Soomaaliya Yaa dagaal Ka wado War-bixin xiiso leh.
Qof kaste oo Soomaali ah oo waliba qurbo joogo waxuuna ka jawaabi karin hal su’aal oo qofkaste oo ajanabi ah uu ku weydiin karo, taaso ah in Soomaali oo dhan ay wadaagaan hal diin, hal luuqad iyo hal dhaqan, marka maxey isku laayaan oo maxeyse isku heystaan? su’aashaasi jawaabteyda qolo kaste si ayey ugu
jawaabaan.
hadaan ku horeeyno culuma’udiinta hadii la weydiiyo su’aashaas waxey ku jawaabi lahaayeen in lagu heysto diin oo aan loo ogoleyn in wadanka diin lagu xukumo, waxaase si kale ku jawaabi lahaa qolada siyaasiyiinta oo oran lahaa waxaa jira
siyaasad xumo iyo siyaasiyiin badan oo calooshiis u shaqeystayaal ah,waxaa sidoo kale jawaab ka bixin lahaa bulshada qeebaheyda kale oo oran lahaa Soomaali waxey isku heystaan wax la’aan oo hadii il dhaqaale loo sameyn lahaa waa la kala mashquuli lahaa.Soomaaliya waagii hore waxaa dagaalka lagu eedeyn jiray qabiilo fara ku tiris ah iyo hoggaamiyaal oo inta badan dagaalo ka waday gobolo qaarkood
waloow ay hogaamiyaashaasi ay aamin sanaayeen in ay xal wadaan, laakiin maanta waxaa ku soo biiray qolo cusub oo wadaado ah oo aan ka yareeysanin qabqablayaashii dagaal.waxaa la yaab ah maanta garabyada isku haya gacan ku heynta magaalada Moqdishu in ay labadaba ay sheeganayaan in ay ku
xukumayaan diinta islaamka isla markaana ay shacabkii uu ka faa’iday oo qura dil, dhaawac iyo barakac aan loo kala harin.
waxaa kaloo is weydiin mudan maxaa loo xalin la’yahay qilaafkan soo noqnoqday oo u dhaxeeya garabyada is haya? dad badan oo wax garad ah ayaa waxey sheegeyn in qilaafka iyo dagaalada Soomaaliya ka socda in Soomaali qura ay u dhaxeeyan oo hadii ay Soomaali kaliya ay ahaan lahaayeen garta iyo wada hadalka waxaa lagu dhameyn lahaa geed hoostiis oo waligeyd Soomaali ay kula bixi jirtay.
marka waxaa la is oran karaa in marka hore la soo heshiisiiyo wadamada isku heysta Soomaaliya si ay u heshiiyaan garabyada ay soo shaqaaleeyeen oo ka hool gala wadanka gudihiis.
Axmed Ciise Xaaji
E-mail: bakaaro22@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia….


