War Deg Deg Ah: Khilaafkii Golaha Wakiilada Oo La Xaliyey Iyo Shirkii Golaha Oo Berri Furmi Doona.
Hargaysa -(Goljano)- Waxa maanta heshiis Buuxa laga gaadhay in dib loo furo maalinta berri ah xaruntii golaha wakiilada oo xukuumaddu ka xidhay salaasadii kadib markii ay ku dagaalameen xildhibaanada qaar ka mid ah, iyado taasina keentay in xildhibaanadu ay hub isula soo baxaan golaha dhexdiisa sidaasina ay ciidanka boolisku ay ku xidheen golahaasi maalinta bari ah lagu wado in ay xildhibaanadu ay shaqadoodii dib u bilowdaan sidii caadiga ahayd.
Arintani dib loogu furayo xarunta golaha wakiilada berri ayaa waxa dhex dhexaadin xoogan ka galay iyo isakaga dab qaadid ka galay golaha guurtida iyo hogaamiye dhaqameedyada Somaliland, waxaana sidoo kale dadaal xoogan muujiyay madaxda sar sare ee xisbiga UCID, oo ay horkacayaan Faysal Cali Waraabe iyo Maxamed Rashiid Sh. Xasan, oo kala ah musharaxa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee xisbiga UCID.
Shir gudoonka ayaa hore tageerayaashooda ugu baaqay in ay maalinta sabtida ah ay isugu soo baxaan mudahraad, kaasi oo ay doonayaan in ay ku furtaan golaha wakiilada, hase ahaatee tageeryaasha mucaaridka ayaa lagu war galiyay in ayna maalinta berri ah wax isu soo bax ah samynin, iyada oo dhanka kalena tageeryaasha xisbiga UDUB ay iyaguna ilaa shalay is abaaulayeen iyado taasina ay iyagana u eegtahay in ay hakin doonaan tageerayaashooda.
Hadii aan sidaasi loo xalin lahayn khilaafka ayaa maalinta berri ah waxa aad looga baqaayay khasaaraha ay gaysan karaan tageerayaasha xisbiga Kulmiye iyo UDUB oo berri lagu waday in ay isugu soo baxaan fagaaraha golaha xarunta wakiilada horteeda, taasi oo hada laga bad baaday,
Ugu danbayntii waxa in xal laga gaadhay arrintan ku dhawaaqay Guddomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleban Maxamud Aadan Saleban Gaal, isagoo sheegay in labada dhinacba ay aqabaaleen in qolana xarunta furaan qolada kalena sidoodii caadiga ahayd ugu shaqaystaan xaruntooda “Waxaanu la kulanay Madaxweyne Rayaale, waxaanu naga aqbalay in dib loo furo Golihii ciidamada halkaasi joogana laga kaxeeyo berrina waa la furayaa. Sidoo kale waxaanu la kulanay Shirguddoonka Wakiilada oo iyana dhinacooda naga aqbalay in Golihii ay ka sooo xaadiraan oo ay hawl-galaan. Sidaa darteed, waxaanu shacabka u sheegaynaa in Golihii furmayo ee sidaa ay ku ilaaliyaan Nabadgelyada” ayuu Yidhi Guddomiye Saleban Gaal.
Isku wada duubo waxa laga war dhowrayaa jawiga uu berri Goluhu ka furmo iyo in mooshinadii haddii la soo celiyo ay dhici karaan wixi hore u dhacay.
Reported By:
Mustafe Osman A/rahman


