Somaliland Ma riyaalaa leh mise siilaanyo? Fallo: By JAmac Caqil cabdi-siciid

Horta marka hore waxa mahad aan la oo koobi karin iska leh ilaaha inna abuuray isla markaasna inna waafajiyey bisha barakaysan ee ramadaan iyo fadligeeda, inta kadib waxan u hambalyaynayaa webka caalamiga ah ee Gojano.com oo badana ku dadaala soo gudbinta odhaahda dadka ama bulshada ku taxan iyo aragtiyahooda.
Waxaan maqaalkan ku soo qaadanaynaa xaaladaha u danbeeyey ee ka dhacay dalkeenan yar ee nabada ku caano maalay ee cid walba oo masuul ah ay is khilaafsantahay, baarlmakii, guurtidii,xisbiyadii dhammaantood.
sidaynu wada ogsoonahayba Dalka somali-land wa ubax hada soo iftiimaya oo caalamku ay indhaha ku hayaan marka looma baahna in ubaxa soo koraya sumcadisa iyo jiritankisala baabiyo, Sidaas darteed anigu waxaan odhan lahaa shacabka soomaali-landba ha ka fojignadaan waxyaabaha sumcadooda mugdiga galinaya waxaana nasiib daro ah ayaan darona ah in odayashi indhaha u ahaa dalka somaliland ee guurtida iyo baarlamanku inay kuraasta isla dhacayaan markay moshinada ansixinayaan taasna maanta umay fadhiyin shacabka somaliland Markaa walaalayal sida muuska diirka loga dhilaa waa si fudud sid nabada s/land loo khal khaliya waa si fudud ayaynu odhan karnaa waayo xaalada uumaanta dalku marayaa waa mid laga murugodo madaxwayne riyaale waxaan leyahay ma,aha kursiga madaxweynenimo mid lagu raaxaysto ee waa mid dadka logu adeego dalkana xaalada uu marayo
waad aragtaa waxaana la mooda in uu dalku yahay mid aad adiga iyo siilanyo taasna idinkama aqbalayso shacabka somaliland dalkanina wuxuu soo gaadhay waqtigii ay dhalinyartu hogaamin lahayd golayashana waxaan leyahay ma joogtan da,dii aad ciyaala suuqayn lahayden ee dadku waxay idin doorteen ka soo baxa mise waxaydan kala garanayn cidii aad u, shaqaynaysen oo waxaad modaysan
in ina riyaale u shaqaysaan golayaasha aan fahansanayn shaqadoda ee u kala go,ay riyaale iyo siilanyo hadaba golayaal dalka ma riyaala leh mise siilanyo waxaan idin leyahay dalka ma laha labadan nin midkodna ee waxa leh Bulsho weynta reer Somaliland waana dalka dhexeeya dadweynaha s/land ee maalkodii iyo naftodiiba u huray Cid kastoo dalkan Kursi Jacayl u Burburi is tidhaa way iska qabanayaan sidii ay cadow kasta isaga dhicin jireen lamana hayo dadka reer Somaliland cid ka badisay dhinac ficilka iyo dagaalka cid ay ka badiyaan mooyee , askartan uu riyaale adeegsanayana ee shacabka rasaasaynaysa yaga waxba ka odhan maayo waa addoomo riyaale haysto , sidaas darteed haddaanu nahay shacabka reer somaliland waxana ku leenahay riyaalow dalka ciyaarta nooga daa iyo keli talisnimada oo haddaanad kursiga ka kici karin oo aad jacayl kursi aawadii sidaa u samaynayso dadka runta u sheeg oo afkaaga ka sheeg waxaad uurka ku qarsanayso, Dalkana haddii aad sidan axmaqnimada leh ku sii waddo walahi dadkii ku taageersanaa badh badan waad niyad jabisay inta hadhayna waad sii niyad jabinaysaa uun ee tala xumayaasha taladooda iska dhaaf sidii wacnayd ee aad ku shaqayn jirtey ee aad kalsoonida iyo taageerada badan ku heshay ku bedel ficilada xun xun ee imika aad la soo b axday, laguguma aqoon waxane.
W/D:
Jamac Caqil- Cabdi Siciid
Jamaccaqil@hotmail.com
Burao / Somaliland
——————————————————-
NB:
Goljano.com marnaba kama masuul ah ama ma damaanad qaadayso fikradaha shacabka iyo akhristayaasheeda ku taxan balse waxa xumaanteda iyo wanaageedaba dammaanad qaadi kara qoraha ku saxiixan faallo kasta ama maqaal walba oo keliya.

