War Deg Deg ah: Rasaas xogan oo ka dhacaysa Xarunta Golaha wakiilada hortiisa iyo dhimasho &dhaawacyo soo gaadhay shacab.

Hargaysa- (Goljano)-waxa ill iminka ka socota xarunta Golaha Baarlmaanka Hortiisa rasaas xoogan oo ay ridayaan ciidanka Bileyska somaliland, kuwaaso is hortaagay inay Gudaha galaan xildhibaanada Baarlmaanka halka shirguddonkii Golaha uu gudaha ku jiro,ciidankan ayaa illa iminka ku hor sugan xarunta Golaha wakiilada.
Rasaastan dhacays a iminka ayaa loo adeegsaday shacab isa soo hor dhoobay xarunta Golahaasi, kadib markii ay isku dayeen in Golaha hortiisa ay ka dhigaan Bannaanbax haddii laga hor joogsado xildhibaanada shaqadooda,iyado marba marka ka danbysana ay isasoo tarayeen dadka goobtaasi imanayay kadib markii dadkii soo bateen ayay askartuna isku dayeen inay ku kala eryaan shacabka halkas isug yimi rasaas.
waxa illa iminka rasaasta ay bilysku fureen ku geeriyooday hal qof oo shacab ah, iyadoo ay jiraan dhaawacyo kale oo dhakhaatiirta la geeyey, illaa imminka wax xabad joojin ah lagama hayo dhinaca xukummada.
waxa laga cabsi qabaa sida ay xaaladani ku danbayn doonto haddii sidan ku sii socoto iyo dareenka shacabka somaliland oo aad u taagan gebi ahaanba saaka, iyadoo uu gebi ahaanba meesha ka baxay heshiiskii ay shaaciyeen Golaha guurtidu ee ay sheegan inay ka gaadheen xal kama danbays ah,
wixii warar ka soo kordha xaaladda cakiran ee Golaha iyo shabka somaliland kala soco wararkayaga danbe insh alla………..

