Home » Articles, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Qaadhaankii Jaamacada Gabiley Ma Badhsaabka Gabiley Ayaa La Degay Mise Ololaha UDUB Ayay Ka Dhex Raacday?

Qaadhaankii Jaamacada Gabiley Ma Badhsaabka Gabiley Ayaa La Degay Mise Ololaha UDUB Ayay Ka Dhex Raacday?

dd

Tan iyo markii Gabiley loo macaabay Gobolka 22/03/2008 waxa dadwaynaha reer gabiley ubaryay waa Cusub oo wakhtigiisa iyo waayihiisaba wata, waxaana isugu biiray farxada Gobolka oo ay mudo dheer  sugayeen, oo ay u soo mareen dhib iyo dheef-ba iyo Maamul Cusub oo qurba jooga oo xilkii Gobolka loo magacaabay, waxaa soo baxay rajooyin iyo ididiilo horleh oo la kowsaday Gobolka curdinka ah iyada oo dadku ka filayaan horumar iyo Mashaariic wax ku ool ah, Maamulka Cusub ee Gobolka Gabiley waxay dardar galiyeen markii loo magacaabay hawlo badan oo ay ka mid ahayd Gudida horumarinta Gobolka oo la dhisay, iyo Qaadhaan ururinta jaamacada iyo Dhakhtarka Gabiley,waxaanay noqotay Talaabadii ugu horaysay ee Lagu farxo soona jiidatay qof kasta oo rajo ka qabay in gabiley horumar gaadho.

 

 wax yar ka dib waxaa uu Madaxayne Rayaale Digreeto ku Amray Jaamacada Gabiley oo uu Wasiirka Waxbarashda Xasan Gadhwayne dhagax dhigay,taasi waxay soo noolaysay rajadii ardaydu ka qabeen hirgalinta Jaamacada, Badhasabka Gabiley ayaa isaguna kulamo la yeeshay Maamulka Jaamacada Camuud ee Borama, waxaanu kala hadlay sidii loo hirgalinalaa jaamacada Gabiley Univesity, dad badan ayaa is waydiinayay Dhagaxdhigaasi armuu noqdaa kii xukuumada riyaale lagu yaqaanay ee Dhisme aan jirin inta la dhagax dhigo dabadeeto halkaa lagu ilaawi jiray, wax yar ka dib Badhasaabka Gabiley Mr.Xabiib waxa uu u ambabaxay Safar dibada ah oo uu ku sheegay inuu Jaamacada Gabiley qaadhaan ugu raadinayo, safarkaasi oo uu ku soo maray wadamo badan oo ka mid ah Qaarada yurub, halkaasi oo uu kula kulmay jaaliyadaha kala duwan ee ka soo jeeda gobolka oo balan qaadyo badan uu ka soo sameeyay, ka dib markii uu soo noqday waxaa uu noo sheegay inay fuliyeen Balanqaadkii kaliya laba jaaliyadood oo kala ah Jaaliyada Feland iyo jaaliyda Woqooyiga swedan, halka wali aan la hubin inay oofiyeen Balantii jaaliyadaha kale. Gudoomiya Xabiib waxa uu Saxaafada lab jeer ka sheegay in la dhamaystirayo Jaamacada Gabiley iyo Dugsiga caafimaadka lagu barto Dabayaaqadii sanadkii 2008 ilaa horaantii 2009, isaga oo waliba ku daray in ardayda sanadkan ka baxaysay Dugsiyada Sare la bilaaban doonaan Waxbarashadooda iyaga oo ku qaadanaya Gabiley University.

 

Hadaba waxaa is waydiin leh Maxaa hakiyay Firficoonidii iyo dardartii cusbayd ee loo hayay Hawlaha horumarka Gobolka? Mise qofkii Xukuumada riyaale ku biira maalintaasi ayaa runta ugu danbaysa? Maamulka Gobolka Gabiley waxa uu ku fashilmay arinta Dhismaha Jaamacada Gobolka, waxa ay dhawaan ka bilaabeen magaalada arabsiyo Xaflada kale oo qaadhaan ururinta jaamacada loogu magac daray, ma garanayo in Ololaha udub Qaadhaanka loo ururinayo iyo in jaamacad loo ururinayo, waayo waxaa isku dhex milmay hawlihii Danta guud iyo Dantii gaarka ahayd ee raali Galinta Xukuumada Rayaale. Qaadhaan ururintaa danbe ee dalka laga sameeyay Waxaa la filayay inay daboosha baahiyaha Aasaasiga ah ee Gundhiga jaamacada, si,aanay ardayda Sanadkan baxaysaa uga hadhin sanad dugsiyeedkooda, oo ay ku qaataan Gabiley University.

 

Balse waxaa dhabar jab ku noqotay dadwaynaha reer Gabiley Maamulkii Gobolka oo ku mashquulay ololaha udub ku kaliyaysatay, oo maalin walba ku hawlan sidii ay usoo ururin lahaayeen dhalinyaro ay ku raali galinayaan Daahir riyaale oo ay leeyihiin Waxay ka soo bexeen xisbiga kulmiye oo noqotay Mashruuca ugu wayn ee Amaanta laga kasbado Madaxtooyada Somaliland, Taasi oo ay ku tartamaan Maamulka gobolka iyo Golaha deegaanka, halka uu Badhasaabku bilad sharaf kaga qaato Hawlaha kala jabinta axsaabta mucaaridka ah. waxaa kale oo uu Madaxtooyada u hayaa Hawlo badan oo ay ugu wayntahay danta Gaarka ah ee raali galisa Madaxwayne Riyaale iyo Marwadiisa koowaad Huda Barkhad aadan, Hadii aan tusaale Gaaban ku soo qaato, Isu soo Bixii kulmiye ee gabiley waxa uu isu dayay inuu baajiyo, isaga oo dib uriixay hal maalin,balse aanay usuuro galin in uu baaqdo isu soo baxaasi oo laga sameeyay dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland, iyada oo loo diiday inay lagu qabto fagaaraha khayrida oo kaliya loo ogolyahay xisbul xaakimka udub iyo Cid si gaar ah utaageeraysa Daahir riyaale, waxaanay ku qabteen Munaasabadii isu soo baxaasi Xarunta Dhexe ee Xisbiga kulmiye uu ku leeyahay Gabiley.

 

Isla markii uu bilaabmay Banaanbaxyada xisbiga mucaaridka ah ee kulmiye kaga soo horjeedo Diiwaan galin la,aanta doorashooyinka iyo Go,aamadii Komishanka ayaa waxaa uu bilaabay Badhsaabku inuu u kuur galo Bal waxa ay mucaaridka ka kala hadlayaan Dadwaynaha reer gabiley,Waxaa uu dhuumasho ku soo galay Farmasi ka soo horjeeda Xarunta dhexe ee Xisbiga kulmiye oo ahayd barta lagu qabanayo isu soo baxa masuuliyiintuna ay kala hadlayaan dadwaynaha, waxaana uu ka dhagaysanayay khubadaha kala duwan ee ay halkaasi uga jeedinayaan masuuliyiinta kulmiye dadwayne-ha reer gabiley, Banaan baxaasi waxaa uu ka mid ahaa Banaan baxyadii ugu waawaynaa ee Abid ka dhaca Gabiley, waxaana Goob joog ahaa Gudoomiye, ku xigeenka koowaad ee Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Abiib Timacad, Xildhibaan Ibraahin Axmed Haybe, C/laahi Xuseen Cige (C/laahi Black) iyo Masuuliyiin tiro badan oo magac wayn ku leh xisbiga kulmiye, Badhasaabku waxa kala waynayd dadkii daawanayay sida foosha xunleh ee uu ukhaawisayay Madaxda kulmiye iyo Banaanbaxyada dadwaynuhu kaga soo horjeedaan xukuumada sirdoonka uyahay, Danta gaarka ee uu ku raali galinayo Madaxwayne rayaale.

 

Waxaa iswaydiin Mudan in la ogaado halka sartu ka qudhuntay? Dad badan ayaa Aaminsan in Xabiib loo keenay Gobolka in uu wiiqo Awooda baaxada leh ee Mucaaridku ku leeyihiin Gabiley, taasi oo tusaale kuugu filan talaabooyinka bilawga u ah Hawlaha loo igmaday oo uu ku talaabsaday, isaga oo ay dadku aaminsanaayeen inuu wax wayn kusoo kordhin karo gobolka, laakiin aan laga filayn inta dhalinyaro lasoo ururiyo inuu yidhaahdo arinta ceelbardaale reer gabiley baa ku qaldan, awdalna sax ayay ku taagantahay.

 

Waxaan kula dardaarmayaa Maamulka Gobolka Gaar ahaana Badhsaabka inaanu ka dooran Masiirka umada iyo Karaamada uu ku dhex lahaa, raali Galinta shakhsi dan gaar ah loo fulinayo iyo Xisbiga taagta daran ee taageerada looga raadinayo Gabiley, Arinta jaamacadan waxaan leeyahay, Hadii Daacad laga yahay in Gabiley loo dhiso jaamacad aan Kolba cid ku qaadhaaman, balse hadii anay jirin cid dan gaar ah ka wadata arintaasi, Dugsiga Hoose ee ka dhisan Gabiley magaalada korkeeda oo aanay cidi ku jirin wakhti xaadirkan in la dhamaystiro dhismihiisa halka laga bilaabayo sees Cusub oo kale, somaliladu waxay tidhaa “Dani waa seeto” waxaa muhiima in horta waxaad haysato aad wax ku darsado oo la qabyo tiro, waa hadii la doonayo in dadka wax sax ah loo sheego oo aan la marin  habaabin. Hadii kale waxay noqon doontaa dhakhtarkii Gabiley ee Marka ololuhu soo dhawaado Marwada madaxwayne riyaale kolba inyar ku dari jirtay,Qurba jooga iyagana waxaan odhon lahaa Hadii ay daacad idinka tahay inaad dadkiina wax uqabataan usamaystay Gudi ka madax badanaan siyaasad ku sheegta Somaliland ragaadisay oo usmaystay Dad daacad ka ah Danta guud iyo masiirka umada Somaliland.

 

 

Wa bilaahi Tawfiiq

 

 

 

Qalinkii:- Nimco Muxumed Ibraahin

qaali540@hotmail.com

Hargeisa ,Somaliland

About This Post
Posted by Abdisalam on Sep 6th, 2009 and filed under Articles, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply