Home » Articles, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Wariye C/qani Baynax Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Wariye C/qani Baynax Oo Xabsiga Loo Taxaabay

ss

Hargeysa (Goljano) Ciidamada booliska ee saaka shacabka magaalada hargiesa ooda kaga qaaday baaska ayaa waxay jeelka u taxaabeen weriye A/Qani Baynax oo ka tirsan hawladeenada mareegtay somalilandPress.

 

Ciidamada ayaa weriye Baynax waxay ka qabteen nawaaxiga dhakhtarka weyne hortiisa, waxaanay boolisku si cad ugala wareegeen qalabkii uu sitay.

 

Booliska ayaa jidh dil ku sameeyey weriye Baynax, mar aanu khadka Telephone-ka kula xidhiidhnay ayaa noo sheegay in laga fara maroojiyey guud ahaan qalabkii uu sitay.

 

Maaha markii koowaad ee ay ciidanka xidhaan weriye Baynax, hore ayey boolisk jeelka ugu taxaabeen.

 

Ciidamada booliska iyo kuwa sirdoonka ayaa Weriye Baynax hada ku haystay xarunta denbi baadhista, balse mar jiraan war rasmi ah oo ay boolisku ku haystaan Weriye Baynax.

 

Sidoo kale waxaa jira boqolaal qof oo ka tirsan shacabka maanta isugu soo baxay jidka weyn ee u dhexeeya madaxtooyada iyo ilaa kuriga shaqaalaha.

 

Shacabka xidhan ayaa isugu jira dumar, dhalinyaro, caruur, waayeel iyo masuuliyiin tiro badan.

 

 

 

Reported by:-

Ibraahim Abdirahman Qaasim

Hargiesa/Somaliland

Goljano Magazine

About This Post
Posted by Abdisalam on Sep 12th, 2009 and filed under Articles, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply