War Deg Deg ah: Ahmed Walad Abdalla iyo wefti uu horkacayo oo soo Gaadhay HARGAYSA
Hargaysa -(Goljano)- Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya iyo wafiti uu horkacayo ayaa Goor dhoweyd ka soo dagay Garoonka Caalamiga ah ee IGAL International Airport ee magaalad Hagaysa.
Waftigan uu horkacayo Axmed Walad Cabdallah ayaa lagu wada inay u yimadeen Dalka bal in wixii karaankooda ah ay ka galaan caqabadaha iyo khilaaf siyaasadeedka sii xoogaysanaya ee k ajiray dalka Toddobaadyadii u danbeeyey balse lama humo wararka rasmiga ah ee Socdaalkiisa,isagoona ka gaabsaday in uu saxaafada la hadlo una sheego waxa uu ku saabsan yahay socdaalkiisu.
Waftiga uu hogaaminyo Axmed Walad Cabdalla ayaa waxa Madaarka Hargeysaku soo dhoweeyey, Wasiirka arrimaha Debeda Somaliland Mr. C/laahi Maxamed Ducaale , waftigan aya sida ay warar hoose sheegayaan waxa inta ay joogaan magaalada Hargeysa ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Gudoomiyayaasha labada Xisbi Mucaarid ee UCID iyo KULMIYE, Shirgudoonada labada Aqal ee wakiilada iyo Guurtida, Wasiirada Somaliland qaarkood iyo weliba Wakiilada laamaha Qaramada Midoobay ee Somaliland.
Waa markii u horeysay ee uu soo Gadho Somalilanad axmed Walad Cabdalla sanaddadii ee u dambeeyey iyada oo aanay wanaagsanayn xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo ergaygan mudadda sanadada ah, iyadoo dhowr Goorna uu eedaymo uga soo jeediyey warbaahinta wasiirka aariimaha Gudaha Somaliland Mudane C/lahi Maxmed Ducale.
Lama Oga Muddada ay joogi doonaan weftigan iyo in ay ku guulaysan doonan xallinta khilaafadka siyaasadeed ee beryahan hadheeyey Jamhuriyadda Somaliland haddiiba ay wax ka galaan arrintooda.
Ahmed walad Cabdalla ayaa lagu tilmaamaa shakhsiyad Nabad jecel isla markaasna meel kasta oo Nabad darro ka jirto ama ka soo socoto isku daya inuu ka hortag iyo xallin badan ku sameeyo iyadoo lagu xasuusto kaalintii uu kaga jiryay Nabad u raadinta Dalka Somalia oo wali iyadu aan sal dhigan.
Wixii warar ka soo Kordha waftiga iyo inta uu booqashada ku joogo Hargysa Kala soco wararkayaga Danbe Insha allaa…..
Reported by:
Mustafe Osman A/rhaman


