Sirro Culus oo Maraykanku ka Diyaariyay Somalia iyo Dhaq-dhaqaayada kooxaha Argagixisada
Washington (Goljano) Sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanka oo aan magiisa la xusin “background briefing” ayaa Warbixin xiiso leh oo Soomaaliya ku saabsan siiyay qaar ka tirsan warbaahinta ku sugan Magaalada Washington, Warbixintaasi oo aan lagu soo hadal qaadin Dawladaha Somaliland iyo Puntland-ba waxa uu sarkaalkaasi ku bilaabay sidan:-
“Maraykanu si qoto dheer ayuu ula socdaa waxyaabaha ka soo cusboonaanaya gudaha Somaliya, asbaabo kala duwana waanu ula soconaa, dhammaantiin waad ogtihiin in aanay Somaliya lahayn Dowlad dhexe oo wax-qabad leh 20-kii sano ee aynu soo dhaafnay, xaalada dalkaasi way ka sii daraysay, xasilooni daradaasi dalka soomaaliya ka jirta maanta waxay abuurtay Kansar ka dilaaca gudaha dalka.
waxaynu arkaynaa xad-gudubyada dhinaca Bani-aadminimada laga galayo Koonfurta Somaliya, 60 illaa 70 boqolkiiba dadka koonfurtu kaalmo bani-aadmino iyo gar-gaar xaga cuntada ah ayay u baahan yihiin.
waxaynu u jeednaa shaqo la’aanta baahsan iyo barakaca dadka reer Muqdisho, taasi oo ay kala badh dadku le’deen sanadihii aynu soo dhaafnay, qaarna baro kaceen, waxa kale oo aynu ognahay Kansarka Somaliya inuu wel-wel galiyay dalalka Gobolka, waxaynu arkaynaa qaxootiga xad-dhaafka ah ee ka qul-qulaya Somaliya galayana dalalka ay deriska la tahay siiba Kenya, gaar ahaan Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab ee Waqooyi Bari Kenye, xeradaasi dhadhaab oo la dhisay 10 sano ka hor, waxa loogu tallo-galay in ay qaado 90,000 oo qof, haatan waxay la ceeryoomaysaa in ka badan 270,000 oo qof, 6,000 ilaa 7,000 oo ruux ayaa ka baxa dalka Somaliya bil kasta iyagoo ka gudba xuduuda ay la leedahay Somaliya Dalka Kenya.
Tusaale ahaan xaafada Eastligh/Nairobi, haddii aanay ahaynba goobta ugu ballaadhan ee ay Soomaali degan tahay Bariga Afrika, taasi waxay ka turjumaysaa dhaq-dhaqaaqa ama bara-kaca dadka Soomaaliyeed ee ku nabdoon gudaha dalka Kenya, Cashuurta ay dadkaasi ka qaado Dowladda Kenya waxay ku bixisaa sidii ay shaqo ugu abuuri lahayd, Iskuulo ugu sammayn lahayd iyo kaabayaasha kale ee Nolosha qaxootiga xad-dhaafka ah ee ay hayso, Qaxootigaasi waxa kale oo ay ku kala qul-qulaan meelo kale oo ka tirsan Bariga Afrika.
Meelaha kale ay saamaysay mushkilada Somaliya waa Dalalka Ethiopia iyo Erateria oo ay sii hurisay xiisadii u dhaxaysay labadaasi dal oo ay ka dhaxayso muran xaga soohdinta ay wadaagaan oo soo jiitantay iyo heshiis la’aan dhex-taal.
Sidoo kale waxaynu arkaynaa in dhibaatada ka jirta gudaha Dalka Soomaaliya ay marayso illaa heer Caalamiya sida budh-cad badeeda oo ay ugu wacan tahay Soomaaliya oo aan lahayn Dowlad dhexe oo wax-qabad leh, Ciidan Boolis, Maxkamado, taasi oo sababtay in dhaqaalihii (ganacsigii ka gudbayay Bad weynta Hindiya) si toos ah iyo si dadban labadaba u dhaawacday, waxaynu arkaynaa Soomaali budh-cad badeed ah oo Maraakiibtii Caalamiga ahayd af-duubaysa, Maraakiibtaasi oo uu ka mid yahay Markabka Albama Maersk oo laga leeyahay Dalkani Maraykanka xoogna lagu soo furtay kaasi oo la af-duubay muddo haatan laga joogo illaa laba bilood.
Dawladda Maraykanku waxay ogtahay in ay Soomaaliya hoy ama meel ay ku nabad galaan u noqotay qaar ku lug lahaa Qaraxyadii loo gaystay Safaaradhii uu Maraykanku ku lahaa Nairobo iyo Dar-es Salam sanadkii 1998-kii, iyo burubkii loo gaystay Hotel-kii ay Israa’iil ku lahayd Magaalada Mombasa sanadkii 2002-da iyo sidoo kale isku-daygii la doonayay in lagu rido diyaarad ay Israa’iil leedahay Magaalada Mombsa.
Asbaabahaasi oo dhan ayaa waxay Dawlada Maraykanka ku kalifaysaa in wixii suurta gal ah ka taageerto Afrika iyo dedaala gobolka ugu jiraan in Soomaaliya nabad ka hirgasho, Maraykanku waxa uu si aad ah u taageerayay Shirkii Djabouti kaasi oo ay abaabushay IGAD marti-galisayna Djabouto, shirkaasi oo hor-seeday dibu-heshiisiin iyo sammaynta Dowlad ku meel gaadh ah, waanu taageernay dowlada kumeel gaadhka ah, waanu taageernay Madaxweynaha hadda jira Sheikh Shariif, anagoo horeba u taageei jirnay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, Dowladda kaliya ee aan taageerin waa Erateria iyadoo teegeerta kooxda Al-shabaab.
Dawaldda Maraykanku waxay ka teegeeri doontaa Dowladda Sheikh Shariif dhinaca hubka iyo tababarada Ciidanka oo ay u soo marin-doonto dhinaca Dowladaha Gobolka, Uganda iyo Burundi Ciidamadooda jooga Muqdisho ee taageera Dowlada ayaanu kaalmo dhinaca qalab casri ah siin doonaa, arrinmaha aanu u danaynano nabad ka dhalata Soomaaliya waxay meesha ka saari doontaa kooxaha ku lug leh Argagixisada iyo dhaq-dhaqaayad Argagixisada intaba.
Taageerada aanu siinayno Dawlada ku-meel-gaadhka ah waxay sii xoogaysatay ka dib lixdii wiig ee aynu soo dhaafnay taasi oo ay keentay ka dib markii ay kooxda Al-shabaab ku tallaabsatay guulo hor leh, taasi ayaa keentay mucaawinadan hubka ah ee aanu siinayno Dowladda iyo anagoo ka jawaabayna codsigii Dowladu ku baaqday in loo soo gurmado.
Sarkaal kaasi sare ee ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykakan oo ay warbaahintu waydiiysay waxa uu ka ogyahay socdaalka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole ku joogo Washington ayaa ku jawaabay sida tan ‘ waan ogahay in Madaxweynaha Puntland haatan joogo Washington waxaanu halkan ku yimid codsi uga yimid Mr. Payne oo ka tirsan Congress-ka si uu uga qayb qaato fadhiyada Congress-ka, lama aanan kulmin haddii aanu nahay Waaxda Arrimaha Dibdadda Madaxweynaha Puntland, wax lug ahna kumaanu lahayn socdaalkiisa. balse waxa ay Puntland haysataa waxoogaa deganaasho ah taasi oo ah in lagu dhiiri-galiyo laguna taageero, fikrad aan badnayn ayaanu ka haysanaa Puntland.
Waxaanu fiiro dheer u leenahay guulaha isa-soo taraya ee Al-shabaab markaas waxaan doonaynaa in illaa xad in aanu Caawino TFG-da, Xoogaga nabad ee AMISOM iyo dowladaha gobolka ee taageera nabada Soomaaliya, Gobolku iyo Bulshada Caalamkuba, waxaanu ka fikiraynaa sidii ay ay TFG-du u heli lahayd fursad ay ku abuurto deganaasho iyo nabad ka hirgasha Koonfura Soomaaliya si dadkana loo gaadhsiiyo Mucaawinooyin.
Dawlad ay sammayso kooxda Al-shabaab waxay noqon doontaa mid u horseeda deganaasho la’aan xoog leh oo wada gaadhi doonta Dalka, dhibaatooyin bani-aadminimo iyo in ay xasilooni daradu sii socoto taasi oo siin doonta kooxaha Argagixisada hoy ay ku dhuuntaan sida Fazul Harun iyo Cali Nabhan, kuwaasi oo ka mas’uul ah Qaraxyadii 2002-da.
Dawlad ay Al-shabaab sammaysaa wax macno leh oo ay keenaysaa ma jirto, waad la socotaan in gacmaha iyo lugaha ay goynayaan tuugtii kuwaasi oo ku xad-gudbaya Shariicada, Soomaaliya waligeedba waxay soo ahaan jirtay Dal Muslim ah, balse hadda waxa lagu socod-siinayaa nidaam cusub oo suufiyad casri ah, Shariicada ay Al-shabaab wadaana waa mid guud ahaan kala soocaya Soomaalida.
ugu dambayntii Sarkaalkaasi u hadlayay Waaxda Arrimaha Dibada ee Maraykaku ee aan magiiciisa la xusin “background briefing” waxa uu war-fidiyeenada ku sugan Washington u sheegay ‘waanu sii wadi doonaa taageerada Dowlada Sheikh Shariif si ay uga saarto gudaha Soomaaliya Islaamiyiinta cusub iyo xoogaga Muslimiinta si ay u sammayso Dowlad dalka wada gaadha oo ay ka qayb qaataan qaybaha kala duwan ee Bulshadu sida Hoggaamiyaasha Qabaa’ilka iyo hoggaamiyayaasha Diintu, haddiise ay jiraan qaar ka tirsan Al-shabaab oo aan dambi ku lug lahayn ama aan xag jir ahayn waxa la isku dayi doonaa in ay ka qayb qaataan Dowladda, wada hadlana waanu odhan doonaa, kuwase xag jirka ah lala hadli maayo iyaga………….La soco


