waraysi gaar ah oo anu la yeelanay Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye Garabka dhalinyarada ee G/Tog-dheer

waraysi aanu la yeelanay guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada ee xisbiga Kulmiye C/laahi xasan xaji diiriye ayaa waxanu wax ka waydiinay bannanbaxyada ay shalay ka qabanqaabiyeen kana dhigeen magaalada Burco iyo weliba Oog, waxana waraysigan ka qaaday weriye Jama Abdi Sicid oo ka mid ah hawlwadeenada cusub ee Goljano Media xafiiskeeda ama Studioga Burco.
hadaba waraysigan ayaa waxa uu u dhacay sidan:
S- Guddomiye shalay waxad maqlaysay in Madaxweyne Rayaale idinku eedaynayay in aad idinku ka danbayseen falalkii ka dhacay shalay hargaysa?
J-een walaahi walalow qoladina suxufyinta aad baad u mahadsantihiin,madaxweynuhuna mar hadduu madaxweyne qaran yahay waa la garanayaa Go’iisii hakuu kaga dhacay,waxbadanna wuu sheegayoo aan waafaqsanayn maamuus madxweyne, musibada dhacdayna waa sharciga uu ku tuntay, iyo qabashada uu qabadn waayay dhibaatada so noqonoqotay, waxaad u malaynaysaa shalay wixii dhacayay may lahayn Control,wixii dhacayna dee waxay ahaayeen Golihi sharciga aha ee ummadu soo dooratay ayuu qafulay taasana keentay gadoodka, wax lagu eedayn kar o cid kale maaha eedayntiisa waxan odhan karaa waa hadal meel waayay, kulmiye kama danbeeyo ee wuu ka horeeya waxa dhacay shalay wuxuuna diidan yahay sharciga lagu tumanayo.
S-Maxaa sababay Bannaanbaxa aad qabateen maanta, maxaad u banaanbaxaysaan?
J-waxa nagu kellifay arrinta masiibada ah ee xukumada iyo madaxweyne rayaale sababta u yihiin ee hargaysa ka dhacday ee ay geysteen, inaan uga tacsiyadayno shacabkiih alkaasi ku geeriyooday, ee u dagalamayay codkii shacabku lahaayeen ee u dhintay ee u gadoodsanaa u bannaanbaxsanaa, inaanu kala qaybqaadano tacsidii oo aanu shucuurtayada u muujino.
S-Bannaanbaxa aad maanta dhigteen wax is bedel ah ma ku keenaysaa baad is leedahay xagga siyaasadda dalka?
J-walaahi waxan odhan karaa wixi shalay dhacay way ku keeni karaan is bedel, waxa loo malaynayaa wax ilaahay soo diray inay tahay,shalay buu dareemaya rayaale shacabku awooda ay leeyihin baan filayaa, laga maarmi maayo in lawada hadlo oo la siu soo fadhiisto, wayo madaxweynaha wakhtigiisii wuu dhammaaday inu xilka iska dhiibo oo soo tartamo ayuu xaq u leeyahay,haddii uu ku si adkaystona oo xilka isku sii dhejiyo waxaan u malaynayaa tallabo taa ka daran inay imanyso.
S-Ugu danbayn maxaad ugu baaqaysa dh alinyarada Reer Somaliland?
J-horta waxa gebi ahanba dhalinyarad dalka ka wada dhexeeya sharciga noo yaala, Golaha aanu soo doranay ee sharciga ku soo dooranay, kaas haddii la xaq dhowri waayo , sharciga la xaq dhowri waayo, dalku xaalad cusub buu galayaa, masiibuu gelayaa,markaa afrika iyo weliba soomaliya xaalad cusub ka soo korodhay, markaa yaan loo hor seedin dhalinayarada iyo umadda masiibo, wax badan baanu masiirkayaga ku dhaafsanay nabadgelayadayada,markaa dhalinyarada waxan leeyahay sharciga iyo cidda ku tumanaysa aan meel uga soo wada jeesano, Dalka baaro ayaaka jira dadka duruufo adag ayaa haysta xukuumaduna waxaa ma oga ee Kulmiye ayay ku maqantahay kuna mashquulsantahay, ummadii ay masuulka ka ahayd beri hore ayay gabtay, markaa waxaan leeyahay xukunka maantajira inaynu bedelno wada jir ku bedelno, dhalinyarada amanta joogta waa xoogii dalka ee in aynu wax sharciga iyo shuruucda inagu hagaya oo an ku tumanayn.
Waxaan kaloo idiin soo Gudbin doona waraysi kale ooaan idinka hayno Guddomiyaha xisbiga Kulmiye ee Gobolka Togd0dheer Sahal aadan maxamed.
Xafiiska wararka Goljano Media
Buco Somaliland
Mustafe_480@hotmail.com

