War-Saxaafadeed: Shabakadda Ramaasnews Oo Beeninaysa War Laga Baahiyay Radio Hargeisa 12/10/2009.
Maamulka Shabakada Ramaasnews, wuxuu beeninayaa war been abuur ah oo ka fog xaqiiqda oo ay caawa baahisay Idaacada Radio Hargeysa, taasi oo ay ku sheegtay In Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) oo u waramayay shabakada Ramaasnews, xalay uu shacbiga Somaliland ugu baaqay in ay mudaharaad iyo rabshado ka sameeyaan haddii Golaha Wakiilada la iska hortaago in ay galaan golaha.
Maamulka Shabakada Ramaasnews, wuxuu beeninayaa warkaasi mana jiro waraysi aanu xalay la yeelanay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, balse waxa aanu daabacnay War-saxaafadeedkii Shir-gudoonku ay soo saareen khamiistii ee ay kaga hadlayeen mowqifkooda la xidhiidha xidhitaanka Golaha, war-murtiyeedkaasi oo aanu baahintiisa ay nagala sinayd warbaahinta kale oo dhammi.
Sidaasi darteed ma jiro wax waraysi ah oo shabakada Ramaasnews. La yeelatay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro), waxaanan Masuuliyiinta Radio Hargeysa leenahay iska hubsada wararka aad dadka u baahinaysaan xilligan xasaasiga.
dhinaca kale, warkaasi waxa aanu u aragnay mid lagu dhaawacayo dhex-dhexaadnimada wararka sugan ee Shabakada Ramaasnews, lagu yaqaano.
Allaa Mahad Leh
C/Risaaq Cismaan Fadal
Tafaftiraha Guud Ee Shabakada Ramaas News


