Home » News, goljano Latest News » Shir Madaxeedka Madaxda Midowga Afrika Ee Magaladda Sirta, Oo Si aada Loogaga Hadlayo Arinta Soomaaliya, (Daawo Sawiradda‏)

Shir Madaxeedka Madaxda Midowga Afrika Ee Magaladda Sirta, Oo Si aada Loogaga Hadlayo Arinta Soomaaliya, (Daawo Sawiradda‏)

Dadaaladii lagu dhisayey dowlad afrika ay yeelato iyo dabcan dhibaatada soomaaliya iyo wadamada afrika looga baahan yahay shirkaan iney wax weyn ka yiraahdaan arinta soomaaliya iyo xasilinteeda, iyo taageerida dowladda KMG, ah sida madax badan ay horey u tilmaameen, waayo soomaaliya dowlad hanata arimaheeda sooma anay marin 20 kii sano ee la soo dhaafay waxase dareen xoog leh dhaliyey labadii bilood ee la soo dhacay oo dagaal caasimadda ku dhex maray xoogaga dowlada iyo kuwa mucaaradka ah oo looga baqay dowladduba iney dhacdo, iyadoo dagaaladaasi jab iyo hoog u geystay dadkii shicibka ahaa waxana Q/M Ku Qiyaastay 250, qof oo rayid ah, ay dagalaadisa magalada muqdisho aku dileen in ka badan 160,000 oo qofna ay guryahooda ka carareen

Dagaaladaasi waxey keenen in dowladda soomaaliya oo caalamka guud ahaan iyo gaar ahaan afrika gar gaar deg ah ka dalbatay, waxaana todobaadkii hore dowladda mareykanka ay sheegtay, iney u fidisay gacan dowladda soomaaliya markii 40 tan oo Hub iyo saanad isugu jira ay siisay, dowlaada soomaaliya si ay iskaga celiso kooxaha ka soo horjeeda madaxa midowga afrika john bin oo u warameyey wakaaladda wararka ee AP ayaa wuxuu yiri “ anaga oo keliya isagoo ula jeeda Ciidamada Nabad Ilaalinta Ee Midowga Afrika ayaa awood u leh inaan fara gelino xaaladda soomaaliya waxaase soomalia ka jooga midowga afrika iminka 4,000 oo askari iyadoo loo baahnaa 8,000 oo askari horey loogu diro, mr. Bin wuxuu intaa raaciyey in midowga afrika uu balan qaadyo ka helay wadamada Nigeria, Sirloin iyo Malawi inay iyaguna ay ciidamo u soo diraan soomaaliya iyodoo iminka ciidamadda nabad illalinta ee midowga afrika ee soomali jooga ay ka kala socdaan Uganda iyo Burundi jon Bin Gudoomiyaha midowga afrika hadana wuxuu yiri ilaa iyo iminka waxanu ka dhowrsanay dalalka soomaaliya la jaarka ahi in colaada soomaali ay fara geliyaan anagoo ka baxnay buu yiri in arintu ay noqoto mid wadamadda gobolka ay shana la soo wada galaan arinta soomaaliya, waxaase la wada xasuusan yahay ithiopia oo duulaan ku gashay soomaaliya.

2006-dii oo burburisay awoodii ay la soo baxeen xoogagii maxkamaddaha ee qabsaday koonfura soomaliya dowladda Ethiopia iyo kuwii dowladda Soomaaliya waa ay xasilin waayeen markii dambe dalka somaliya waxana baday dilkii iyo barakicii iyo is eedeyntii oo xad dhaaftay, bilowgii 2009 – ayey dowladda itoobiya dib uga gurteen soomaalia, waxeyse marar badan ku cel celiyeen, madaxda Ethiopia iney soo noqon donaan waqti walba hadii islamiyiinta soomaaliya ay halis ku noqdaan Ethiopia – xoogaga islaamiyiinta ee soomaaliya ayaa Ethiopia waxey ku eedeeyaan iney ku tala gashay iney marna soomaaliya aysan yelanin dowlad xoog leh oo ka madax banaan,  dooduse dhanka kale waa xoogaga islaamiyiinta ah oo ee xag jirka ah oo wata, lana yimid wadanka oo soo geliyey dagaal yahano shisheeye oo u adeega ururka al qaacidda si’uu urukaas sal dhig uga dhigto soomaaliya maadama afganistaan iminka uu dab kaga shidan yahay, qolo walbo qumanaheeda ayaa qoorta ugu jira waxaa la yiraahdaa hadii maroodi uu diriro cowska aya baaba’a – qaska soomaalia ka taagan wallow jugta ugu weyn ay ku dhacday kuna dhacdo dadka shicibka ah hadana soomaalida oo kaliye wel wel kuma heyso waxa ka socda soomaaliya sidaa daraadeedna waxaa looga fadhiyaa midowga afrika wixii xal ku xiran oo dhankooda ah marnaba inaaney kala baqeylin soomaaliya oo horey qeyb libaax uga soo qaadatay, gacan siintii wadamo badan oo afrikan ah, markii ay xoroobayeen oo iminka nabad iyo cano ku naaloonaya.

Wariye: Yahya Sharif Abdinur

E-mail Warside@hotmail.com

Muqdisho, Somaliya.

About This Post
Posted by Abdisalam on Jul 2nd, 2009 and filed under News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply