Saan-cadeele K/Afrika u dhashey oo Canada u tahriibey iyo K/Afrika oo ka gadoodey markii la qaabiley.
Scandinavia(GOM) Xisbiga haya talada dowlada K/Afrika ee ANC ayaa ku eedeyey waaxda socdaalka ee dowlada Canada iney ku kaceen cunsuri nimo badheedha kadib markey nin cadaana oo ku andacoodey in dadka madow ee K/Afrika ay silciyeen ay magangalyo siiyeen.
Brandon Huntley, 31jir wuxuu u dhashey wadanka K/Afrika waxaana magangalyo laga siiyey wadanka Canada,ninkan ayaa ku andacoodey in ugu yaraan 7goor ay hujuumeen dadka madow, 3goorna faash lagu caydhsadey, wuxuna ku beerlaxwsadey waaxda socdaalka ee dowlada Kanada oo u sheegey in ay dadka madow ugu yeedhaan ”Ayga Cad”ama”Kalab koorle” iyo ”kaafir kula nool”.
Brandon ayaa bayaamiyey in dowladiisu waxba ku tari weydey oo markuu adkeysan waayey u kazoo tahriibey K/Afrika.waxaa kale oo u yidhi ninkani ”wax shaqo ah xataa waan waayey oo dowladaa wada barnaamij lagu horu mariyo dadka madow iyo kuwa asal hindida ah taasina dadkii cadaa ayay noloshoda cidhiidhi galisey oo waa lanaga aarsanayaa”.
William Davis waa gudoomiyaha gudida u ogolaatey magangalyada Brandon waxaanu ka dhawaajey kalmedahan”Ninkani wuxaa lagu dhibey jinsigiisa(inuu cadyahey) sidaas ayaan ugu oglaney magan galyo”
Arinta ayaa aad uga xanaajisey dawlada K/Afrika oo u aragta dhibka ninkan lasoo darsey inuu yahey mid danbiilenimo balse uuna aheyn mid jinsi naceyb loogu geystey,isaguna u arrinta sii boonbooniyey hadaanu been sheegeynba.
Kanada waxey muujisey iney cunsuriyadu sii xogeysaneyso,go’aankan ay gaadheena waa mid mala awaala oo dadka lagu majaro habaabinayo,marna bileyska umuu tagin dawladna wax dhiba uma sheegan ninka ka fadkudiyey Kanada ee ay koolkoliyayaan waana iney ka noqdaan go’aanka jinsiga xun ee ay gaadheen, sidaa waxaa u sheegey The Star oo wargeys kasoo baxa K/Afrika masuul u hadley xukuumada oo aad u gadoodsan.
-Waa inuu wasiirka ku how leh arimaha noocana uu shidadani iyo go’aankan cunsuriga ah baadhis ku sameeyaa,talaabo sharciyana laga qaadaa dadkii ka danbeyey,sidaa waxaa u sheeget wargeysyada Mail & Guardian wasiir ku xigeenka arimaha dibada ee K/Afrika Sue Van der Merwe.
Ninkan ayaa taariikhda ku gali doona ninkii ugu horeeyey ee cadaana ee magangalyo uu siiyo wadan kale kii oo wadankiisii uga soo cararay in cadaan ahaan loo cunsuriyeyey.Cajiib aduun waa goorba cayn.
GoljanoMedia
Scandinavia Office

