Home » Articles, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Ramadaan Kariim: Su’aalo Iyo Jawaabo Diiniya Oo Taxane ah.

Ramadaan Kariim: Su’aalo Iyo Jawaabo Diiniya Oo Taxane ah.

masjidannabawi1

Caqiidada Islamka

Su’aalo iyo jawaabo

Ilaahey kuwii ka fa’iida ha inaga dhigo insha alaah su’aalahan jawaabahooda wata waxaan isku dayeynaa inaan maalin walba soo tabino inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan:

1.      Waa maxey caqiidadu?

Ereyga ”Caqiido”macnahiisu waa;rumeyn iyo wax aaminid.

 

2.      Waa maxey iimaanku?

 Iimaanku waa rumeynta Alle iyo Rasuulkiisa,taas oo leh tilmaamo gaara iyo tiirar ay isku taagto.

 

3.      Waa maxey tilmaamaha iimaanku?

Tilmaamaha iimaanku waa waxyaalaha haddii qofka laga helo lagu sheegi karo Muumin

4.      Maxey ka koobanyihiin tilmaamaha iimaanku?

Tilmaamaha iimaanku waxay ka kooban yihiin saddex shey oo kala ah:

·         Rumeyn qalbiga ah

·         Qiritaan afka ah

·         In si dhaba loogu dhaqmo.

5.      Hadii qofku arkanul-iimanka wada qiro ma noqonayaa muslim buuxa?

MAYA,Sobobtu waa muslimnima buuxda waxaa lagu helaa in la wada qiro arkanul-iimanka, kadibna lagu dhaqmo.

 

Lasoca maalin walba 5 su’aalod  iyo  jawaabahoda

 Qore:Maxamed xirsi

waxaa soo diyaariyey: Jamaal Halkaraan

Halkaraan@hotmail.com

Scandinavia Flen

 

 

About This Post
Posted by Jamaal on Sep 2nd, 2009 and filed under Articles, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply