Home » Articles, Featured, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Wasiirka Arr Dibadda S/land Oo Jabuuti Kulamo Kula Yeeshay Masuuliyiin Ka Tirsan Dalalka France, Djibouti, Ethiopia & Urur Goboleeka IGAD

Wasiirka Arr Dibadda S/land Oo Jabuuti Kulamo Kula Yeeshay Masuuliyiin Ka Tirsan Dalalka France, Djibouti, Ethiopia & Urur Goboleeka IGAD

dd

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo Amuutaasi ku saabsan si faahfaahsan uga hadlaaya Waxyaabahay wasiirka iyo Madaxdaasi ka wada hadleen ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

War-Saxaafadeed.

 

 

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo wali ku gudo jira booqasho hawleedkii u ku joogay Jamhuuriyadda Djibouti ayaa waxa maanta uu la kulmay madaxda sar sare ee safaarada Faransiiska ee fadhigoodu yahay Djibouti, halkaasi oo ay labada dhinac ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal.

 

Dhinaca kale waxaa Wasiirka ku soo booqday Hotelka uu ka dagan yahay magaalada Jabuuti Safiirka dalka Ethiopia ee jabuuti halkaasi oo ay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha hawlihii dhaxdaxaadinta ee uu Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda ee Ethiopia Dr. Takada Alamu u yimid Somaliland .

 

Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale waxaa kalo  uu maalintii shalay kulamo gaar gaar ah la yeeshay Wasiirka Isgaadhsiinta Jamhuuriyadda Djibouti, ahna Gudoomiyaha gudidda Xidiidhka Jamhuuriyadda Djibouti iyo Somaliland iyo, hawlwadeeno ka tirsan xarunta IGAD ee caasimada Jabuuti ee Dalka Djibouti.

 

Kulamadaasi oo lagu gorfeeyay arrimo la xidhidha cilaaqaadka ay Somaliland la wadaagto dalka Djibouti iyo Ururka IGAD waxay ku dhamaadeen jawi is af garad.

 

 

 

 

Allaa Mahad Leh

 

Af hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda

                        Xarunta

 

About This Post
Posted by Abdisalam on Aug 31st, 2009 and filed under Articles, Featured, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply