Home » Articles, Fanka & Suugaanta, Featured, General, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » War Deg Deg ah: Abaabul ballaadhan oo loogu jiro bannaanbaxyo saaka ka dhici doona Burco iyo nawaaxigeda.

War Deg Deg ah: Abaabul ballaadhan oo loogu jiro bannaanbaxyo saaka ka dhici doona Burco iyo nawaaxigeda.

burco

 

 

 

 

Burco -(Goljano)-Abaabul ballaadhan oo laga dreemayo saka magaalada Burco, iyadoo lagu wado in saaka abbaro 9:30ka lagu qabto bannaanbaxyo ballaadhan oo lagaga soo horjeedo dhacdadii foosha xumayd iyo rabshadihii ka dhacay hargaysa oo ay mucaaradku ku eedeeyen xukuumadda,

waxaa illaa xalay ay ku jireen mucaaradku abaabul iyo igaysiin ay taageerayaashood ogaysiinayaa Baanaanbaxyada berri dhici doona.

hadaba waxa laga war sugaa bannaanbaxyada saaka ka dhaca Burco iyo waxa ka dhalan doona, iyadoo masuuliyinta Gobolkuna ay aad isugu hawalayeen hawlo laagu baajinayo bannaanbaxyada ay maanta dhigi doonaan mucaradka iyo taageerayaashoodu,

bannaanbaxyadan iyo rabshadahan ka soo cusboonaaday dalka ayaan ahayn kuwo caadiyan dhici jirey balse ay kelliftay muranada siyaasadeed ee ka jira dalka iyo ficilo is daba joog ahaa oo qaadaysay xukuumaddu, halka ay mucaaradkuna la gudhinayeen oo ay muujin waayeen tanaasulkii lagu yaqiin.

mudaharadaadan ayaan ku eegayn oo keliya Burco iyo  balse waxa laga dhigi doonaa gebi ahaanba Gobolka Tog-dheer deeganada hpps yimaada.

wixi warar ka soo kordha  iyo qabsoomida bannanbaxyadaasiba kala soco wararkayaga danbe insha alla………..

About This Post
Posted by Mustafe on Sep 13th, 2009 and filed under Articles, Fanka & Suugaanta, Featured, General, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply