Home » Articles, Featured, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Osama Bin Ladin Oo Farriin Culus U Diray Maraykanka

Osama Bin Ladin Oo Farriin Culus U Diray Maraykanka

dd

“Waayaha ayaa idin bari doona ineydan wax kabedalin Aqalka Cad waji waji lagu badaley mooyee,….” Hadaladaasi Waxay Ka mid yihiin Farriin Culus oo Cod ah oo uu soo diray Sh.Usama Bin Ladin.

 

Farriintan oo ku soo beegantay Labo Casho kagadaal markii Maraykanku Xusay Dhacdadii Dhabar jabka weyn ku noqotay ee 11 Septemper 2001da lagu Qarxiyey Daarihii Dhaadheeraa eeTwo Towers-ka la odhan jiray, ayaa waxaa Cinwaan looga dhigay ” Bayaan ku socda Maraykanka”.

 

Sh Usama Bin Ladin ayaa Farriintiisan waxa uu Baaq ugu jeediyey  Maraykanka isagoo ku booriyey inay ka fiirsadaan isbahaysiga ay la leeyihiin Yuhuudda, waa haddii ay doonayaanbuu yidhi inay ka bedbaadaan Weeraro Cusub oo ay Al-Qacida kala kulmaan.

 

Bin Ladin ayaa Farriintiisan waxa kale oo uu kusoo qaaday Siyaasadda Maraykanka iyo Wakhtigan xaadirka ah, Waxaanu Sheegay in Wali Siyaasaddii Maraykanku halkeedii taagantahay oo aanay waxba iska bedelin.

 

Farriintan Cusub ee Codka ah ee Hoggaamiyaha Al-Qacida Sh Usama Bin Ladin oo soconaysa Toban Daqiiqo, ayaa waxaa ka mid ahaa hadalladiisii ” Shacabka Mareykanku waa in uu kala saaraa Amnigiisa Sumcadiisa dhaqaalihiisa Iyo Amniga, Sumacada & dhaqaalaha Yuhuuda”.

 

Bin Ladin ayaa isagoo Shacbiga Maraykanka u tilmaamaya Mabaadi’da Brack waxa uu yidhi ” Barack Obama waxa uu la bahoobay Kooxda Dick Cheney ee Hogaamiyeyaasha Milatariga kuwaas oo qaba Aragtida ah in Dagaal iyo Siyaasada Cabsi galintu lagama maarmaan yihiin isaga oo Suuqgeyn u sameynaya Danaha Shirkadaha waaweyn”.

 

Sheekha ayaa Waxa uu Ku Baraarujiyey Shacabka Maraykanka in Daciifnimada Obama ay hodi doonto, Bansiina ku shubi doonto Dagaalka waxaanu yidhi issagoo arrintaa ka hadlaaya ” Waayaha ayaa idin bari doono ineydan wax kabadalin Aqalka Cad waji waji lagu badaley mooyee, Obamana waa nin Daciif ah oo aan awoodin inuu joojiyo Dagaalka sidii uu balan qaaday lakin waxa uu gaadhsiin doonaa Darajada ugusareysa ee Suuragal ah”

 

Ugu dambayntii Usama ayaa Sheegay inuu si gaar ah ugu xusayo Fariintiisan Dadkii ku waxyeeloobay Dhacdadii 11 Sept 2001, isagoo u Sheegay inay baadhaan  Sababaha keenay Weerarkaas, waxaanuu ugu baaqay haddii ay doonayaan Sababta inay Fahmaan inay dib u eegaan Kutubo ay kamid yihiin mid uu qoray Nin horey uga Shaqeyn jiray CIA-da  oo sababha Sheegaya iyo mid kale oo ka hadalaya Sameynta Yuhuudu ku leedahay Mareykanka.

 

Farriintan Cusub ayaa lagu faafiyey Bar Internet ay leeyihiin Al-qacida oo lagu Magacaabo Mu’asasada Al-Saxaab oo Warfaafinta u qaabilsan Ururka Al-Qacida. Iyadoo Fariintii tan ka horeysay oo mudo Labo Bilood kudhawaada kahor la soo dhigay Bartan Intarnetka, Waxaanu Usama Bin Ladin ku qaadaa dhigay Hadal Brack Obama u jeediyey Dalalka Islaamka.

 

Hargeysa, Office

Goljano

About This Post
Posted by Abdisalam on Sep 14th, 2009 and filed under Articles, Featured, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply