Home » Articles, General, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Wasiirka Daakhiliga Oo Jawaab Ka Bixiyey Hadal Kasoo Yeedhay Guddomiyaha Wakiilada

Wasiirka Daakhiliga Oo Jawaab Ka Bixiyey Hadal Kasoo Yeedhay Guddomiyaha Wakiilada

cabdillahi_cirro2

 

 

 

 

Hargaysa  -(Goljano)- Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland oo ka jawaabayay hadal uu warbaahinta ka sheegay Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Mudane C/raxman cirro ayaa sheegay in aanay Hanjabaada Shirguddoka Baarlamaanku aanay waxba soo kordhinayn isagoo xildhibadanadana ugu baaqay inay tashadaan oo ka heshiiyaan waxa dhexdooda yaalla, caqligaan ka sahqaysiiyaan, Sidoo kale waxa uu sheegay wasiir Cirro in hadalka uu ku sheegay Guddomiyaha G/wakiiladu ee ah in ay khasab ku geli doonaan Baarlamaanku ay dhibaato keeni karto shacabka iyo dalkaba, sidoo kale wasiirka arrimaha Guduhu waxa uu sheegay Sxaafadda in uu ug uyeedhay maanta inu u sheego sababihii dhaliyey in ciidanka boolisku galo xarunta Golaha Wakiilada iyo wixii keenay isagoo yidhi “waxaan isugu kiin yeedhay haddaad Tihiin saxaafadda maalmahanba waad ogayden Buuqii ka taagnaa Baarlamaanka iyo sababihii keenay in ciidanka Bolisku halkaasi tago iyadoo uu dhexdooda ka dhashay khilaaf, weliba khilaaf sawaxan iyo buuqba wuu dhici jiree markii ay gaadhay inay isu adeegsadaan Hub iyaadoo ay taasi keentay halkii dhiig ka daadan lahaa in aan u Gurmano oo kala dhex galno, laba garab ayay noqdeen oo labadooduba saxaafadda way la hadleen oo weliba Guddomiyaha Goluhu jediyey baaq Hanjabaad ah oo uu l eeyahay Sabtida annagoo awood adeegsanayna ayaa Sabtida aanu Baarlmaanka xoog ku geli doonaa”

Hadalkan ka soo yeedhay wasiirka daakhiliga ayaa ahaa baaq uu ujedinayay Bulshada somaliland, uguna baaqayay in ay nabadda iyo degenaanshaha ilaaliyaan , sidoo kale uu xildhibaanada ugu baaqayay in ay aayaha dalkooda iyo dadkooda soo doortay ka taliyaan oo ay caqli keenan, isagoo sheegayna inaanay maanta hanjabaadi waxba tarayn balse ay wax tarayso in la keeno caqligii wax lagu maamuli lahaa dalkana dhibaatada iminka haysata lagaga samata bixin lahaa.

Hadaladan ka soo yeedhaya masuuliyiinta sar sare ee qaranka ayaanu illaa hadda ka hadal ergaygii qaramada Midoobay u qabailsana Somalia /S/land isla markaasna ay u muuqataa in imaanshihii ergaygaasi aanay waxba soo kordhin.

wasiirka oo eedayn u soo jeediyey Mucaaradka ayaa ku eedeeyey in ay carruurta ka qaybqaadanaysa Mudaharadka ay siiyan lacago yar oo 5000 sha kun oo s/land shilng ah, isagoo waalidiintana ka dalbaday inay caruurtoda ka joojijyaan qaska iyo mudaharaadada lagu wax yeelanayo Nabada Somaliland ee lacagta lagu siinayo caruurta.

Ugu danbayntii wax uu wasiirku ugu baaqay Gacanasatada in ay iska ilaaliyaan wax kasta oo carqaladaynaya Quutal daruurigooda isla markaasna aanay meheradohooda u xidhin qas iyo jahwareer dalkan la geliyo.

 

 

Reported by

Mustafe Osman A/rahman

About This Post
Posted by Mustafe on Sep 11th, 2009 and filed under Articles, General, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply