WARGELIN MUHIIM AH: Daah-furka Ururka Hal-abuurka Somaliland oo lagu qabanayo Maansoor Hotel ee Magaalada Hargeysa.
Waxa dadwaynaha sharafta leh ee ku nool guud ahaan wadanka somaliland gaar ahaanna Magaalada hargaysa iyo nawaaxigeeda la ogaysiinayaa In lagu qaban doono Hotel maansuur. Xaflad lagu daah furayo Ururka Hal-Abuurka Somaliland.
Xafladdan oo ay kuugu diyaar yihiin badiba Abwaanad reer somaliland. Hadday yihiin Abwaanadii waawaynaa ee caanka ahaa iyo hadday yihiin abwaanad da’da dhexe ee ku soo biiray suugaanta iyo hadday yihiin abwaanadda cusub ee hadda madaxa la kacayba.
Waa xaflad suugaanneed waana xaflad taariikhi ah. Waxaanu kugu martiqaadaynaa inaad ka soo qayb gasho ood nala qaybsato wanaageeda.
Goobtu waa Maansuur hotel Hargaysa
Taariikhdu waa 10ka bisha july 2009
Saacaddu waa 7da fiidnimo ilaa inta ay inoo dhammaanayso
Wixii faahfaahin ah kala soo xidhiidh Hawl wadeenada Xafladda Ururka Hal-abuurka Somaliland 4428604, 4438841.4476274


