Home » Articles, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Unugga Wadaniyada Somaliliand Oo Baaq U Diray Axsaabta Qaranka JSL.

Unugga Wadaniyada Somaliliand Oo Baaq U Diray Axsaabta Qaranka JSL.

dd

Anagoo ah Unugga Wadaniyada Somaliliand  (Somaliland Nationalism Cell ) Oo ah unug ay ku bahoobeen qaar ka mid ah Ardayda Jaamacadaha dalka  kana  shaqeeya midnimada , wadajirka iyo iskaashiga muwaadiniinta ayaa markii ugu horeysay waxaanu baaq  iskaashi iyo isfaham dulucdiisu tahay u diraynaa Axsaabta Siyaasadda Ee Somaliland , waxaananu leenahay

 

Muwaadiniinta sharafta leh Mas’uuliyiinta Axsaabta siyaasadda dalkeena( Somaliland ) , Daneenayaasha Nabadda iyo horumarka . Waxa aanu idiinku baaqaynaa iskaashi iyo isutanaasulaad dhab ah oo dhamaystiran taas oo niyad sami u noqon karta shacbigeena sharafta badan ee nabadda iyo qarannimada jecel

 

Maanta loo ma baahna khilaaf soo kala dhexgala Axsaabta qaranka,  iyadoo la’isu diyaarinayo doorasho qaran oo dalka ka dhacda ee waxa loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo danta guud ee qaranka ,waxwalbana lagu dhameeyo isfahan iyo is afgarad iyadoo la eegayo danta qaranka loona naxariisanayo shacbigeena qiimaha leh.

 

Sidaa daraadeed waa in la joojiyaa erayada qalafsan ee la iswaydaarsanayo  laguna beddalaa wada hadal iyo isu tanaasulaad ,shacbiga iyo daneenayayaasha Somaliland –na la farxadgaliyaa !

 

Waa in aan iska kaashanaa , oo aan kawada shaqaynaa danta guud ee dalkeena iyo ta horumarineed ee bulshadeena ,ugana tagnaa ubadkeena dhaxal qiimo leh oo ay ku intifaacsadaan.

 

Ogsoonow muwaadin , khilaaf kasta oo sookala dhex gala mas’uuliyiinta sare qaranka (Muxaafid & mucaarid ) waxa uu sababi kara kala qaybsanaan ku timaada shacabka , taasna waxay keeni kartaa cawaaqib xumo aan la mahadin iyo dhibaato hor leh

 

Ogsoonow muwaadin ,waxa aynu  qiimo ku leenahay wada jir  , iskaashi ,iyo ilaalinta ammaanka qarankeena . Taas oo hormood ay u noqon karaan Siyaasiyiinta dalkeenu ..Muwaadiniinta sharafta leh ,ee ah mas’uuliyiinta loo igmaday hagida siyaasada qaran  waxa aad dareemi kartaan  kala qaybsanaan ku timaada hogaanka siyaada axsaabta qaran ka in uu farax galinayo cadowga Somaliland niyad jabna ku noqonayo shacabkii idin doortay .

 

Guntii iyo gabagabdii  annagoo ku hadlayna magaca ardayda jaamacadaha  dalka  waxa aanu ugu baaqaynaa  Mas’uuliyiinta saddexda xisbi qaran, waxgaradka, culimaa’udiinka, aqoonyahanka iyo dhammaan tageerayaasha xisbiyada , meel walba oo ay kala joogaan in si degdeg ah oo waliba sharuud la’aan ah looga howlgalo loona joojiyo khilaafka iyo muranka  socda, meelna looga soo wada jeedsado sidii isfahan  iyo xal degdeg ah looga gaadhi lahaa habka iyo qaabka doorashada .

                                                                                                                        SAXEEXA GUDOOMIYAHA

                                                                                                                          SAYID IBRAHIM AHMED                      

About This Post
Posted by Abdisalam on Sep 1st, 2009 and filed under Articles, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply