Qiso Shan sano Socotay: Hooyo Go’aansatay In Ay Noqoto Qoraa.
Dadka qaarkood waxay rajo gooyaan markay ku dhow yihiin guusha. Waxay rajo gooyaan daqiiqada ugu dambeysa tartanka ama marka hal talaabo uga hadhsan tahay guulaysiga.
Meesha maya lagaa yiraahdaa waa jidka haa oo micnaheedu yahay in mar haa ku xigayso haddii aanad ka hadhin oo aanad u quusan dhakhso. Waa inaad hadii asxaabtaada, qaraabada iyo saxiibadaaba ku yiraahdaan shaqo tan dhaanta oo run ah raadso ha ka yeelin hamigaaga ama riyadaadu waa shaqadaada rumaade.
Hooyo magaceeda la odhan jiray Debbie ayaa waxay go’aansatay inay noqoto qoraa oo ay riyadeedu ahayd ama ay ku taamaysay. Dabadeed waxay soo kireysatay teebka wax lagu garaaco oo ay dhigatay kijadeedii. Waxay bilowday in ay aroor walba marka ay caruurta iskuulka geyso ka dib garaacdo qoraalkeedii. Marka ay iskuulka ka keentana intay joojiso qoraalkeedii oo ay taybkii iska riixdo ayay u diyaarin jirtay cuntadoodii. Markay caruurta seexisana waxay halkii ka soo jiidan jiray teybkeedii ooy halkaa ka sii wadi jirtay qorideedii.
Markay laba sano iyo badh ah sidaa ku waday hooyadii kartida badnayd aad bay isula liiteen qoritaanka laakiin daqiiqad walba aad bay u xiiseynaysay.
Habeen habeenada ka mid ah ayaa ninkeedii oo la odhan jiray Wayne niyad jebiyoo ku yidhi ‘’ macaan waan ka xumahay inaan ku idhaahdo, laakiin wax dakhli ah ma keeneysid inta ka badan ma wadi karno, sababtoo ah dadka wadamada reer galbeedka ku nooli ninka iyo naagtu way wada shaqeystaan. Kuma noolaan karo ayuu yidhi dakhliga aan sameeyo oo keliya.
Habeenkaa waxaa Debbie jabay qalbiga waxayna isku dayaysay inay seexato, balse markay sariirtii tagtay laba indhood way isku keeni weyday, indhaheediina waxay ka soo degi waayeen siliiga maqsinkoodii gudcurka ahaa.
Debbie waxay ogeyd oo ay masuul ka ahayd guriga shaqadiisa iyo afar caruur ah oo ay u kaxayso iskuulada, isportiga ama ciyaaraha iyo meelaha diimaha lagu dhigto inta, iyo haddii ay ku darto shaqo 40 sacadood wiigii in aanay u helayn qorideeda waqti. Siday u soo jeeday habeenkaa ayaa waxaa ku kacay ninkeedii oo yidhi maxaa kugu dhacay, markaasay ugu war celisay waxay ila tahay in aan ku guulaysano qoritaanka, oo aan lacag ka samayn doono xaqiiqdii. Ninkeedii muddo dheer ayuu aamus ku maqnaa dabadeed ayuu soo fadhiistay oo uu laydhkii shiday oo uu ku yidhi waayahay macaan ee ku dhaqaaq. Inta ka dib Debbie waxay ku noqotay hamigeedii iyo taybkeediiu yaalay kijada, iyadoo sii wadaysa bog ilaa bog hadana jabtar ilaa jabtar muddo labo sano iyo badh kale ah.
Reerkeedii muddadaa meelna dalxiis uma tegin lacag kalena ma soo gelin aan ka ahayn tii odeygeeda. Laakiin dhib badan dheef baa ka dambeysae Shan sano dadaalkeedii iyo dulqaadkeedii waxay dhashay Debbie oo iibisay buuggeedii ugu horeeyay, dabadeedna kii ku xigay haddana mid kale, ilaa ugu dambeys maanta Debbie waxay soo saartay ilaa boqolaal buuggaag ah.
Qaar badan oo buugteeda ka mid ah waxay galeen buggaagta ugu wanaagsan ugu heer sareeya ee la iibsado (Newyork Times best seller) saddex ka mid ah buuggaagteeda waxa loo iibsaday in filimo laga sameeyo. In ka badan 60 milyan ayaa laga koobi garaystay (laga turjuntay) waxayna leedahay malaayiin taageerayaal ah oo aad u jecel.
Ninkeedii dulqaadkii iyo caawintii uu xaaskiisa garabka siiyay wuu ku najaxay oo wuxuu ka fadhiistay shaqadii isagoo shaqada kaga fadhiistay konton jir. Hadeer wuxuu waqtigiisa ku qaataa inuu sameeyo diyaaradaha halkaas oo lagu qiyaaso todoba kun oo square.
Caruurtii Debbiena way heleen dalxiisyo iyo hadiyado aad uga heer sareeya marka loo eego berigii hore ay tegi jireen dalxiis yaroo ah meel teendho laga dhisto, waxayna xaqiijisteen in hooyadood u keentay nolol sare iyo hamigeedii oo ay dhabaysay.
Iminka Debbie waxay weli ku taamtaa inay sii buuxiso oo ay ku dhaqaaqdo telifishin ku saabsan buugaagteeda, mutaysato abaalmarinada ugu sareeya ee dadka la gudoonsiiyo iyo in buugteedu gasho number koowaad ee Newyork Times best seller.
Sideedii bay u sii wadaa hawlaheedii aroor walba waxay kacdaa 4:30 buuga diinteeda ayay akhridaa, waxayna qortaa wargeyskeeda. 6:00 waxay sameysaa isku wareego dabaal ah oo ay ku jimicsanayso. 7:30 aroornimona waxay fadhidaa xafiiskeeda oo kaga jawaabtaa e-mailada iyo waraaqaha loo soo diro. Waxayna wax qortaa inta u dhaxaysa 10:00 ilaa 4:00 galabnimo, waxayna soo saartaa saddex buug sanadkiiba.
Markaa waa in la samara oon hore loo niyad jabin ama loo quusan.
Mahadnaq faro badan ban u soo jeedinayaa wargeyskan oo ii suura geliyay maqaalkan iyo aqristaha qiimaha leh.
Hodan Abdi
UK
E-mail: huda_gems@yahoo.co.uk


