Weriye Nura Maxa’ed Cali(Nura Hppy) oo ku geeriyootay shil baabuur iyo taariikh Nololedkeedii oo kooban.

Marxumad weriye Nura Maxamed Cali(Nura-happy)
Burco -(Goljano)- Alle ha u naxariistee waxaa xalay abaaro todobadii iyo badhkii fiidnimo shil-baabuur oo ka dhacay albaabka hore ee degmada Sheekh ku geeriyootay Marxuumad Nuura Maxamed Cali [Nuura Happy] oo ka mid ahayd asaasayaashi Naadiga Akhriska (Halkaraan Readers Clup) ee Burco.
Shilkan baabuur ayaa yimi ka dib markii ay is galeen gaadhiga ay marxuumadu saarnayd oo noociisu ahaa Surf iyo gaadhi Dhayne ah oo ku soo jeeday dhinaca magaalada Burco, waxaana shilkaas ku dhaawacmay afar qof oo saddex ka mid ahi saarnaayeen gaadhiga dhaynaha ah iyo darawalkii gaadhiga ay marxuumadu saarnayd.
Alle ha u naxariistee Marxuumad Nuura Maxamed Cali (Nura-Happy) ayaa wakhtigaa ay shilkaa ku geeriyotay ku sii jeeday Degmada Sheekh oo ay kaga qayb-galaysay munaasibad ay buug ku soo ban-dhigayeen Naadiga Akhriska ee Degmada Sheekh [Sheekh Readers Club] oo marti-qaad rasmiya u fidiyey marxuumadda. Hasayeeshee markii ay gaadhay albaabka hore ee laga galo magaalada sheekh gaar ahaan Meelaha Kadhada ah ee loo yaqaano (ASKARI JIIFA) ayay si lama filaan ah afka isku dareen gaadhiga marxuumadu saarnayd oo xawli aad u sareeya ku socday iyo gaadhiga dhaynaha ah ee rakaabka ahaa iyadoo tiro ka saddex jeer ay baabuurtu afka is dareen oo ay isku dhaceen ugu danbayntiina shilkaas baaxada leh uu ka dhacay halkaasm,
Marxuumadda aya waxaa uu dhaawac xumi ka soo gaadhay madaxa oo uu dhiig badani kaga furmay, kaas oo markii dambe kallifay in ay u geeriyooto koomadii ay gashay.
Dhaawacii kale ee shilkaas baabuur ku wax-yeeloobay ayaa iyagana waxaa xalay fiidkii la soo dhigay cusbitaalka guud ee magaalada Burco, halkaas oo lagu dawaynayo illaa iminka.
Waxaana Marxuumada isla xalayba lagu aasay magaalada Burco, iyadoo ay suuro geli wayday in salaadda Subax lagaga Tukado masaajida Dhiig badan oo madaxa ka socday iyo dhaawaca jidhkeeda ku yaalay oo halis ahaa aawadeed isla markaasna isla xalay abbaaro 2dii habeenimo lagu aasay magaalada Burco.
Taariikh Nololeedkii Marxuumad Nura maxamed Cali:
Alle ha u naxariistee Nura Maxamed Cali waxay ku dhalatay Gobolka Oodwayne Sannadkii 1987, waxay dugsigeedii hoose iyo dhexe ku qaadatay isla Gobolka Oodwayne, waxayna ka mid ahayd 8aadkii u horeeyey ee ka baxa Odweyne,Dugsigii sare waxay ku qaadatay Hargaysa iyo Burco iyadoo sannadkii u danbeeyey ee form4 ku dhammaysatay Burco, sido kale waxay Jaamacadda Magaalada Burco ka dhammaysay 2-sanno oo ah Teacher Training Office(TOT ) waxay iminka Jammacadda magaalada Burco ka dhiganaysay 2 Course oo kala ah Bussiness iyo Cours ku saabsan sida shinnida loo dhaqdo oo dhowan ay jamacaddu Furtay, sido kale waxay ahayd marxuumad Nura maxamed Cali hal abuur aad u jecel suugaanta iyo dhaqanka isla markaasna samaysay gabayo iyo heeso badan oo dhaqanka soomalida ka turjumaya, iyadoo ka mid ahayd aasaasayaashi dhidibada u taagay Naadiga akhriska ee (HALKARAAN READERS CLUP) sidoo kalena ka mid ahayd 7 xubnood ee ugu sareeeya Naadiga Board of Director ka, sido kale alle ha u naxariistee Marxuumad Nura maxamed cali waxay ka soo shaqaysay dhowr NGO oo hore sida ay ii sheegtay mar aan kula kulmay xafiiska ay imminka ka shaqaynayasy ee Hay’adda CCS,oo ay u qaabilsanayd dhinaca la dagaalanka cudurada khatarha sida HIV/AIDS. waxay kaloo ahayd qofkii u horreeyey ee nasiib u hela bandhiga Buuggii 1aad ee Naadiga akhriska HALKARAAN READERS CLUP uu soo bandhigo oo magaciisa la yidhaa Gobonimo Bilaash maaha, Marxuumad Nura Maxamed Cali waxay ii sheegtay mar aan ku sheekaysanay xafiiska hay’adda CCS inay aad uga hesho luqadda Somaliga iyo dhaqankii hore ee Soomaaliyeed, Marxuumad Nura Maxamed waxay ahayd shakhsiyad aad u fur furan, kaftan badan, soo dhoweyn wacan, tix gelin badan, isla markaasna aad u jecel waxbarashada oo goob kasta oo waxbarasho lagu arki jirey, sidoo kale waxay ahayd marxuumaddu saxafiyad in muddo ah ku gudo jirtay saxaafadda Gudaha iyadoo u lahayd aqoon xirfad doora saxafadda isla markaasna baranaysay muddoo sannad ku dhow, may ahayn qof iska waynaysiiya dadka, mana ahayn qof iska jecel uun saxaafadda ee waxay walba ka hor marin jirtey in aqoontiisa ay soo qaadato kadibna ku hawlgasho, waxay ahayd marxuumaddu qoraa wax ka qorta arrimaha Bulshada iyadoo sheekooyinka ay qortaana ay badiba ku salaysnaayeen Dhaqankii soomaalida ee asalka ahaa, sheekadii u danbysay ee website yada iyo jaraiidada ay ku soo daabacdayna ay ahayd (DUMAR WAA NINKEED BILA IYO NINKEED BI’IYA) oo ay ku soo daabacday websiteyo ay ka mid yihiin Hadhwanaagnews,murtimaal.com , oodweynenews.com, somalilandinfo.com, Gabiley.net, iyo qar kaloo badan, Marxuumad Nura Maxamed cali waxay ahayd Single (aan xaas ahayn) Waxayna qoyskooda iyo reerkoodu deggen yihiin Burco.
alle ha u nxariistee Marxuumad Nuura Maxamed Cali waxay dhawaan ka hawl-gashay oo ay dhinaca Tebinta wararka kala shaqaynasay shabakada wararka ee Hadhwanaagnews.com oo ay wararka uga soo tebin jirtey magaalada Burco.
ugu danbayntii dhammaan hawlwadeenada iyo maamulka sare ee shabadakada wararka ee Gojano.com waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayayaan guud ahaan elahadii qaraabadii ay ka geeriyootay Marxuumad Nuura Maxamed Cali, waxaana ay ilaahay uga baryayaan in uu Janadii Fardawsa ka waraabiyo.
Aaamiiiiiiiiiiin Aaaaaaamiiiiiiiiiiiiiiin Aaaaaaaaaa miiiiiiiin
Mustafe Osman A/rahman
Xafiiska Wararka Goljano Media
Buraco / Somaliland

