Home » Articles, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » waa Noloshii Asxaabta iyo XUDEYFA BINU AL-YAMAAN “XUDEYFA WUXUU IDIIN SHEEGO RUMEYSTA”. (XADDIIS)

waa Noloshii Asxaabta iyo XUDEYFA BINU AL-YAMAAN “XUDEYFA WUXUU IDIIN SHEEGO RUMEYSTA”. (XADDIIS)

XUDEYFA BINU AL-YAMAAN
XUDEYFA WUXUU IDIIN SHEEGO RUMEYSTA”.
(XADDIIS)

masjidannabawi2“Haddaad doonto waxaad ka mid noqotaa muhaajiriinta, sidoo kalena haddaad doonto waxaad ka mid noqotaa Ansaarta, labadaas kooxood midkaad doontid naftaada u dooro”, hadaladaa Waxaa Xudeyfa ku yidhi Rasuulka (scw) markii ugu horeysay ee uu magaalada Makka kula kulmay. Sababta keentay kala doorashadaas ee uu Rasuulku (scw) u kala dooransiiyay labadaas kooxood ee sharafta badan ayaa waxaa ku dhex jirta sheeko xiiso leh oo aan ku arki doono gudaha sheekada.

Xudeyfa aabihiis waxaa la odhan jiray Yamaan, wuxuu ka dhashay reer Banuu CABS, sidoo kale wuxuu ahaa reer Makka, hase ahaatee wuxuu galay dhagar oo wuxuu dilay qof, taasoo markii danbe ku qasabtay inuu ka qaxo magaalada Makka, isagoo u qaxay magaalada Madiina, halkaana wuxuu bahwadaag la sameeyay reer Banii Cabdil Al-ash-hal oo uu iyaga la xididay kana guursaday, jeer uu u dhashay wiil loo bixiyey Xudeyfa. Meeshaana waxaa ka baxday waxyaabihii Yamaan ka hortaagnaa inuu ku soo noqdo magaalada Makka, wuxuuna u dhaxeen jiray labada magaalo, inkastoo uu u badnaa deganaanshaha magaalada Madiina.

Haddaba, markii uu nuurka Islaamku ka bishay jasiiradda Carabta, ayaa Yamaan oo ahaa Xudeyfa aabihiis iyo 10-kale oo ka mid ah reer Banii Cabs waxay u soo wafdiyeen Rasuulka (scw), iyagoo doonaya inay Rasuulka (scw) ogeysiiyaan doonista ay doonayaan inay soo galaan diinta Islaamka. Xilligaa iyada ahna waxay ahayd ka hor intuusan Rasuulka (scw) u haajirin magaalada Madiina.

Haddaba, halkan waxaa ka bilaabanaysa barbaarintii Xudeyfa ee isir ahaan ka soo jeeday reer Makka.

Xudeyfa wuxuu ku barbaaray guri muslim ah, waxaanu ku dhex barbaaray aabe iyo hooyo goor hore islaamay dhexdooda. Xudeyfa wuxuu islaamay isagoo aan arag Rasuulka (scw). Hase ahaatee galgacaylka iyo hiloowga Xudeyfa uu u qabay la kulanka Rasuulka (scw) wuxuu ahaa kii dhaamiya oo buuxiya labadiisa dhinac. Xudeyfa marna kama faaruqin laga soo bilaabo maalintii uu islaamay kii weydiiya aabihiis sifooyinka Rasuulka (scw), mar alla markii loo sheegana waxay u kordhinaysay galgacalo iyo hiloow uu u qabo aragtida Rasuulka.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu Xudeyfa u socdaalay magaalada Makka si uu u soo arko Rasuulka (scw), markii uu la kulmayna isla markiiba wuxuu weydiiyay su’aashan: ”maadaama aan ka imid magaalada Madiina, ma muhaajir baan ahay, mise Ansaari Rasuulkii Alloow?”. Rasuulka (scw) wuxuu ku yidhi: ”haddaad doonto waxaad noqotaa muhaajir, haddaad doontana waxaad noqotaa ansaari, naftaada u door wixii aad la jeceshahay”. Xudeyfa ayaa yidhi: ” haddaba waxaan ahay Ansaari Rasuulkii Alloow ”.

Markii uu Rasuulka (scw) u haajiray magaalada Madiina, Xudeyfa wuxuu laasimay ka ag-dhowaanshaha Rasuulka (scw), jeer uu Rasuulka kala qayb galo dhammaan duulimaadyadii uu qaaday Rasuulku, markii laga reebo dagaalkii ugu fadli badnaa ee Badar. Ka maqnaashaha Xudeyfa uu ka maqnaaday dagaalka Badar, waxaa ku jirta sheeko uu isagu laf-ahaantiisa ka waramay, wuxuuna yidhi: ”igama reebin inaan ka qayb galo dagaalkii Badar, aan ka ahayn inaan anniga iyo aabahay aan ku maqnayn dibadda magaalada Madiina, annagoo dhexda socona ayaa waxaa na qabsaday oo na qafaashay gaaladii Qureysh, waxay nagu yidhaahdeen inteed u socotaan, waxaan ku nidhi: magaalada Madiina. Waxay yidhaahdeen, ma waxaad u socotaan Muxammad, waxaan nidhi: maya, ee waxaan u soconaa magaalada Madiina.

Way diideen inay na sii daayaan, jeer ay naga qaadeen ballan ah inaanan u gaargaaraynin Muxammad oo aanan safkiisa safan dagaalka, sidiina ayeey nagu sii daayeen”. Xudeyfa wuxuu yiri: ”kolkii aan u nimid Rasuulka (scw) ayaa waxaan u sheegnay ballantii aan galnay, iyo wixii aan ka sameyn lahayn”. Rasuulka (scw) wuxuu ku yidhi: ”ballantoodu waynu oofinaynaa, Ilaahna waynu kaalmeysanaynaa” ( xaddiiskan waxaa ka danbeesay axaadiis tilmaamaya, inaan la fulinaynin ballamaha la xidhiidha macaasida Alle iwm, sida xaddiiska odhanaya: (laguma adeecayo makhluuq wixii macsiyada Eebbe ah).

Markii la soo gaadhey dagaalkii Uxud wuxuu Xudeyfa dhex tiimbaday oo u galay bartamaha dagaalka, isagoo la socda aabihii. Haddaba, Xudeyfa wuxuu goobtii dagaalka ku soo bandhigay wacdarro weyn oo la jeclaystay, wuxuuna ka soo laabtay isagoo nabad qaba. Hase ahaatee, aabihii wuu shahiiday, laakiin wuxu ku dhintay seefaha muslimiinta, kuma dhiman seefihii gaalada, taasi lafteedana waxay lahayd sheeko xiiso leh.

Maalintii la galayay dagaalkii Uxud, ayaa wuxuu Rasuulka (scw) magacaabay Yamaan iyo saxaabiga la yidhaahdo Zaabith Binu Waqsh si ay u galaan dhufeysyada magaalada iyagoo ay weheliyaan dumarka iyo caruurta. Waayo, labadooduba waxay ahaayeen waayeello aad u da’ weyn. Dagaalkii markii uu kululaaday ayaa Yamaan wuxuu Zaabith ku yidhi: ”aabo beele! Maxaynu sugaynaa?, wallaahi ayaan ku dhaartaye cimri noo hadhay ma jiro aan ahayn wax labo maalmood oo kale ah, oo muddo yar ka dib waynu dhimanaynaa, kaaley aynu qaadanno seefaheena oo aynu haleelno Rasuulkii Alle (scw) waxaaba dhici karta inuu Alle (sw) nagu arsuqo shahaado innaga iyo Rasuulkuba’e”.

Sidii ayeey ku aadeen goobtii dagaalka, kuna galeen dagaalkii. Zaabith isla markiiba wuxuu Ilaah ku maamuusay shahaado oo wuxuu dhintay isagoo shahiid ah, gaaladii ayaana dishay. Hase ahaatee, Yamaan waxaa isugu tagtey seefihii muslimiinta iyagoo aynan garanayn. Xudeyfa oo arkayay ayaa wuxuu lahaa: ”war waa aabahay, waa aabahay”, laakiin ma jirin cid maqlaysay, sidiina ayuu si sarajoog ahaan ugu dhacay goobtii dagaalka. Xudeyfa ayaa ku yidhi nimankii diley aabihiis odhaahdan: “Ilaah ha idiin denbi dhaafo, maxaa yeelay Alle waa kan ugu naxariista badan inta naxariisata”. Rasuulka (scw)wuxuu jeclaystay inuu Xudeyfa siiyo magtii aabihii, Xudeyfana wuu ka cudurdaartay inuu qaato magtaas, isagoo magta aabihii ku saddaqeystay muslimiinta, wuxuuna yidhi: ” aabahay shahaadadii uu doonayay wuu helay, Ilaahoow ka marag noqo in aan magtisii ku sadaqeystay Muslimiinta”.

Arrintaas waxay Xudeyfa Nebiga (scw) agtiisa uga kordhisay sharaf iyo martabad weyn. Markii uu Rasuulku (scw) uu si dhab ah ugu fiirsaday yoolka iyo ka gungaaridda kartida Xudeyfa ayaa waxaa uga soo baxday saddex astaamood oo waaweyn, waxaana ka mid ah:

  1. Caqli qoto dheer oo u Rasuulka ku gacan siiya xal-u-helidda wixii adkaado.
  2. Fahmo wadata dhego-nuglaan, taasoo aqbalid badan marka loo yeedho.
  3. Sirta oo uu qariyo, oo qof agtiisa wax ka qaadi kara ayna jirin.

Xeelada Nebiga (scw) ayaa waxaa ka mid ahayd, inuu nin wal oo ka mid ah asxaabta uu ku aaddiyo meesha uu ku habboon yahay, iyadoo qof kasta meesha uu munaasab ka ku yahay lala beegsado.

Dhibaatadii ugu waynayd ee soo waajahda Muslimiintii deggenayd magaalada Madiina, ayaa waxay ahayd munaafiqiintiii dhagarta badnayd iyo Yahuuddii degganayd magaalada Madiina iyo xulufaddoodii oo isu bahaystay sidii ay u dhagri lahaayeen Nebiga (scw) iyo asxaabtiisa.

Markay arrintu halkaa mareyso, ayaa wuxuu Rasuulku (scw) ku sir qarsaday Xudeyfa, isagoo u sheegay tirada magacyada munaafiqiinta. Sirtaa iyada ahna, Rasuulku (scw) muu tusin cid aan ahayn Xudeyfa, wuxuuna ballan kula galay inuu kor ahaan kala socdo dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan munaafiqiintu iyo inuu ka hortago khatarta ay la iman karaan kuwaas munaafiqiinta ahi. Maalintaas wixii ka danbeeyay, waxaa Xudeyfa loogu yeedhi jiray magacan:

“saxaabigii ogaa sirta Nebiga (scw)”.

Marar badan ayaa waxaa dhacday inuu Rasuulku (scw) kaalmaystay khibradda iyo kartida Xudeyfa, xilligaas iyada ahna waxa aad loogu baahnaa maskax iyo xeelad dagaal, taasoo ay ku dheehan tahay aqoon iyo caqli hufan, sida tusaale ahaan dagaalkii Khandaq, halkaas oo lagu go’doomiyay muslimiinta iyagoo ay hareereeyeen dhammaan cadowyadii Islaamku. Dhinaca kale, gaaladii qureysh laf-ahaantoodu ma ahayn kuwo ka xaalad wanaagsan muslimiinta, maxaa yeelay wuxuu Ilaah ku shubay caradiisa, taasoo tabardarraysay awooddoodii, wiiqdayna go’aankoodii. Wuxuu Ilaah ku soo diray dabeyl xoog leh, dabeyshaasoo geddisay teendhooyinkii ay ku jireen iyo digsiyadii ay wax ku karsanayeen. Sidaa darteed wuxuu Rasuulka (scw) u baahday kartida iyo khibradaha Xudeyfa, isagoo go’aan ku gaadhay inuu u diray bartamaha halka ay joogaan ciidanka gaaladu, weliba isagoo ku gabanaya mugdiga habeenkiisa, waana ka hor intuuna Rasuulku qaadan wax go’aan ah.

Haddaba, aan sheekada u dhaafno Xudeyfa si uu i noogu waramo safarkii geerida qarka u saarnaa, wuxuuna Xudeyfa yidhi: Waxaan habeenkaas ahayn kuwo saf-saf u fadhiya, Abuu Safwaan iyo ciidankii la socday ee Qureysh ahayd waxay taagnaayeen halka naga sareeya.Yahuudii reer Banii Qureydana waxay fadhiyeen halka naga hooseeya, markaa iyada ahna waxaan ka cabsanaynay inay dhibaato ku timaaddo haweenkeena iyo caruurteena. Ma jirin habeen ka gudcur iyo dabeyl badnaa habeenkaas, dhawaaqa ay wadatay dabeesha waxaa la moodayay sida biriq oo kale, mugdiga habeenkaas jiray darteed wuxuu sababay inuusan midkeen awoodi karin inuu arko fartiisa.

Munaafiqiintii waxay bilaabeen inay dagaalka ka fasax qaataan, iyagoo Rasuulka (scw) ku leh: “guryaheena ayaa cidla ah oo cadoowgii ayaa soo geli kara”. Dhab ahaantiina cidlo may ahayn, ee waxay doonayeen inaynan ka qayb gelin dagaalka. Sidaas oo ay tahay Rasuulka (scw) ruuxii ka fasax qaata wuu ka aqbalayay, iyagoo sidaas munaafiqiinta mid mid u dusaya, jeer ay tiradeena noqotay ilaa 300 qof ama wax le’eg. Markay arrintu halkaa mareyso ayaa Rasuulku (scw) istaagay isagoo dhinac maraya asxaabta dhexdooda ilaa uu yimaado anniga agteyda, markaas iyada ahna jirkayga ma saarnayn wax aan ka ahayn go’ ay lahayd xaaskayga, go’aasoo aan dhaafeynin jilbahayga. Rasuulku (scw) wuu ii soo dhowaaday anniga oo dhulka jilba-jooga, isla mar ahaantaana aan waardiyo ka hayo cadoowga, markaasuu Rasuulka (scw) igu yidhi: “waa kuma ninkan?”, markaasaan ku idhi: “waa Xudeyfa”. Mar kale ayuu yidhi: “ma Xudeyfaa?”, anniguna dhulka ayaan isku sii gaabiyay annigoo kahanaya ama dhibsanayo inaan istaago gaajada iyo qaboowga i haya awgeed. Waxaan idhi: “haa waa annigii Rasuulkii Alloow”.

Rasuulka (scw) ayaa Xudeyfa ku yidhi: “waxaa ciidanka cadoowga dhexdiisa dhici doona khabar, sidaas darteed iyaga intaad u dustid oo ku dhex dhuumatid noola imoow khabarkooda”. Xudeyfa wuxuu yidhi: “waxaan tagey annigoo dadka ugu cabsi iyo qaboow badan. Rasuulka (scw) ayaa isagoo u duceynaya Xudeyfa yiri: “Ilaahoow Xudeyfa xaggiisa hore ka ilaali, xaggiisa danbena ka ilaali, midigtiisana Alloow ka ilaali, bidixdiisana Alloow ka ilaali, xaggiisa horena Alloow ka ilaali, xaggiisa hoosena Alloow ka ilaali”. Xudeyfa wuxuu yiri, markii uu Nebiga (scw) ii duceeyay ka dib, wuxuu Ilaah siibay dhammaan wixii cabsi ah ee igu jiray, sidoo kalena qaboowgii darnaa ee i hayayna Ilaah jirkayga wuu ka tirtiray. Markii aan doonay inaan xagga ciidanka gaalada u dhaqaaqo ayaa Rasuulka (scw) ii yeeray, isagoo igu yidhi: “Xudeyfoow ciidanka dhexdooda wax ficil ah ha ku dhex sameynin jeer aad iiga timaado”, waxaana iri haye. Intaa ka dib, waxaan tagay annigoo ku gabanaya mugdiga bartamihiisa ilaa aan ka dhex galay gudaha ciidamada mushrikiinta (gaalada), kana mid noqday sida inaan ahay mid iyaga ka mid ah oo kale. Halkaana waxaa ka soo baxday fahmadii iyo kartadii Xudeyfa ee aan hore u xusnay. Wax yar Xudeyfa maba uusan sii joogin ilaa uu ciidanka dhexdiisa ka dhex istaagay Abuu Sufyaan oo hogaaminayay ciidanka, wuxuuna bilaabay khudbad isagoo leh: “Qureysheey waxaan doonayaa inaan idin iraahdo hadal, isla markaana waxaan ka cabsanayaa inuu hadalkaasi gaadho Muxammad, ee sidaa darteed ha eego ruux kasta qofka uu la fadhiyo.

Markii uu Abuu Sufyaan uu sidaas yiri, ayaan anniga ku hormaray ninkii ila fadhiyay oo aan ku iri: “war adigu kumaad tahay?”., markaasuu wuxuu yiri: “waxaan ahay hebel ina hebel, sidiina ayaana ku badbaaday. Markii nin weliba iska hubsaday ninka kale, ayaa Abuu Sufyaan yiri: “qureysheey dhageysta, wallaahi baan ku dhaartaye ma joogtaan meel la degganaan karo, maxaa yeelay wuu dhammaaday gaadiidkeenii, waxaa ballantii nagaga baxay reer Banuu Qureythah, dhibkii aan kala kulanay dabeyshii xoogga badnaydna waad aragteen ee sidaa darteed hala rarto oo hala guuro, anniguna waan raraniye. Markii uu sidaas yiri Abuu Sufyaan, ayaa wuxuu u kacay awrtiisii, wuxuuna ka furay dabarkii, dabadeedna wuxuu fuulay ratiga, ka dibna usha ayuu ku dhuftay, ratigiina sidii ayuu ku istaagay. Xudeyfa wuxuu fadhiyay markaas iyada ah meel aan ka fogeyn meesha uu istaagnaa Abuu Sufyaan oo wuxuu awoodi karay inuu dilo, hase ahaatee wuxuu fulinayay amarkii Rasuulka (scw) ee ahaa inuusan ficil qaadin, wuxuuna yiri: “hadduusan Rasuulka (scw) i amri lahayn inaanan ku dhaqaaqin wax ficil ah, waxaan Abuu Sufyaan ku gani lahaa hal leeb.

Markaa ka dib, waxaan u soo noqday Rasuulka (scw) oo tukanaya, wuxuuna Rasuulka (scw) qabayay go’ ay lahayd mid ka mid ah xaasaskii Rasuulka (scw), markii uu i arkayna xaggiisa ayuu ii soo dhoweeyay, waxaana uga waramay wixii aan la kulmay. Nebiga (scw) aad iyo aad ugu farxay, wuxuuna ku mahadiyay Ilaah wuuna ammaanay. Xudeyfa wuxuu ahaa kii lagu sir aaminay siraha munaafiqiinta intii uu noolaa, xitaa khulafada waxay u noqon jireen Xudeyfa sida tusaale ahaan Cumar Binu Khadaab (rc) wuxuu ahaa haddii uu doono inuu ku tukado mid ka mid ah muslimiinta wuxuu weydiin jiray inuu Xudeyfa ku tukaday iyo in kale, haddii lagu yiraahdo: haa, oo wuu ku tukaday, isna wuu ku tukan jiray, haddiise lagu yiraahdo, maya, wuu ka shakin jiray inuu qofkaas ka mid yahay munaafiqiinta, oo ma uusan ku tukan jirin. Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa Cumeyr wuxuu Xudeyfa weydiiyay in shaqaalihiisa ay ku jiraan qaar ka mid ah munaafiqiinta, wuxuuna Xudeyfa u sheegay inuu jiro hal qof, Cumarna wuxuu ka codsaday inuu u sheego, hase ahaatee Xudeyfa wuu diiday inuu sheego ruuxa uu yahay. Xudeyfa wuxuu yirdhi, wax yar maba uusan sii joogin Cumar ilaa uu ninkii ka casilay markii danbe, sida in lagu hanuuninayay oo kale. Dad aad u yar ayaa og in Xudeyfa Binu Al-yamaani uu muslimiinta u furtay magaalooyinka ay ka midka yihiin Nahawandi, Daynuwr, Hamadaani iyo Warry, wuxuuna sabab u ahaa inuu muslimiinta isugu keeno hal kitaab oo qura (musxafkii Cuthmaan), ka dib markay sigeen inay isku khilaafi lahaayeen kitaabka Alle.

Iyadoo ay taas jirto, wuxuu haddana Xudeyfa ahaa kii aad ugu xeel dheer cabsida Alle, wuxuu aad uga cabsan jiray ciqaabta Alle. Markii ay ku cuslaatay bukaankii sakaraadka ayaa waxaa u yimid qaar ka mid ah asxaabta goor habeen bar ah, markaasuu wuxuu ku yiri: “saacaddu waa imisa?”, waxay yiraahdeen: waxay ku dhowdahay fajarkii”, Xudeyfa ayaa yidhi: “Ilaah ayaan ka magan galay waaberi ii gudbiya naarta”, wuu ku celceliyay. Ka dib wuxuu yiri, ma ii keenteen kafan, markaas ayeey yiraahdeen: “haa”. Wuxuu yidhi: “kafanaha ha ku xadgudbina, maxaa yeelay haddii kafantani ay ii kheyr badan tahay xagga Eebbe (sw) waxaa la iigu beddelayaa mid iiga kheyr badan, haddii kale waa la iga siibayaa” . Intaa dabadeed wuxuu yiri: “Ilaahoow waxaad og tahay inaan faqriga ka jeclahay hodontonimada, waxaad og tahay inaan maskiinimada ka jeclahay kibirka, waxaad og tahay inaan geerida ka jeclahay nolosha, ka dibna wuxuu ydhii iyadoo naftiisa sii baxaysa: dhimashada ama malakul-mowdku waa mid la jecel yahay oo yimid isagoo loo hilowsan yahay, ma liibaano qofkii la kulankiisa qoomameeya. Ilaah ha u naxariisto Xudeyfa Binu Al-Yamaan.

Nolosha Asxaabta,GoljanoMedia

Qore:Ibrahim Salah

Diyariye & Isku dubaride:Jamaal Halkaraan

Halkaraan@hotmail.com

Scandinavia Sweden

About This Post
Posted by Jamaal on Sep 4th, 2009 and filed under Articles, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply