u soo galay Camar Binu Dufayl, wax yar ka dibna waxaa fadhigii Cumar la keenay cunto. Cumar wuxuu dadkii ugu yeedhay inay wax kala cunaan cuntadii, hase ahaatee waxaan aadin xeedhadii cuntada Camar oo isagu meel cidla ah iska fadhiistay. Cumar ayaa weydiiyay inu ugu xishoonayo iyadoo ay ugu wacan tahay gacanta uu la’yahay awgeed iyo in kale?. Camar ayaa ugu jawaabay haa oo waa runtaa amiirkii mu’miniintoow. Cumar Binu Khadaab ayaa ku dhaartay inuu ka qayb qaato cunidda cuntada la keenay, isagoo yiri: “wallaahi nalama fadhiyo ruux qaar ka mid ah jidhkiisu ay jiraan Jannada aan ka ahayn adiga”, wuxuu ka waday gacanta Camar Binu Dufayl ee dagaalka uga go’day.
 
Haddaba, ugu danbeyntii Camar isna waxaa u danbeysay inuu helo wixii uu ku ididdiiloon jiray in muddo ah, taasoo ahayd inuu ku dhinto jihaadka asagoo difaacaya jidka iyo diinta Alle (sw), wuxuu ku shahiiday dagaalkii Yarmuuk ee dhacay sannadkii 15-aad ee hijriyada. Ilaah ha u naxariisto Camar iyo abihii Dufeyl, waa laba shahiid oo sharaf muteystaye.
 
Nolosha Asxaabta,Goljanomedia
Qore:Ibrahim Salah
Dirariye&Isku Dubaride:Jamaal Halkaraan
Halkaraan@Hotmail.com
Scandinavia Flen

About This Post
Posted by Abdisalam on Aug 31st, 2009 and filed under Articles, Featured, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply