Waraysi Gaaban oo aan la yeelanay Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye G/Tog-dheer, oo uu kaga hadlayo Bannanbaxyadii shalay ka dhacay Burco.

Burco -(Goljano)- waraysi gaaban oo aan la yeelanay Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye ee G/Tog-dheer Sahal aadan Maxamed, waraysigan waxa ka soo qaaday Camera Man ka Studio Goljano ee Burco, Ismacil Abokor iman, waraysigan oo aan u wax kaga waydiinay waxa ay u qabteen Bannaanbaxan iyo waxa ay dadka isug usoo saareen iyadoo shalay rabshado xumi dhaceen ayaa waxa uu u dhacay sidan:
S-ugu horeyan Guddomiye waa maxay mawqfikiina ama ujeedka aad ka lahaydeen bannaanbaxan maanta aad ka samayseen Burco iyo Oog?
J-horta walaal bannanbuxu wuxu ku saabsanaa Tacsi aanu u diraynay dadkii ku dhaawacmay kuna dhintay wixii shalay ka dhacay Hargaysa isla markaasna waa baroordiiq aanu la baroordiiqayno walaalahayagi ku tabaaloobay ee dhibaatadu ay ku gaadhay naf iyo maalba ayaanu u baroordiiqaynay, waxaanu kaloo taageero buuxda u muujinaynay Golaha wakiilada ee ay soo doorteen shacabkan somaliland si cunqabataynta iyo cago juglaynta loga daayo shaqadooda oo aan lagu cidhiidhyin shaqadooda, oo aanu u sheegaynay dadka xukumadda hadda xilkeedii dhammaaday inay ka dhiidhido xildhibaanada wakhtigoodii aanu dhammaan weli iyaga in laga daayo cago juglaynta isla markaan la garab istaago, iyo ninkii qaskan keenay oo marka dhibi timaado cid uu ku galgasho doona oo yidhaahda waxa ka danbeeyey hawshaas iyo waxaa dhacay shirguddonka wakiilada iyo xisbiga Kulmiye oo sida uu yidhi madaxweynaha xilkiisi dhammday ee Dahir rayaale, isagana aanu u sheegaynay inaanu kula galgalan eedda uu isagu iska leeyahay inaanu cid kale kula galgalan, waayo kulmiye ma dadkii uu soo doortay ee shacabku soo doortay ayuu xidhi lahaa, Shir guddoonku ma gurigisuu xidhi lahaa waa maya, ma ciidan bay soo dhoobeen oo kaarayaal iyo bebee yo ayay soo dhoobeen Golhii wakilada waa maya, markaa taasa idin caddaynaysa inay ninka xilkiisi dhammaday uu ka danbeeyey markuu arkay in majority laga yahay Golihi wakiilada oo impichmentkii uu ku socdo ee uu garan waayay si kale oo uu uga badbaado, dabeto wuxu adeedagsaday inu gurigii wakiilada xidho oo cago juglayn iyo waxyabo la mida ku kaco taasaan u sheegaynay dadka taaso ah digtaatooriyaddii ina siyaad barre ba ka socon wayday, waxa weeyaan inta uu maanta ku cago juglaynayaa 10meelood oo meel maahaintii uu ina siyad barre watay iyagaba qori iyo dhagax baa lagaga furtay markaa taasan u shegeaynay dadka.
S-Markaa Guddomiye waxad ii sheegtay in bannanbaxan aadka u ballaadhan inu ku saabsana oo keliya Baroordiiq, markaa baroordiiqdan ma waxay ku egtahay oo keliyata Gobolka Tog-dheer mise gebi ahaanba waxay saamaysay 6da Gobol ee dalka?
J- xaq baa loogu leeyahay Gobolka ay ka dhacday mooyaane 5ta gobol ee kale in laga sameeyo xaqbaa loogu leeyahay annaguna waanu samaynay, waxaau kula talinaynaa walaalahyaga kale ee Gobolada kale inay sameeyaan baroordiiqdan oo kale xusna u sameeyan oo dee waa maalin xusid mudan, waxa weeyaan waa maalinta keliya ee ninkan xilkiisu dhammaaday mar qudha la gilgilay ee indhiisa wax la tusay, oo uu ku waashay waar tolow colka jooja oo anu isu nimaadno aan wada hadalnoo aanu fadhi wada yeelano,m arka la kululeeyo ayuu waxaa ku hadlaa dabeto markay hawshaasi istagtona wuu ka baxaa, markaa maanta cidi joojin mayso ayaan leenahay Gobolada kale oo dhanna way u gudbaysaa, dib baan u bilaabynaa hargaysay fadhiga ka kac hargaysi ma toostay ayaan leenahay.
S-Haddii xaaladdi guud ee dalku sidan u cakirantahay idinku dhinciina inaad wax uun ka dejisaan miyaanay ahayn?
J-way soo dhaaftay walaal way soo dhaaftay dejintii iyo sabaaladii iyo dhulgistii way soo dhaaftay waxay maraysaa badbaado, badbaadaduna waxay u baahantahay gacan ka qabasho.
S-Ka waran iyada doorashadii iyo arrimahedii, se ma ku qanacdeen muddo kordhinta danbe ee komsihanku ku dhawaaqay?
J-Doorasho iyo waxaasoo dhanba waa la iskala tegay maanta taasba laga hadli maayo,dadlkii baa la Burburinayaa, dalkiioo dhanbaan jirin ba, ninka wax tarayaa maanta waa inu dalka iyo dadka badbaadiyaa.
S-inta Dalka iyo dadka la badbaadinayona Rayaale ayaa madaxweyne sii ahaanaya miyaa?
J-Madaxweyne maaha xilkiisiina wuu dhammaaday cidda laga badbaadinayaana waa isaga , ma berri baa ma sa’danbaa, ma saakuubaa intaasay ku egtahayba.
waraysigii koobnaa ee aan ka soo qaadnay shalay Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye ee G/ Tog-dheer Mr. Sahal Aaadan Maxamed ayaa intaasi ku eeg.
Xafiiska wararka Xoghaye Media
Burco Somali-land

