Home » Articles, Fanka & Suugaanta, General, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Warihii HCTV Ee Berbera Oo Lagu Xidhay Xabsi Ku Yaal Dekedda Dhexdeeda

Warihii HCTV Ee Berbera Oo Lagu Xidhay Xabsi Ku Yaal Dekedda Dhexdeeda

hctv

 

 

 

 

Berbera (Goljano ) Ciidanka Ilaalada Dekeda Berbera ayaa shalay Galab xabsiga u taxaabay Weriye C/kariin Siciid Saalax oo ah weriyaha Horn Cable Tv ee magaalada Berbera xili uu ku gudo jiray howlihiisa shaqo isaga oo waqtigaasi rabay in uu sawiro ka qaado Markab weyn oo sida xamuul oo dab ku qabsaday dekeda Berbera.
 
Xadhiga weriyaha  ayaa waxa amarkiisa bixiyay Taliyaha Ciidanka Dekeda oo la yidhaahdo Cabdi Jibriil kaasi oo askarta dekeda ku amray inay xidhaan kana qaadaan Camerada iyo qalabka shaqada ee uu sito, waxaana markiiba weriyaha si deg deg ah loogu xidhay saldhiga dekeda oo uu ilaa iyo hada uu ku xidhan yahay, mana jirto waxa sabab ah amase dambi ah oo loo sheegay in lagu haysto weriyaha.

 
Weriyaha ayaa xilligi la qabanayey sawiro ka qaadanayay markabka uu dabku qabsaday ee u raran ganacsatada reer somaliland, markabkan oo sida alaabooyin kala duwan oo ay ka mid tahay Baabuur tiro badan iyo bagaash iyo raashin. ayaanay jirin cid si dhab ah u garanaysa sababta dhalisay dabka iyo waxa gubay toona, Guud ahaanba dadka reer Berbera ayaa isugu soo baxay agagaarka dekeda Berbera si ay halkaasi uga daawadaan dabka markabka ka Baxaya iyo markabka uu dabku qabsaday.
 
Hadaba maaha markii ugu horaysay ee masuulyiinta Dekeda Berbera ay xidhaan weriye sidan oo kale howshiisa shaqo u gudanaaya balse 2Todobad ka hor ayay ahayd markii masuulyiinta dekedda Berbera ay xidheen Weriye Yasin Jamac Cali oo ka hawlgali jirey Bogga internetka ee BERBERANEWS.COM iyo weliba idacada Radio Horyal, iyagoo sidoo kalena masuuliiyintaasi xukun maxkamadeed 3 sano oo xadhig ah ku ridey Tafatirihii Berberanews, iyagoo sidoo kale ku dhawaaqay shaqo ka fadhisiin labadaasi weriye ah, iyadoo maxkamadda lagaga soo oogay weriyahaasi eedaymo raqiis ah kadibna la sii daayay laba todobaad oo xabsi ah kadib, halka ay weli baadigoobayan Tafatirihii Webkasi Berberanews.

Ugu Danbayntii Masuulyiinta Dekedda Berbera aya caado ka dhigtay weerarka ay ku hayaan saxaafadda iyo weliba xorriyatulqawlka, iyagoo u adeegsada had iyo jeer suxufiyiinta hawlmaalmeedkooda Gudanaya Power.

 

 

 

 

Mustafe Osman A/rahman

Xafiiska wararka Goljano Media

Burco Somaliland

Mustafe_480@hotmail.com

About This Post
Posted by Mustafe on Sep 1st, 2009 and filed under Articles, Fanka & Suugaanta, General, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply