Uk oo Digniin ka bixisey Dhalinta Somalida iyo Alshabaab
Sirdoonka dalka Ingiriiska ayaa soo saaray digniin ku wajahan dhalinyarada Somalida oo loogaga digaayo iney la howl galaan alshabaab kuwaas oo sii baahaya baryahan danbe.
Wargeyska The Independent ayaa sheegay in digniinta la gaadhsiiyay xukuumada UK, iyadoo, waxaana ku xardhaneyd warbixintan la gudbiyey in ay kordhayaan dhalanyarada Somalida ah ee ay majara habaabinayaan adeegsanayaana Alshabaab.
wargeyska ayaa tibaaxey in dhalanyada Somalida ee dagalada Somaliya ka qeybqaatey ay dhan yihiin boqol dhalan yaro ah oo ka tagey caro Ingiriis.
Dhalintan ayaa iskood uga qeyb qaata dagaalada Somalia tii oo aanay haba yaraatee qoyskoodu waxba ka ogeyn, waxaana majara habaabiya dagaal huriyayaal ku qufula rayi qalooca, Caalamka ayaa haatan boqe weyn uu ka hayaa iney Somaliya noqoto hoyga argagaxisada caalamka.
Laanta la dagaalanka Argagaxisada ayaa ka dhawaajey iney aad u sii kordhayaan dadka aan u dhalan Somaliya ee ka qeyb qaata dagaalada ka socda halkaas oo ay kusii qulqulayaan baryahan danbe.
Dhalin aad u badan oo laga duufsadey qurabaha ayaa ku qudhbaxey dagaalada ka holcaaya Muqdishi kuwaas oo Somali iyo Ajaniba ah oo xataa aad ku arkeyso Sawirada meydadkooda mareegayaasha wararka Somalida.
GoljanoMagazine
Scandinavia Office

