Sidee Bisha barakeysan ee Ramadaan looga dareemey Sweden
Sweden(GM)Ramadan kariim, odhaah daas oo aan laga aqoon wadankan sweden mudo 20 sano ka hor ah ayaa hada aad ugu sii faafeysa iney bartaan bulshada Swedhishku, sanadba sanadka ka danbeeya ayaa bulshada reer Sweden aad ugu sii baraarugayaan dhaqanka suuban ee dadka Islaamka ah ee la nool.
Waagii hore muslimiinta ayaa aad u koobneyd Sweden, wadankan oo dadku aaminsanyihiin diinta masiixiga ah oo aaneyse ku dhaqmin, muslimiinta ayaa markii ugu horeysey ku yimid shaqaale ahaan waxaaney u badnaan jireen Muslimiinta wadamada bariga Yurub iyo Turkiga oo howlo shaqo oo kala gadisan u joogey, muslimiinta iyaguna safaaradaha ka howlgali jirey, iyo woxgaa ardey ah.
Hadaba markii ay dagaaladu ka qarxeen Somaliya iyo wadamada Yurubta bari ee Muslimiinta ah ayay soo tiro bateen muslimiintii, dhibaatooyin badana wey kala kulmeen kooxaha xagjirka ahaa ee Sweden.
Mudo ayar kadiba wey hano qaadeen oo ay ka guuleyteen kooxaga ajanib diidka ah, ciraaq iyo afganistaan markey ka qaraxdeyna waa la sii buux dhaafey, Somalida ayaa iyaguna kusoo qulquley maadaama uuna dalkoodu daganeyn.
hadaba markuu Usama dunida khalkhaliyey ayaa ay muslimiitu la kulmeen dhibaatooyin kuwaas oo ay la qabeen walaaladooda kale ee Musliminta ah, awal carabtaa lagu eegaa oo al-qaida laga urinjirey, hadana laga soo gudub oo Somalida la dhaga dhageeya oo al-shabaab laga uriyaa, kadib markii Imaam caasimada joogey inuu alsharaab xidhiidh la leyay la hubsadey, Ustarelia ,Amerika iyoIgriiskana la sheegey iney dhalinta shukamiyaan si jiida hore ay ugu huriyaan, fiiro gaara ayaa lagu hayaa somalida ehlu diinka aha ee laga dareemo xaydxaydasho.
Waxaas oo caqabado aha ayaan hakin Muslimiinta oo diinta Islaamka ayaa sii hano qaadeysa, tirada muslimiintuna wey sii badaneysaa, masjidyadu sidoo kale tiradooda ayaa kordheysa oo kaniisado badan ayaa Sweden Masajido loo badaley oo ay muslimiintu iibsadeen, tiro badan oo masiixiyiin aheydna wey soo muslimaan.
Islaamka ayaa ah diinta labaad ee tiro ahaan laga aaminsanyahey wadankan Sweden oo xoriyada diintu aaney xadeysney, loona wada fasaxey bulshada waxey rabaan iney caabudaan oo ay u cibaadeystaan sidii cabirkoda ah, faa’iido weyn ayaa taasi ugu sugnaatey dad badan oo Muslimiina si xora ayay u cibaadeystaan una muujiyaan Islamnimadooda tii oo aan boqe iyo habrasho ku jirin.
Ramadaanta ayaa noqotey in aad loo dareemo Sweden marka ay bilaabanto,shirkadaha ayaa soo dhaweeya Ramadaanta oo aad ka dareemeysaa haybada bisha barakeysan, tusaale ahaan Shirkada telefonada ee Lyckamobile waxey ka dhigtey free(Bilaash) fariimaha la isugu qoro mobilka wadamada dunidoo dhan ku hadalkana qiimo dhimis weyn ayay sameysey oo qiimihii awal badhkiis ayaad kaga boganeysaa qarabadaada.
Shirkada Tele2 ayaa iyana sidoo kale soo dhaweysey Ramadaanta boodhadh waqtiyada Ramadaantu ku qoran yiina ayay qeybisay, qiimo dhimisna wey suubisay dadku ay eheladooda kula xidhiidha khadka telefonka.
Dukaamada waaweyn ayaa markaad gudaha u gasho ayaad iyagana ka dareemeysaa goobo dhan oo Ramadaan Kariim ka lulaneyso oo la soo ban dhigey adeega u gaarka ah Ramadaanta, waxaa kale oo ay ganacsatadu isku sii diyaarinayaan oo ay sii abaabulayaan dabaal daga ciida sidii ay ugu fuli laheyd muslimiinta, dukaamada dharka iyo kuwa laga iibsado hadiyadaha ayaa aad ka dareemaysaa qalabeynta iyo diyaar garowga Ciida, Ciida ayaa la shaaciyey in howlaheeda ay muslimiinta sweden dagan ku kharash gareeyaan lacag gaadheysa 1miljaadh oo karoonka Sweden ah taasi ayaa iyana markii ugu horeysey soo jiidatey ganacsatoda yar yar.
Markii ugu horeyseyna waxaa sanadankan soo baxey buug laga qorey ramadaanta oo la yidhaa”Ramadaan-en Svenska tradition”(Ramadaan-Dhaqanka Sweden), buuga ayaa muslimiin badan waxey kaga waramayaan faa’iidooyinka ramadaanta,10 Profissor oo ka socda jaamacado kala gadisan ayaa ayaguna ku qaadaa dhigaya sida ay ramadaantu ugu faafeyso ee ay saameynta ugu yeelaneyso Sweden iyo sidey filayaan iney mustaqbalka ku danbeyn doonto hadii ay Xushmeynta Ramadaantu kusii socoto xowligan.
Warbaahinta wadanka ayaa iyaguna u dabaaldaga Ramadaanta oo soo bandhiga qoraalo ku saabsan ramadaanta si dadka aan aqoonta u laheyn uga faa’iideystaan laakiin waa ay koobantahey oo qaar uunbaa sii faahfaahiya, qaarna iney bilatey iyo ujeedadeeda uunbey soo bandhigaan.
Anders lindberg waa odey aan wiilkiisa saaxiibnahey waxaan wax ka weydiiyey siduu ramadaanta u arko waxaanu yidhi.
-Ma fahmi karo sida aad u kartaan Ramadaan, tan aadka iga sii yaabisey waa waqtiga oo dheer iyo biyo la’aanta, waxaa ay kartidiinu muujineysaa iney diintiinu idinka dhab tahey, taasina indhaha dad badan ayay soo jiidataa mar kasta oo anagu intaa inleeg isuma taxaluujino taanu aaminsan nahey.
Kii oo sii wata odhaahda ayuu yidhi.
-waxaan rabaa inaan mar tijaabiyo ramadaanta laakiin biyo la’aanta u maleyn maayo inaan ka dabaalan.
Anders wuxuu sii tibaaxey isbedelka ku yimi dalkiisa waxaanu ka dhawaajey sidan.
Markaan dhalinyarta ahaa waxaan daganaa gobolka la yidhaa Dalarna, qofka ka yimaad Gobolka Skåne waanu necbeyn oo xataa xagaafka beeraha looma dirsan jirin, gobolba gobol ayuu canaadi jirey, mar aan dhawaan tagey halkii aan ku barbaarey ayaa waxaan soo arkey tii oo ay qoomiyado kala duwan oo daafaha dunida ka kala yimi ku nool yihiin dukaamo iyo hutelona ka furteen, ugana shaqeystaan warshadaha iyo goobaha kale si la siman sida bulshada ku beerneyd meesha, markaasaan xasuustey barigii aan dadka gobolada kale ka yimaad ka ceydhin jirney, aad ayaan u qosley waxaana ii cadaatey isbedelka xoogan ee socda.
Wali sidaa ay tahey waxey dhibaato ka jirtaa dadka muslimiinta ah ee dagan kaamamka cuntada loo kariyo oo aan qadarinta ramadaanta helin intooda badani, taana waxaa meelaha qaar afuriya dadkaa masaajidada, meelaha qaarna qadadooda ayay meel dhigtaan cashadana wey ku suxuurtaan sidan ka heley ilo goob jooga.
Ramadaan Kariim,GoljanoMedia
Jamaal Halkaraan
Scandinavia Sweden

