Tartankii Quraanka Kariimka Ee Bisha Ramadaan Oo Lagusoo Gabo-gabeeyay Masaajidka Cali Mataan Ee Magaalada Hargeysa & Xafladdii Abaalmarinta.
Hargeysa (Goljano) Munaasabad ballaadhan oo abaalmarinno lagu guddoonsiinayay dhallinyartii ku guulaysatay kaalmaha hore ee tartankii quraanka kariimka ahaa ee bisha ramadaan ayaa lagu qabtay Masaajidka Cali Mataan ee Magaalada Hargeysa.
Munaasabaddaasi oo ay ka soo qayb galeen, shir-guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Wasiirka Madaxtooyada, xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada, Culimaa-udiinka sida wayn looga qaddariyo Somaliland, Masuuliyiin katirsan shirkada Dahabshiil oo maalgelisay tartankani, dadwayne aad u tiro badan iyo ardaydii ka qayb gashay tartankaasi.
Xafladdaasi oo ahayd mid abaal marino lagu guddoonsiinayay ardaydii ka qayb gashay tartanka quraanka kariimka ah ee Gobollada Somaliland, oo ay maal galisay shirkadda Dahabshiil ayaa waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, oo sheegay in ay tahay wax lagu farxo, in dhallinyaro aad u da’ yar ay dusha ka qabtaan Kitaabka quraanka kariimka ah, isla markaana xusay in madax iyo Masuuliyiinba loo baahanyahay in la xifdiyo Quraanka kariimka ah, maadaama uu quraanku yahay mucjiso Ilaahay inagu soo dajiyay” ayuu yidhi Wasiirku.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa mahadnaq usoo jeediyay cid kasta oo ka qayb qaadatay hawshaasi, sida shirkadda Dahabshiil oo iyadu maal galisay tartankani iyo culimadii ka qayb qaadatay.
Waxaa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Sh. Maxamed Sh.Cumar Dirir oo ka mid ah culimada waawayn ee Somaliland,ayaa ka hadlay muhiimada iyo xikmadda kitaabka Ilaahay inagu soo dajiyay, taasi oo la inoogu talo galay inaynu ku dhaqanno.
Sh. Maxamed Sh.Cumar Dirir waxa kale oo uu ka warramay sida kitaabka Ilaahay inoogu sheegay ku camal falkiisa, ciddii ka tagtana lagula xisaabtami doono, waxaa kale oo uu xusay sheekhu in Dastuurka Somaliland ay ku jirto in lagu dhaqmo shareecada islaamka wax kastana loo eego diinteennu waxay ka qabto, balse taasi aynu baal marno.
Waxaanu ku soo gabagabeeyay in shacab iyo xukuumadba dhinac looga soo wada jeedsado ku dhaqanka shareecada islaamka.
Sidoo kale waxaa isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyay Sh. Maxamed Aadan oo ka mid ah culimada tartankan soo qabanqaabsiay ayaa ka warramay taariikhdii uu soo maray Tartanka Quraanka kariimka ah ee ay ku qabtaan Masaajidka Cali Mataan Bisha Ramadaan, isaga oo sheegay inay ku han waynyihiin inay isku keenaan Dhamaan Ardayda Geeska Africa oo ka qayb gasha Tartanka Quraanka, waxaanu si wayn ugu mahadnaqay Shirkadda Dahabshiil oo maalgalinta tartankaasi kala qayb qaadatay muddo kow iyo toban (11) Sannadood ah, iyo dhammaan ardaydii iyo dadwaynihii kale ee ka qayb qaatay.
Waxaa isna madashaasi kahadlay sarkaal sare oo katirsan Shirkadda Dahabshiil Waxaa uu ugu horayn kawarramay in muddo 11 sanno ah ay soo maalgelinayeen tartankan qiimaha leh waxaanu sheegay in ay sii wadi doonaan maalgelintan tartanka iyo waliba adeegyada kale ee bulshada waxaanu xusay in shirkadda Dahabshiil ay marwalba soo dhawaynayso bulshadeeda diyaarna ay u tahay wax la qabashada bulshadeeda.
1- Cabdirisaaq Muuse Cilmi, Gobolka Hargeysa , 700$
2- Maxamuud Cabdiraxmaan, Gobolka Hargeysa , 550$
3- Liibaan Cabdillaahi Cumar, Gobolka Awdal, 450$
4- Cabdicasiis Cabdiwahaab Cabdillaahi, Gobolka Hargeysa , 300$
5- Siciid Jaamac Maxamed, Gobolka Sanaag, 200$
Tartanka 15 Jus:
1-Maxamed Xuseen Ibraahin, Gobolka Hargeysa, 300$
2-Axmed Maxamed Siciid, Gobolka Sanaag, 250$
3-Jamaal Cabdinaasir Xuseen, Gobolka Hargeysa, 200$
Axmed Maxamed Shaqalle (Murtimaal.com)
Murtimaal, xafiiska Hargeysa
Email:shaqalle02@gmail.com










