Home » Articles, Featured, General, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Rabshadihii HARGYSA oo weli sii socda iyo Dhimashada iyo dhaawaca oo sii kordhaya

Rabshadihii HARGYSA oo weli sii socda iyo Dhimashada iyo dhaawaca oo sii kordhaya

mudaharad

 

 

 

Hargaysa -(Goljano)- waxa weli si xawli ah usocta Rasaasti Ay Bilaysku ridayeen, sido kale waxa shacabkii ay sii xoogeeyen Mudaharadkoodii iyagoo Gubay illaa iminka inta la xaqiijiyey 4 Gaadhi oo 3 ka mid ahi aya yihiin GT ama baaburta Dawladda halka mid kalena uu yahay Gaadhi bileys, Rasaasta weli ka dhacaysa agagaarka Xarunta Wakiilada ilaa Baar Hargeisa Mudaharadayaashuna iminka ayay ka dhaqaaqeen goobta Iyaga oo iska caabin xoogan tusaya askarta Booliska .

Mudaharaadayaasha  aya waxay jidka weyn ee baar hargaysa ku gubayeen Taayiro,Mudaharaadaysha aya ku dhawaqayey Golaha wakiladu ha noolaadan iyo ereyo la mid ah, Waxa Dadka lagu buufiyey Sunta Dadka ka ilmysiisa iyago kala yaacay isla markaasna goobtaas uu cidankii weli sii joogo, Dadkii Gadoodsanaa aya la sheegay inay u jihaysteen dhankaa iyo madaxtooyada,iyagoona la kulmay waddoyinka gala madaxtooyada oo ciidan laxaadle ah la dhigay.

isku soo wada duuboo shacabkan gadoodsan iyo ciidanka bilayska ee xabbadaha ku furaya ayaan la ogayn halka ay isla sal dhigan doonaan, iyo halka ay ku danbayn xaaladan aadka u ba’an ee ka jira qaybo ka mid ah caasimada, iyadoo aan wax war ah ka soo saarin xukuumadduna dhacdadan.

Xabbadaha ayaa dadka ama shacabka ku doonanaya goobaha ay rabashaduduhu ka socdaan meelaha ka ag dhow,iyado sida qof goob joog ahi noo xaqiijiyey uu indhihisa ku arkayay qof rayid ah oo xabbad wiifto ahi ku haleeshay agagaarka Guriigiisa oo ka agdhow wadada Baar hargysa.

Rabshadahan dhacaya ayaan laga dareemin meelo badan oo ka mid ah caasimada hargaysa, iyadoo suuqyada ugu waawayn magaaaladana ganacisgi si caadi ah u socdo.

illa iyo iminka waxa la sheegaya in dhimashadu tahay Labo Qof oo ka mid ahaa dadka Mudaharaadayey Dhaawacuna intaa ka badan yahay.

Ilaa hadda ciidamda ayaan ku guulaysan inay dejiyaan xaalada marb marka ka danbysa si icakirmaysa ee cirka isku sii shareeraysa.

wixii wararka eeka soo kordha xaalada rabshadahan kala soco warakayaga danbe  insh alla…….

 

About This Post
Posted by Mustafe on Sep 12th, 2009 and filed under Articles, Featured, General, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply