Home » Articles, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » WASIIR CAWIL IYO AXMED YUUSUF YAASIN WAXAY KU KALA HADHEEN MAWAADINNIMADA..

WASIIR CAWIL IYO AXMED YUUSUF YAASIN WAXAY KU KALA HADHEEN MAWAADINNIMADA..


sacad-ciise-cumarMarka hore waxaan leeyahay umada muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan Ramadan karim.

Marka xigta waxaan salaan qaali ah hawada u soo marinayaa shacabka reer s/land ee xalaasha ah.

Waxaan marka labaad salaamayaa saxaafada xorta ah ee ogsoon waajibka ka saaran qarankan..

Hordhac

Sida aan la wada socono waxa wadankeena ka taagan dhibaato siyaasadeed oo ay ka umulinteeda inta ay madax iyo mijaha isu qabteen afar xubnood oo ka tirsan komishanka doorashada iyo madaxweyna riyaale, isla markaan ay cod dheer oo maqshir iyo maqribka ka dhacay ku sheegeen in diwaan galintaasi ahayd waxa qabiilooyinka Somaliland iska hor keenaysa sidaa daraadeed ay waajib noqotay in ay laalaan, iyagoo bixinaaya sawir aan ahayn ka dhabta ah ee meesha yaala ama ay ku go’aan qaateen..

Markaa warkaasi soo baxay waxa dhacday shacabka reer s/land intooda xalaasha ah ee fahansan ujeedooyinka ay lahaayeen iyo aduunweynihiiba ay si weyn uga hor yimaadeen kuna tilmaameen go’aan ay gaadheen dad dhuxulo dhabto ku jira ee aanay gaadhin dad umad masuuliyadeed huwani..

Guda galka maqaalka

Waxa hadalo kala duwan oo kala wadanisan afkooda ka soo kala baxay wasiir cawil iyo madaxweyne ku xigeenka axmed yuusuf yaasiin oo mid waliba wixii ay isaga la tahay ama waxa uu ku taliyo marka ay xukuumad ahaan shirka ku jiraan uu si guud mar ah xafladaha kaga hadlaayo, hadaladaas oo ay u dhaxayso farqi aad u weyn aan ku ku horeeyo madaxweyna ku xigeenka

Sh axmed isagoo ka hadlaaya xaflad dhaxa lagu dhigaayey xafiis loo dhisaayo wasaarada qorshaynta qaranka ayaa waxa uu yidhi kuwa moodaayey in la kala tagaayo oo qaranku burburaayo waa beentooda wuu jiraa calankanina maaha mid hoos loo dhigaaayo mana dhici karto in aad ku qosoyaashan oo ragii lahaa aya hareeraha ka taagan oo meel aad ka soo gashaan ama u soo martaan heli maysaan.

Qiimaynta hadalka madaxweyne xigeenka sh axmed yaasiin

Markaan qiimeeyey hadalkaa madaxweyna ku xigeenka waxa uu u muuqdaa nin muwaadin ah oo wadankiisa jecel isla markaan og in xilku uu hayaa yahay waxa laga badali karo hadii aad godob gashona feylka ifka iyo feylka aakhiroba laguu galinaayo maalin aanad ka murmi karayn lagu soo hordhigaayo wadankana ay joogaan dad madaxweyne ku xigeeno ka soo maray oo ku nool caasimada sida xasan ciise jamac kana mid yihiin muwaadiniinta isagana nasiibku siiyey goor ay noqotona mar uun xilka uu hayo laga wareejin doona oo muwaadin kale qaban doona, waxaana uu u muuqday nin meel uu wax mariyo la’a oo sida riyaale iyo qaar ka mid ah wasiiradu u fakarayaan ka duwan..

Wasiir cawil ayaa isaguna shir jaraa’id oo uu ku qabtay gurrigiisa ku celiyey hadalkii looga bartay ee ahaa madaxweynuhu waa xabagta wadanka isu haysa iyo wadaxnweynuhu hadii uu shandadiisa qaato kadinka ayaan isku qabsanaynaa

Hadaladaas oo ahaa kuwa cawil ilaa maalintii wasiirka laga dhigay uu ku soo celcelinaayey, waxaan filaya wax kale oo uu sheego ayaanu garanayn sidaa daraadeed shacabka waxaan leeyahay iska dul qaato waxay somalidu ku maah maahdaa ( gabadh aan uunsan jirin hadii ay uunsato meel aan la iska gubin ayey iska gubtaa, nin aan talin jirini hadii uu taliyona nin aan tagi jirin ayaa taga)

Qiimanta hadalka cawil.

Cawil hadalkan iyo kuwa hore oo aan la socday dhamaantood isku mid ayey ahaayeen waxaana ay ahaayeen kuwo huwan naxli iyo bukaan uur jiifa ah oo aan daawadiisu wali la siin, waxa uu yidhi madaxweynuhu hadii uu shandadiisa qaato waa su’aale shandadan maxaa ku jira waxaanse cawil waydiinayaa cawlaw inaadeer habeenkii ina riyaale xilka loo dhaariyey ee uu dhinta alla ha u naxariistee marxuun maxamed ibrahim cigal waxaan joogay kharyada hargeysa oo aan bbcda oo xiligaa  7.00 fiidmo 15 daqiiqo war yar  sii dayn jirtay ku dhagaysanaayey may odhan madaxweynaha cusub iyo shandadiisiiba wax loo galbiyey ama ay galeen madaxtooyada shandandan cid aan adiga ahayn oo sheegtaa ma jirto jawaabta shandadaana shacabka reer s/land waa kaa sugayaan wasiir cawilow.

Wasiir cawil waxa uu in badan isku dayey in uu beelaha gaadhsiiyo naxliga iyo bukaanka uurkiisa jiifa laakiin nasiib wanaag waa laga diiday oo dhamaan qabiilooyinka uu u jeeday way la socdaan in maxkas bugtaa ku jirto ninkaa.

Cawil waxa uu u muuqdaa nin aan ka fakarin waxa soo socda dibna u eegin wixii la soo maray laakiin la tan iyo awooda ah wax saacadaa la joogo sida caruurta (raga calooshi la ciyaar iyo ciil kama karaa u daran dumarkana cirkeed bugatiyo casar seexataa u daran)

Gabo gabo

Marka aan labadaa nin ee xaga xusbiga udub laga yaabo in ay marmar isku hadalka ka noqdaan hadana waxay ku kala baydheen arimaha xaas xaasiga marka wadanku galo oo cawilna qoslo oo yidhaahdo hada ayey fiican tahay oo adiguna waad iska dhoofi doontaa sida uu waraysi badan oo hore ku sheegay in uu Nairobi qaban doono hadii xilka laga qaado ama mocaaradku kaga guuleystaan doorashada soo socota,, axmed yuusuf yaasiina waxa uu xasuustaa dhibtii wadankani soo maray markaa ayuu aad u warwaraa laakiin nasiib daro meel uu wax mariyo ayaanu hayn

Waxaan ku soo koobayaa murtidii ahayd (ragu higilka waa isku mid wuxuu kala hadhayaan marka dirirta la holado, dumarku higilka waa isku mid waxay kala hadhayan marka hoyga lala galo)

Sacad ciise cumar

Berbera

e-mail f_bihaary@hotmail.com

……………………………………………………………………………………………………………

Qoraaga  ayaa ka masuula oo lagala xidhiidhayaa wixii ku aadan fikirkiisa.

GoljanoMedia

About This Post
Posted by Jamaal on Sep 7th, 2009 and filed under Articles, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply