Home » Articles, General, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » WAR DEGDEG AH Komishanka Doorashooyinka oo ku dhawaaqay in aanay doorasho suurto gal ahayn

WAR DEGDEG AH Komishanka Doorashooyinka oo ku dhawaaqay in aanay doorasho suurto gal ahayn

dd

Waxa duhurnimadii maanta soo saaray war saxaafadeed toddobada xubnood ee Komishanka Qaranka ee Doorashooyinka Somaliland kaas oo ay ku sheegeen in aanay suurto-gal ahayn in doorashada madaxtinimada Soomaliland qabsonto 27ka September ee hore loogu cayimay.

 

Komishanku muu sheegin waqtiga ay doorashadu qabsoomayso laakiin waxay caddeeyeen in muddo kordhin iyo dib u dhigis loo baahan yahay. Arrintani waxay sii murginaysaa siyaasadda cakiran ee dooroshooyinka Somaliland.

 

Iyada oo maanta Golaha Wakiillada Somaliland looga ballansanaa in laga doodo laba mooshin oo ku saabsanaa maamuus ka-xayuubin Madaxweynaha iyo shir Guddoonka haddana wuxuu sheegay Guddoomiyaha in weli arrintaasi la taallo la –taliyaha sharciga dibna loogu ballamay maalinta berri ah.

About This Post
Posted by Abdisalam on Sep 6th, 2009 and filed under Articles, General, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply